Xaflad balaadhan oo Loo
Sameeyay Dufcadii ugu Horaysay ee ka Qalin Jabisa Kuliyada Culuumta
bada ee Magaalada Berbera
Dufcadii ugu horaysay ee ka qalin
jabisay kuliyada culuumta bada ee Magaalada Berbera ayaa maanta
xaflad balaadhan oo lagu maamusayo loogu qabtay xarunta kuliyada ee
magaalada Berbera halkaas oo masuuliyiin kala duwan iyo marti sharaf
tira badani ka qayb galeen.
Dufcada kowaad ee dhamaysatay aqoonta badaha iyo mihnada
kaluumaysiga ayaa tiradoodu dhamayd 66-arday oo sida la sheegay tan
iyo markii la aasasay kuliyada 2005-tii wax ku baranayay,
masuuliyiintii kala duwanaa ee ka qayb galay xaflada balaadhan ee
loo sameeyay qalinjabinta dufcadii u horaysay ee dhamaysatay
kuliyada culuumta badda, waxaa ka mid ahaa Wasiirada waxbarashada,
Kaluumaysiga, Gudoomiyaha xibiga mucaaridka ee UCID, hormoodka laba
jaamacadood ee Hargaysa iyo Camuud.
Wasiirada waxbarashada Md. Xassan X. Maxamuud (Xassan Gadhweyne) iyo
wasiirka kaluumaysiga iyo khayraadka dabiiciga ah Md. Cali Qoor Seef
oo halkaa ka hadlay ayaa si wayn uga waramay qiimaha waxbarashadu
leedahay, gaar ahaan culuumta bada oo aqoonteedu bulshada ku yar
tahay, waxaanay aad ugu mahad naqeen masuuliyiinta iyo barayaasha
kuliyada, waxaanay ardaydii ka qalin jabisay kula dardaarmeen inay
sii korodhsadaan isla markaana ka faa’iidayaan.
Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay gudoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah
ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo u hambalyeey , dhiirigaliyay
ardaydii ka qalinjabisay halkaas isagoo hadalo kooban ka yidhi
qaraxyadii ismiidaminta ah ee dhawaan ka dhacay caasimada hargaysa
sidoo kale xusay inaan xukuumada hadda talada haysa aan laga
aqbalayn shanta sano ee soo socda inay mandatkii ay u balanqaaday
berbera kaliya aanu ku koobnaan kuliyadan badda iyo warshadii
laydhka.
Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay Maayarka Magaalda Berbera oo si
wayn ugu mahadnaqay una hambalyeey maamulka kuliyada badda iyo
ciddii kala qayb qaadatay horumarakan uu gaadhay gobolka saaxil
tilmaamayna in ay tahay mid horumar gaadhsiin karta dhalinyarada
gobolka saaxil ee qaban jirtay gobolda kale.
Marwo Faadumo Siciid oo ah Gudoomiyaha kuliyada bada oo halkaa ka
hadashay ayaa ka warantay heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay
kuliyada baddu, waxayna aad mahad naq ugu jeedisay cid kasta kala
qabqaadatay soona gaadhsiisay heerakan iyadoo oo carabaabtay
jaaliyada dibada , oo ay sheegtay inay yihiin kuwii suurtagaliyay in
ay manta kuliyadu soo gaadho heerkan.
Waxa kale oo iyaduna ka hadashay Marwo Canab Barre oo ah maamulka
kuliyada kana mid ah gudida kuliyada badda iyo dadkii sida wayn ula
shaqeeyay, waxay Marwo Canab Bare sheegtay in kuliyad ahaan ay qalbi
wanaagsan iyo farxad ku sagootinayaan ardaydii hore ee dhamaysatay,
isla markaana ay diyaar u yihiin inay qaataan arday cusub kuwaas oo
ay heerkooda aqooneed gaadhsiin doonaaan illaa dioploma.
Waa gabagabadii halkaa shahaadooyin lagu gudoonsiiyay ardaydii
dhamaysatay aqoonta bada iyo mihnada kaluumaysiga kuwaas oo
tiradooda guud dhan tahay 66 araday oo ah kuwan shahaadoyinka la
gudoonsiiyay , iyagoo isugu jiray saddex qaybood oo kala ah
navigation and maritime, vocational training fisheries, English
language.
Ardayda ka qalin jabisay navigation oo tiradoodu dhantahay 10 arday
ayaa lagudoonsiiyay higher diplomer, halka kuwa oo tiradoodu
dhantahay 56 arday oo isugu jira kuwa lagudoonsiiyay shahaadada
luqada English ka iyo kuwa xirfada kalumaysiga.
Ujeedada kale ee xafladan loo qabtay ayaa ahayd in kuliyada loo
magacaabo jaamacada berbera , halka faculkan culuumta badana uu
kamid noqon doono faculada ka baxa jaamacada.
Markii la dhameeyay xafladaas waxa uu Wasiirka kaluumaysiga iyo
khayraadka baddaha Somaliland Md. Cali Maxamed Qoor-seex uu xadhiga
ka jaray laberaray ay habaytiisa iyo qalabayntiisaba ay lahaayeen
uruka wadinga ah ee saredo ,oo halkaa waxqabadkoodii kusoo bandhigay,
ugu dambayntii wuxuu wasirku dhagax dhigay dhisme cusub oo lagu soo
kordhin dooono jaamacada berbera
Harawo
|