Dufcadii Koowaad ee ka Qalin jabisa Jaamacadda Addis Ababa Medical College oo Maanta Xaflad Balaadhan loogu Qabtay Hargeisa.
 

 

 


Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland C/raxman Maxamed C/laahi (Cirro), oo halkaasi hadal ko oban ka jeediyay...............
Daawo Sawiradda

 



Hargeisa (TNN)-Dufcadii koowaad ee ka qalin jabisa Jaamacadda Addis Ababa Medical College ee Magaalada Hargeisa ayaa Maanta Xaflad balaadhan loogu qabtay Hotel Crown ee Magaalada Hargeisa.


Munaasabada Qalinjabinta Ardayda ayaa waxaa ka soo qayb galay, Madaxwayne ku Xigeenkii hore ee somaliland C/raxman Aw Cali Faarax, Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland C/raxman Cirro, Wasiirka Caafimaadka Xuseen Xoog,Gudoomiyaha Guud ee Jaamacadda Addis ababa Medical Colle ge Habtemo gabisa, Safiirka Ethopia u fadhiya Somaliland Ato taye, Maamulka Jaamacadda iyo Ard ayda Jaamacaddaasi.


Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland C/raxman Maxamed C/laahi (Cirro) oo halkaasi hadal k ooban ka jeediyay ayaa Hambalyo u diray Dufcadda koowaad ee ka qalin jabisay Jaamacadda isa ga oo ku Hambalyeeyay Dadaalka iyo samirka ay muujiyeen intii ay jaamacadda ku jireen, gudoom iyuhu waxa uu ku dheeraaday qiimaha ay Aqoontu leedahay, isaga oo xusay in aan Cilmi dhamaa nin, lagana waynaanin, waxa kale oo sheegay in Diinta islaamku ina amrayso in cilmiga la wado ilaa inta laga dhimanayo.


C/raxman Cirro waxa uu sheegay in Baahiyaha ugu Waawayn ee Somaliland haysta ay kow ka ta hay Caafimaadku, sidaa awgeed waxa uu ku Waaniyay ardayda soo baxaysaa in ay daboolaan baahiyahaasi, wax wayna ku soo kordhiyaan bulshada.
Dr.Axmed Cali Maxamed oo ka mid ahaa Ardaydii ka qalin jabisay Jaamacadda oo ku hadlayay Mag aca Ardayda, ayaa umahadnaqay Macalimiintii Jaamacadda ee Wax soo baray iyo kaalintii ay ku l ahaayeen Dadaalkooda, waxa kale oo uu sheegay in Maadada ay Barteen tahay Maado qaaliya (p ublic Health) oo loo Doonan jiray Dibadaha , taasi ay kaga nasiib badanyihiin Arday badan oo Masa afo u gashay.


Dr.Axmed Cali Waxa uu Balan qaaday in ay Wadaniyad Muujin doonaan, wixii ay barteena uga Fa a'iidayn doonaan Dadkooda iyo dalkooda hooyo, isaga oo xusay inay diyaar uyihiin inay ka shaqee yaan Cusbitaalka Guud iyo dhamaan Gobolada Dalka, Wasaaradda Caafimaadkana Kaalin wayn ka dabooli doonaan.


Cafno Asmara oo ka mid ahaa Macalimiinta Jaamacadda ayaa isagu waano Dheer u jeediyay arda ydii qalinjabisay, isaga oo kula dardaraamay inay Dadka si siman oo daacadnimo ku dheehantahay u daawayn doonaan, in ay Cusbitaalada Somaliland ka hawl gali doonaan, cid kasta oo ka mid ah Bulshada somaliland oo baahana garab istaagi doonaan, waxaa iyana Dhinacooda ka balan qaaday ardaydii halkaasi ka qalin jibisay in ay Waanada Macalinkooda ka midho dhalin doonaan.


Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr.Xuseen Muxumed Maxamed (Xoog) ayaa isagu Hambalyeeyay Dufcadii ugu horaysay ee ka qalin jabisay Jaamacadda Caafimaadka ee Addis ababa Medical Colle ge, waxaana uu sheegay in Jaamacaddani ay ka mid tahay kuwa ay Wasaaradda Caafimaadku Aqo onsantahay, isaga oo sheegay in wakhtigii hore ay u diideen inay aqoonsadaan balse markay Cada yn Buuxda keeneen Si toos ah Wasaaradu u Aqoonsatay, isaga oo ka digay Jaamacadaha iyo Dugsiyada aanay Wasaaradu Aqoonsanayn in aanay isku daalin ardayda Reer somaliland ee wax ka baranaysa.


Wasiirku waxa uu sheegay in Jaamacaddu ay Casharada Practical-ka ah ay Cusbitaalka dawlada ku qaataan, waxaana uu kula dardaarmay in ay Dalka ka shaqeeyaan, isaga oo xusay in Mushkilaha daha Caafimaad ee ugu badani ay inaga haysta ay ugu wayntahay Caafimaadka Bulshadda (Public Health).


Wasiirku waxa uu usoo jeedayay Ardayda Qalin jabisay in Cilmi Faa,iido badan ay Barteen isla mark aana ay uga Faa,iidayn doonaa Bulshada Reer somaliland, kaalin muglehana ka qaadan doonaan W asaaradda Caafimaadka iyo Guud ahaan Heerka Caafimaadka somaliland.
Waxa uu aad ugu dheeraaday in ay ardaydaasi ay Bukaanka illaaliyaan,oo ay Hiil u noqdaan wasaa rada Caafimaadka, waxa kale oo uu aad u hambalyeeyay Ardaydii ugu Saraysay Jaamac adda oo Gabadh ah, taasi oo uu tilmaamay Dadaalka ay muujiyeen Habluhu doorkan guud ahaan Waxbaras hada Dalka,isaga oo Ku amaanay inay Lafdhabar u yihiin Bulshada , Dadaalkoodana Halkaasi ka sii wadaan.

Gudoomiyaha Guud ee Jaamacaddaha Addis ababa Medical College Mr.Habtemo gabisa iyo Safiirka itoobiya u Fadhiya Somaliland mr. Taye ayaa Hambalyo u diray Arday Maanta ka qalin jabisay Jaam acadda, iyaga oo ku dheeraaday Xidhiidhka ka dhexeeya Jaamacadda iyo xukuumadda Ethopia iyo Kaalinta ay ku soo kordhin karto Heerka Waxbarasho ee Dalka somaliland, iyaga oo ku dheeraaday in ay Dadaal badan u galeen sidii ay Qayb uga qaadan lahaayeen Baahiyaha Caafimaad ee somalil and.

Dufcadii ugu horaysay ee ka qalin jabisa jaamacaddan oo ka koobnayd 14 arday, ayaa waxaa kaal inta koowaad ka galay:

1. Nawal Mumin Diiriye, Hargeisa.
2. Axmed Cali Maxamed, Gabiley
3. Axmed Shucayb, Berbera.

Wasiirka Caafimaadka somaliland iyo Mujaahid Axmed Aw Cali Faarax ayaa Bilad Dahab ah gudoons iiyay Ardaydii ugu Saraysay Jaamacadda oo keentay 3.6 GPA, waxaa isaga Laba Shahaado oo kala Duwan la gudoonsiiyay Ardaygii kaalinta labaad Galay Dr.Axmed Cali Maxamed oo keenay 3.4 GPA kaasi oo Maalin walba ka iman jiray Jaamacadda Gobolka Gabiley.
 

 

 



Mustafe C/kariin Cali (Mustafe Future)
mccfuture@hotmail.com
Timacade News Office
Hargeisa Somaliland