Dudmo iyo Dagaal, Dogoxoow Hadmaad, Doc u Dhaafaysaa?

 

Saleebaan Daahir Cabdilaahi (Dogox )


Eng dogox Waxa ay ahayd markii shalay lagu daabacay qaar ka mid ah warbaahinta Somaliland ma qaal ciwaankiisu yahay “Xildhibaan Dogox oo Feedh Ku Daldalay Xoghayaha Fulinta Dawladda Hoose ee Hargeysa” una dhignaa sidan:

“Sida uu nooga warramay goob-jooge ku sugnaa Maansoor Hotel oo codsaday inaan magaciisa la sh eegin, saaka 09:30 arooryo ayaa uu Xildhibaan Saleebaan Daahir C/Laahi (Dogox) oo ka mid ah Gola ha Deegaanka Hargeysi dagaal gacan ka hadal ah ku qaaday Xoghayaha Fulinta Dawladda Hoose ee Hargeysa Mawliid Weris C/Laahi oo fadhiya kuraasta hudheelka.


Xildhibaan Dogox ayaa weerarka ka hor hadallo cadho ah ku yidhi “Maayarnimadii adaa iga qaaday” isagoo Xoghayaha ku eedeeyay inuu galay olole ka dhan ah isaga oo uu ku weydaariyay maayarni mada Hargeysa oo la filayo in berri ay Golaha Deegaanka Hargeysi u codeeyaan masuulkii beddeli lahaa Eng Yuusuf Warsame Siciid oo dhawaan geeriyooday.


Maaha markii koowaad ee ay is-gacan saaraan masuuliyiin xilal ka haya qaranka Somaliland, waa se dhacdo fool-xumadeeda leh oo muujinaysa masuuliyad-darrada ay ku kacaan dar ka mid ah kuwa lo o doorto ama loo magacaabo xilalka qaranku”


Waxa raacday inuu saaka Xildhibaan Dogox saaka noqday qofka keliya ee ka tirsan Golaha Deegaan ka isla markaasna ka duday ama ka maqnaa doorashada Maayarka Cusub C/Raxmaan Soltelco, ka dib markii lagaga adkaaday ololihii duqa Hargeysa… Taasina waa fal kale oo saluuggeeda leh.. Ma laga yaabaa inuu Dogox qaadaco doorashada maayarka siduu hore u qaadacay Doorashadii Marx uum Eng Yuusuf Warsame Siciid oo uu gadaal kaga qancay?


Waxa aan jecelahay inaan Xildhibaan Dogox u gudbiyo talooyinkan:


1. Masuul baad tahaye ka waantoow dagaalka iyo dudmada, aqbalna natiijada

2. Ha ku adkaysan inaad ka mid tahay Ururkii dhacay ee Xaqsoor, ee ku biir saddexda Xisbi qaran ee jira haddaweliba KULMIYE haddaad maayar rabto.

3. Sameena olole aad hankaaga ku rumayso

 

 


Cabdi Cismaan Xirsi

xaji_571@hotmail.com