Dufcadii labaad Ee Ka Qalin-Jabisa Kuliyada Caafimaadka Xoolaha Ee Sheekh Oo La Guddoonsiiyay Shahaadooyin

 


Xaflad balaadhan oo lagu sagootiyaya 11 Arday oo ka qalin-jabiyay Kuliyada Xannaanadda Xoolaha ee Sheekh ayaa Shalay lagu qabtay barxda dugsigaas.

Dufcadan ardayda ah oo ah kuwii labaad ee ka qalin jabiya kuliyadan ayaa waxay si gaar ah ugu takhasuseen barashada iyo baadhista waxsoosaarka xoolaha ( animal product inspectors). halka dufcadii hore ee halkan ka qalinjabisay sanadkii hore ay ka ahaayeen baadhista xoolaha nool [Animal Health Inspections].

Ugu horayn Xafladan oo ahayd mid xiiso badan oo si heersare ah loo soo agaasimay, isla markaana ku bilaabantay jawi aad u xiiiso badan. Waxaaana halkaa hadalo koobaban oo isugu jira hambalyo,iyo mahadnaq ka jeediyay masuulka mashruuca hayadda Terranouva DR. cyprian. haydan oo ah hay'ad Talyaaniya oo aasaastay dugsigan ilaa hadana maalgalisa.

waxaanu dhakhtarku sigaara ugu mahadnaqay dhamaan ardayda ka qalinjabisay kuliyadan,iyo masuuliyiinta ka sooqayb-gashay xafladan sida hay'adda caalamiga ah ee FAO,EU,AU iyo hay'da talyaaniga ah ee iyadu hooyada u ah college kan.

Waxaa iyaduna halkaa ka hadashay masuulka Terenouva ee East Africa Mrs. Luci Wood, oo iyaduna jawi farxadleh ugu hambalyaysay kowiyo tobankan arday ee maanta ka qalinjabiyay kuliyadan xanaanada xoolaha.

Waxaanay aad ugu dheeraatay shaqo galinta ardaydan oo ay ugu baaqday dhamaan hay'adaha caalamiga ah, xukuumada iyo ganacsada dalkuba in ay gacan wayn ka gaystaan shaqo abuurida ardaydan oo tiradoodu aad u yartahay macquulna ay tahay shaqaalayntoodu
Sidoo kale, waxa ay luci wood isla xafladaa kaga dhawaaqday inay isla barito ay ku dhawaaqidoonaan aqoonsiga shahaadadan muctarifka ah.waxaanay tidhi waa la aqoonsaday shahaadadan inay tahay muctarif.

waxaanay ugu dambayntii u mahad celisay madaxda iyo shacabka gaar ahaan sheekh guud ahaana gobolka saaxil sidii dhiirigalinta lahayd ee ay ugala qayb qaateen aasaaskii dugsigan xanaanada xoolaha.

waxa kale oo isaguna halkaa hadal dhiirigalin, hambalyo iyo mahadnaqba ka soo jeediyay wakiilka ururka Midawga Africa. waxaanu aad ugu hambalyeeyay xukuumada somaliland oo soo dhawaysay dugsigan geeska afrika.

waxa kale oo isna isaga oo afka waalidiinta ku hadlaya halkaa hadal aad u mugwaaynaa oo soo jiitaay dhamaan dadweynihii ka soo qayn galay xaflada ka soo jeediyay MR. Mahamed Omar Carte. waxaanu aad ugu daheeraaday taariikhda degmada sheekh iyo halka ay kaga jirto xasuusta reer somaliland. waxaa kale oo uu Mr. Mahamed u hambalyeeyay ardaydan maanta mutaystay in la gudoonsiiyo shahaadooyinka.

Ugu dambayntii waxaa mahadnaq iyo codsiba halkaa ka soo jeediyay gudoomiyaha ardayda Mr. A/rahmaan Mahamed Cali. waxaanu xusay taageeradii hiilka iyo hoodaba lahayd ee ay la garabtaagnaayeen maamulka iyo macalimiinta kuliyadan xanaanada xoolaha(STVS) intii ay ku jireen waxbarashadooda. Waxaanu ugu dambayntii ka codsaday hay'adaha caalamiga ah, xukuumada, iyo ganacsataduba inay u dhagfududaadaan ardaydan maanta qalinjabisay. waxaanu yidhi maanta waa maalintii layninka baahnaa taageerada rasmiga ah taas oo aan waligeed duugoobayn lana xasuusandoono.



Source:Hadhwanaag