Dufcadii Labaad Ee Ka Qalin-jabisay Kuliyada Caafimaadka Jaa m acada Hargeysa Oo Caawa Shahaadooyin La Gudoonsiiyey iyo Wacdarihii Khudbada Madasha Laga Jeediyey.


Hargeysa , Jimce July 23, 2010 (TNN):-Dufcadii labaad ee ka qalin-jabisay Kuliyada Caafimaadka ee  Jaa macada Hargeysa ayaa Caawa xaflad loogu sameeyey Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa.

Dufcadan oo ka koobnayd 17-Dhakhtar ayaa waxay kuliyada Caafimaadka baranayeen todoba  Sanado od, kuwaas oo shan ka mid ahi ay yihiin haween. Waxaana ka muuqatay dhakhaatiita cusub  wajiyado oda farxad iyo dhoola-cadeyn xad-dhaafa, waxaana madasha lagu gudoonsiiyey hadyado si qurux  bad an Kaadoo lagu soo xidhay.

Munaasibadii qalin-jabinta loo sameeyey waxa ka soo qeybgalay, Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Dr. Xuseen Bulxan, Guddoomiyaha Kuliyada Caafimaadka ee Jaamacada Hargeysa, Dr. Diiriye Ismaaciil [Irig], Macalimiinta Jaamacada Hargeysa, Wasiirkii hore Arrimaha Dibada Somaliland Edna Aadan  Ismaa ciil, Dr. Axmed Xuseen Ciise, Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, Wasiir kuxigeenka Maaliyada Axmed Nuur, Gud doomiye Kuxigeenka Xisbiga UCID Aadan Maxamed Mirre [Waqaf], Xoghayaha arrimaha Gudaha iyo  xid hiidhka Gobolada ee Xisbiga UCID Maxamed Ibraahim Aadan [Qabo], Guddoomiyaha Ururka  dhakhaatiir ta Dr Axmed Maxamed Gaas, dhakhaatiir badan oo uu ugu horeeyo Dr.Saleebaan Cabdi Guuleed,  Qoray aal, aqoonyahan, culimaa’udiin, macalimiin ka socotay kings College, iyo dad ajenibi ah iyo marti sharaf kale.


Guddoomiyaha Kuliyada Caafimaadka ee Jaamacada Hargeysa Dr. Diiriye Ismaaciil [Irig], oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu u hambalyey u jeediyey todoba iyo tobanka dhakhtar ee bartay caafimaadka, w axaanu yidhi “Marka hore waxaan hambalyo u dirayaa dhakhaatiirtan Cusub oo halgan dheer u soo  ga lay aqoonta ay maanta haystaan, maanta halkan aynu joogno waxaynu kaga soo qeybgalnay dufcadii labaad ee ka qalin-jabisa kuliyada Caafimaadka ee Jaamacada Hargeysa oo tiradoodu dhan tahay 17-dhakhtar.”

“Markii aanu Kuliyadan [Caafimaadka] fureynay annaga iyo dhakhaatiirta maanta macalimiinta ka ah ayaa go’aansanay inaanu hormood ka noqono aqoonta caafimaadka, maadama aanu sii gaboobayno, Maanta ardeydani may baran cilmiga caafimaadka oo kaliyaata, balse waa cilmi baadhayaal caafimaad”ayuu yidhi Dr. Irig.

“Waxaan halkan uga mahad-celinayaa hay’ada WHO, oo waxkasta oo aanu u baahano wax nagala  qab atay, waxaan ka xumahay intii aan kuliyada Caafimaadka aan joogay inaan maalina arag hay’ada  UNI CEF”ayuu yidhi Dr. Irig.

Guddoomiyaha Jaamacada Hargeysa Dr. Xuseen Cabdilaahi Bulxan oo isna halkaasi ka hadlay ayaa  wax a uu hambalyo iyo bogaadin u direy 17-dhakhtar iyo dhamaan waalidkii dhalay, waxaanu yidhi “Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhalinyaradan qalin-jabisay, walaalayaal waxaan leeyahay dad badan ayaa u baxsaday dibadaha, waxaan markhaati ka ahay in maanta in badan oo dibada ku nooli ay la  jec el yihiin ubadkooda inay dalkooda wax ku bartaan”.

