Dr. Maxamed Cabdillaahi Oo Sheegay In Somaliya Ka Ba xday Heshiisyadii Ay Turkiga Kula Gashay Dawladda Somaliland

 


Hargeysa (TNN) :- Wasiirkii hore ee Wasaaraddaha Arrimaha Dibadda iyo Ganacsiga Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa ka hadlay go’aankii ay Dawladda Somaliya Ku joojisay duulimaadyada Diyaaradaha ee Somaliland imanayey, waxaanu sheegay in dawladda So maliya ay si toos ah u jebisay heshiisyadii ay Somaliland iyo Somaliya wada gaadheen.

Wasiirkii hore ee Wasaaraddaha Arrimaha Dibadda iyo Ganacsiga Dr Maxamed Cabdilaah i Cumar, oo Wargeyska Geeska Afrika wareysi gaar ah siiyey ayaa sidoo kale waxa uu k a hadlay Shirkii Wadamada Afrika ee dalka Itoobiya ku qabsoomay waxaanu isaga oo ari mahaas ka hadlaya yidhi “Go’aankan ay Dawladda Somaliya ku joojisay duulimaadyadii u gu imaanayey Somaliland wey ku deg degtay, waa qorshe aanay ka fiirsan, oo ay si kha ldan u gaadhay, Somaliland waxba ku yeeli mayso, inta badan Shacabka Somaliya ee So maliya tagaya ayaa ku sii nagaan jiray Somallland, markaas waxa ay is lahayd wax tarso ama Somaliland wax ku yeel, balse wax alaale wax dhib ah oo Somaliland go’aankaas ka soo gaadhayaa ma jirto.

Wada hadalo ayaa Somaliland iyo Somaliya dhexmaray, heshiisyo ayaa la galay, waxa la gu taliyey in aan heshiisyadaas la jabin, laakiin Dawladda Somaliya marka ay wax kale q aban kari weyday, ayey si toos ah uga baxday heshiisyadii oo qodobadii lagu heshiiyey si badheedh ah u jabisay.”

Dr Maxamed Cabdi Cumar mar uu ka hadlaayey go’aamadii ay dhawaan soo saartay Da wladda Somaliya ee la xidhiidhay dhinaca doorashoyinka dalkooda, ayaa yidhi “Go’aanad ii ay soo saartay Dawladda Somaliya ee ku saabsanaa Doorashada iyo Maamul Goboleed ada Somaliya, oo ay Somaliland ku darsatay, ee ay u gudbisay Qaramada Midoobay, Mid awga Wadamada Afrika iyo IGAD, wax ka jiraa ma jiraan, waxaana run ah in Somaliland tahay Dawlad iyo Dal madax baan, oo hanaankiisa dawladnimo dhistay, maamul gobolee dada Somaliyana aan ku jirin”.

Dr Maxamed Cabdi Cumar ayaa mar uu ka hadlaayey Shirkii madaxda Afrika ayaa yidhi “Waxa aan ka qayb galay Shirkii AU ee Qaramada Afrika ee ka dhacay dalka Itoobiya, S hirkaas waxa lagaga hadlaayey arimaha Afrika, gaar ahaan xaalada dalka Burundi, lagu ma soo qaadin arimaha Somaliland iyo Somaliya, balse waxa lagu soo qaaday go’aankii ka soo baxay Shirkii Dawladda Somaliya ee Maamul Goboleedada”.

Dhinaca kale Dr Maxamed Cabdi Cumar waxa uu Bulshada reer Somaliland ugu baaqay inay isku duubnaadaan, oo dawladnimadooda iyo qaranimadooda ilaashadan, cidii dhib ka dhex wadana ay iska dhex qabtaan, horumarka dalkoodana ka shaqeeyaan.

 

Source: Wargeyska Geeska Afrika