Wasiirkii Hore Arimaha Dibada Somaliland Dr Maxamed Cab dilaahi oo ka Hadlay Wararka Sheegaya In Uu Xil ka Raadinayo Maamulka Somaliya

 


London (TNN) :- Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar ayaa shaaca ka qaaday inuu hawlo muhiim u ah qaranka Somaliland ka wado dalka Ingiriiska, isla markaana deel qaaf ku tilmaamay warar lagula xidhiidhiyey Soomaaliya, iyo kuwa loo jeediyey Madaxweynaha JSL, kulana taliyey dad ka baahinaya inay ka xishoodaan.

Wasiirkii hore Arrimaha Dibedda, Dr Maxamed Cabdillahi Cumar xilligana ah masuul sare oo ka tirsan xisbiga KULMIYE ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar dhowaanahan qaar ka mida warbaahinta Soomaalidu ku sheegayeen inuu olole ugu jiro xil uu ka qabto Soomaaliya.

Weriye Maxamuud Walaaleeye oo Dr. Maxamed Cabdillahi kala xidhiidhay khadka telefoonka, kuna weydiiyey siduu u arko wararka ku xidhiidhiyey Soomaaliya ayaa yidhi,

“Waxaan joogaa dalka Ingiriiska oo aan hawlo shaqo u joogo hadda, waxanan dar dar galina yaa hawlgalada xisbiga Kulmiye ee dibadda.”

Dr. Maxamed cabdillahi ayaa sheegay in wararka ku xidhiidhinaya Soomaaliya yihiin kuwo aan waxba ka jirin, waxaanu yidhi,

“Warkaasi la xidhiidha dawladda xamar waa kuwo aan waxba ka jirin oo ah dacaayad raqiis ah. Qolayaha wada waa la yaqaanaa, waxaanan leeyhay ka xishooda dadka baahinaya wara rkaa deelqaafka ah.

Sidoo kale Wasiirkii hore Arrimaha Dibedda Somaliland Dr. Maxamed cabdillahi Cumar ayaa u gu baaqay dadka hadalada deel-qaafka u jeedinaya Madaxweynaha JSL Md. Axmed Maxam ed Siilanyo, ka xishoodaan, isagoo sheegay in la garanayo dadkaasi, waxaanu yidhi,

“Wararka kale ee la xidhiidha in madaxwaynuhu Siilaanyo, waa war aan sal iyo baar lahayn, lana mid ah warka hore.”

Hadalka Dr. Maxamed Cabdillahi ayaa meesha ka saaraya warar dhowaanahan warbaahinta qaarkood ku faafinayeen inuu xilal uu ka qabto xukuumada Soomaaliya ololaheeda ku jiro.