Dufcadii 5aad ee ka qallinjabisa Dugsiga Xanaanada Xoolaha ee Sheekh{STVS} oo maanta Munaasibad balaadhan looqabtey iyo hadaladii Masuuliyiintii ka qayb gashey.

 

 

Sheekh (TNN)-Dufcadii 5aad ee ka qallin jabisa kulliyada xanaanada xoolaha ee Sheekh{STVS}.ayaa maanta xaflad balaa dhanloogu qabtey xarunta dugsigaasi ee magaalada sheekh.


Munaasiabdani oo ay ka soo qayb galeen Agaasimaga Guud ee Wasaarada Xanaanada Xoolaha, Dr Maxamed Axmed Cag a weyne ,Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Maxamud Cali Saleebaan {Ramaax}.Masuuliyiinta degmada Sheekh,Masuuliyiinta Dugsiga xanaanda xoolaha ee sheekh,Masuuliyiin kasocotey Jaamacada Makelele university ,Nairobi University iyo walid iin iyo masuuliyiinta iyo shaqaalaha hayada ternova.


Maamula STVS, Dr Tomas Bazarsanga,oo ugu horeyn munaasibadaasi kahadley ayaa ayaa kawaramey tariikhdii dugsiga sare ee sheekh waxaanu sheegey iney tahey dufcadii 5aad ee ka qallinjabisan kulliyada xanaanada xoolaha ee sheekh.
waxaa uu Dr Tomas waxaa uu sheegey in dugsigani oo ah mid ay maamusho hayada ternova ay dufcadani ay kujiraan afar hablood .


waxaanu uu hambalyo iyo bogaadin udirey ardeyda dhameysatey waxbarashadooda oo ay soowadeen muddo seddex s anno ah.waxaa kalle oo ay uu sheegey in dugsiga ay sanakdan soo socda la wregayaan urur goboleedka Igad.
Gudoomiyaha Gobolka Saaxill Maxamuud Cali Saleeb Ramaax oo sina kahadley xafladaasi ayaa ugui horey sheegey inuu ku faraxsan yahey inuu markii labaad kasoo qayb gallo qallinjabinta dugsiga xanaanada xoolaha ee STVS mudadii uu hay ey xilka .


Waxaa uu sheegey Ramaax in uu ardeyda ku hambalyenaayo dadaalka ay sameeyeen waxaanu kula dardaarmey iney w axbarashada halkaasi kasiiwadaan.Maayirka Degmada Sheekh Md Ibraahim C/laahi Cabsiiye oo isna munaasibadaasi ka hadley ayaa sidoo kalle sheegey inuu kufaraxsan yahey ardeydan qallinjabineysa sidoo kallena uu hambalyeynaayo.
Waxaa uu maayirka sheekh uu xusey in dugsiganu uuleeyahey tariikh dheer oo umada afsoomaliga ku hadashaa ay wax kadhigteen waxaanu ardeyda kula dardaamey in meeshii ay wax kabarteen ay kusoo celiyaan demada sheekh oo ay xoo laha degmada cilmiga ay barteen ku daweeyaan.

Sidoo kallena waxaa iyana halkaasi kahadley masuliyiin kasocdey Jaamacadaha Makelele ee dalka Ugandha ,iyo Nayrobi kuwaasi oo xidhiidh la leh dugsiga xanaanda xoolaha ee Sheakh. Miss Lucy oo kamid ah Saraakiisha sarsare ee hayada Ternova ayaa iyana sidoo kalle umahad naqdey dhamaan ardeyda ka qallinjabisey waxay xustey iney hambalyeynayso ardeyda.Xaaji Maxamuud oo isna halkaasi kahadley ayaa sheegey inuu aad ugu faarxsan yahey qallinjabinta dufcadii 5aad ee ka qallinjabisa dugsiga xanaanada xoolaha ee Sheekh.Qaar kamid ah ardeyda qallinjabisey oo kahadley xaflad aasi ayaa aad uga xogwaramey sidii ay waxbarashadooda ay usoo dhameysteen .


Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dr Maxamed Axmed Cagaweyne Oo isna halkaasi kahadley ayaa sheegey inuu aad ugu faraxsan yahey kasoo qayb galka xaflada qallinjabinta Dufcadii 5aad ee ka qallinjabisa kulliyada xanaanda xoolaha ee sheekh.waxaa uu Md Cagaweyne xusey in Wasiirka oo hawlo shaqo oo adag awgeed usoo halelei waayey xafladaniq lalinjabinta inuu soo salaamyaa ardeyda qallinjabisey .una soo duceynaayo.Agaasimaha guud waxaa aad ugu dheeraadey in loobaahan yahey ardeydani oo ah ku bartey cilmiga xanaanda xoolaha.waxaa kalle oo uu Dr Cag awyne sheegey in dufcadani ay kujiraan afar taasi daraadeedna ay tahey mid qiimo gaara leh. ugu dambeyntii waxaa ay masuuliyiintu gudoonsiiyeen shahaadooyinka qallinjabinta ardeydani.

Kuliyada Xanaanada Xoolahe ee Sheekh ama STVS waa kuliyad Goboleed ka dhaxaysa dhamaanba wadamada Geeska Af rica, taas oo xarunteedu tahay Magaalada Sheikh oo ka mida Gobolka Saaxil (Somaliland ) waxay bixisaa sadex sanadood oo boodhan ah taasi oo ardayda dugsiyada sare dhamaysata lagu barayo culuumta xoolaha. waxaa ay ardeydani oo bar ata culuunta xoolaha ay ka hawl geli doonaan dhamaan Maxajarada somaliland .waana dufcadii 5aad ee ka qallinjabisa dugsigan xanaanada xoolaha ee STVS.
 

 


Axmed Maxamed Shaqalle
Shaqalle02@gmail.com
Sheekh ,  Somaliland