“Waxaan filayaa in dhakhaatiirtan Cusub ay yeelan doonaan naxariistii looga baahna dhakhtarka, kuna shaqeyn doonaan waddaniyad,” Dr. Xuseen Bulxan

Dr. Bulxan waxa uu u mahad-naqay macalin ajenibi ah oo ka socday Kuliyada Caafimaadka ee Kings  Coll ege, dhamaan Dhakhaatiirtii ku tacabtay ardeyda ee Caawa Madasha ka soo xaadirtay, iyo marti shara fta.

Madaxa Kuliyada Sharciga ee Jaamacada Hargeysa Mubaarig Ibraahim Aar oo isna halkaasi ka hadlay waxaanu yidhi “Alle dabadeed waxaan u mahad-celinayaa madaxa kuliyada Caafimaadka ee Jaamacada Hargeysa Dr. Diiriye [irig] iyo Macalimiinta kuliyadaas, walaal marka aynu ka hadlayno Caafimaad, uu ka duwan yahay culuunta kale, waa cilmiga ay dhigtaan ardeyda ugu maskaxda badan, waa cilmiga ay  qof ka ku xidhan tahay noloshiisa iyo Geeridiisa, maanta dadka Caafimaadkeena ku jira ma haystaan liisankii Caafimaadka hadana waxay Sameynayaan qaliino, Sharci ahaan arrintaas waa lagu dacweyn karaa.”

“Walaalayaal Caafimaadku maaha inaad maqas qaadato, mana galo Tijaabo, anshaxa uu leeyahay  Caafi m aadku waxa ugu muhiimsan, in aad dhageysato qofka luuqad kasta oo u kugula hadlayo, una fidiso  n axaris”ayuu yidhi Prof Mubaarig Aar.

Dr. Edna Aadan Ismaaciil oo ku hadlaysay magaca aqoon-yahanka Somaliland ahna kana shaqeysa  arri mha xuquuqda bini’aadamka oo halkaasi ka hadashay ayaa waxay tidhi “Dad badan ayaa u maleynayey in aan Jaamacad laga furi Karin Somaliland, waxaan aad ugu faraxsanay inay arrintaasi beenowday, Cu sbitaalkayga Edna Maternity Hospital, maanta waxa jooga laba dhakhtar oo ka kala yimi Camuud  Univ ersity iyo Hargeysa University Somaliland waa dal go’aansaday inay ku noolaadaan barwaaqo, guul iyo dimuqraadiyad, Somaliland waa dal leh aqoonyahano, Isla mar ahaantana ka fogaaday inay ku  noolaad aan qas iyo cadaalad darro,”.

Edna Aadan waxay Si weyn ugu mahad-naqaday dalkana ku soo dhaweysay dhakhaatiirka Ka Socotay Kings Collage, iyo 17-dhakhtar ee bartay culuumta Caafimaadka, oo shan ka mid ahi ay yihiin haween.

Guddoomiyaha Ururka Dhakhaatiirta Somaliland Dr. Axmed Maxamed Gaas oo isna halkaasi ka hadlay  a yaa waxa uu yidhi “Waxaan u mahad-celinayaa hay’ada WHO iyo Kings Collage iyo ardeydii wada dheer u soo martay guushan ay caawa haystaan, dar-daaranka aan ardayda [Dhakhaatiirta Cusub] maanta u jeedinayaa waa hawshii maanta ayey idiin bilaabantay, waxaan idin leeyahay bukaanka la saaxiiba, oo wax ku barta waxna ka barta”.

Dr Gaas waxa uu u mahad-celiyey dhamaan dhakhaatiirta ka soo qeybagalay Munaasibada, 17-kii  dhak htar ee ka qalin-jabiyey kuliyada Caafimaadka iyo dhamaan dadkii ka soo qeybgalay Xaflada.

Guddoomiyaha Dhakhaatiirta Somaliland waxa uu u soo jeediyey Xukuummada Somaliland inay wax  ba dan ka qabato Caafimaadka, gaar ahaan meelaha aan sharci-gareysnayn ee dadka lagu daweeyo.

Dufcadii ugu horeysay ee baratay Culuunta Caafimaadka ee ka qalin-jabisay Jaamacada Hargeysa ayaa waxay tiradoodu dhameyd 7-dhakhtar.




Source: Hadhwanaagnews