Dufcadii ugu Horaysay ee Umulisooyin ah oo Maanta ka Qalin-Jabisay Dugsiga Caafimaadka ee Hargaysa.

 

 


waxaa halkaasi abaal marino lagu gudoonsiiyey sadexdii arday ee galay kaalmaha ama keenay dhibc aha ugu sareeyay imtixaanadii .......Daawo Sawiradda


Hargeisa(TNN)-Marwada koowaad ee madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliland marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde ayaa maanta ka qayb gashay xaflad balaadhan oo loo sameeyay dufcadii ugu  horays ay ee umulisooyinka ee ka qalin jabisay dugsiga culuunta caafimaadka ee Hargaysa oo lagu qabtay Hutel Maansoor ee magaalada Hargaysa.

Xafladan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa kale oo kasoo qayb galay  Mar wada Koowaad ee Jamhuuriyada Somaliland, Wasiir ku Xigeenka Caafimaadka, Madax ka tirsan  Wasa aradda Caafimaadka Somaliland, xubno ka socday hayadda Caafimaadka Aduunka(WHO) Dhakhaatiir, Waalidiin iyo Macalimiinta wax dhigta dugsiga Caafimaadka Hargeisa

Marwada Koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Waris oo hadal kooban madashaasi ka jeedisay ayaa waxay uga mahad celisay ardayda samirka badan muujiyay, maamulkii iyo macalimiintii iyo waalidiintii, Waxaanay ku Amaantay ku amaantay badheedhka ay u badheedheen inay bilaabaan aqoonta maanta heerka maraysa.

Marwo Aamina Waris waxa kale oo ay sheegtay In ilaa iyo maalintii ay Somaliland lasoo noqotay  mad ax banaanideeda uu dalku maalinba maalinta ka danbaysa heer kasoo gaadhayay adeegyada  horuma rinta bulshada, tani maantuna ay ka mid tahay kartida dalkeenu tusay bulshada caalamka inaynu wax qabsan karno.Marwadu waxay halkaasi uga ducaysay hablaha qalin jabinayay iyadoo ku boorisay inay aqoontooda si hagar la,aan ah ugu shaqeeyaan wadankooda iyo shacabkooda.

Agaasimaha Dugsiga Culuunta Caafimaadka Hargaysa Axmed Maxamed Diiriye oo kasoo qayb  galayaa sha ku soo dhaweeyay xafalada qiimaha badan ee ay kala soo qayb galeen isagoo sheegay in arday dani tahay dufcadii koowaad ee ay u dhamaystireen Culuumta umulisada. Waxaa kale oo uu ka  wara may muhiimada ay umulisooyinku u leeyahay dalka iyo inay wax badan ka qaban doonaan baahiyaha loo qabay aqoonta dhalmada

Waxaa kale oo uu halkaasi amaan uga soo jeediyay macalimiinta iyo maamulka isagoo sheegay inaanu iskuulku jirin cid ka caawisay ee iskuulku iskii isku waday isagoo xusay inay dufcadani maanta qalin  ja binaysa ay soo gaadhsiiyeen aqoon badan oo ay ku hanan karaan. Agaasimhu waxaa uu sheegay in ardaydan maanta qalin jabinaysa ay soo buuxiyeen shuruudihii qalin jabinta iyagoo uu tilmaamay inay soo mareen imtixaano lagu qiimaynayay oo ay intooda badani ku qalin jabiyeen kaalmihii ugu  wanaa gsanaa.

Dr. C/raxman Cali Mahdi (Aw Koombe) oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu dadwaynaha reer Hargaysa kula dardaarmay inay gartaan in dugsiga caafimaadku yahay dugsigoodii, waxaa uu intaa ku daray in ardaydan ay ugu kordhiyeen laba bilood oo ay ka caawinayso haayada caafimaadka aduu nku.

Dr. C/raxmaan (Awkoombe) waxa kale oo uu sheegay inay ardaydani heleen tababar fiican oo ay wax ugu qaban karaan hooyooyinka badbaadin karaana. Waxa uu intaasi raaciyay in Tabarku laba  qaybo od kala ahaa mid galaaska la fadhiisanayo iyo mid toos ah oo ay gacanta ka qaban jireen iyadoo lagu kaantaroolayo.

Agaasimaha Ururka Kalkaaliyayaasha Caafimaadka Somaliland Marwo Foosiya Cali Ismaaciil oo iyana  madasha ka hadashay ayaa ka sheekaysay heerka dhimashada Somaliland iyadoo barbar dhigtay hal ka ay gaadhsiiyeen wadamada aduunku. Waxay kale oo ay sheegtay inay ogayd in macalimiinta  dugsi gaasi oo markii ay bilaabayeen aan waxba hayn oo taxadka kasoo bilaabeen heerka ay maanta soo gaadhsiiyeen oo ay tilmaantay inay dufacadii koowaad ka qalin jabinayso.

Agaasimuhu waxay halkaasi amaan ugasoo jeedisay Dr. C/raxmaan Awkoombe oo ay ku sheegtay  in uu yahay dhakhaatiirta ugu mashquulka badan laakiin intuu dhexda iska xidhay u tafo xaytay sidii uu danta guud uga hawl gali lahaa.Ugu danbayntii waxay ardayda qalin jabinaysay kula dardaarantay inaanay aqoonta halkaasi ku joojin ee ay halkaasi kasii wadaan.

Agaasimaha waaxda tababarada caafimaadka Dr. Shiine ayaa isaguna si wayn uga waramay  taariikh dii dugsiga tababarka caafimaadka iyo sidii ay u bilaabeen isagoo cadeeyay in bilaabidiisa ay kaalinta ugu wayn ku lahaayeen macalimiinta.Waxa kale oo uu Carabka ku dhuftay in wakhtigii ay dugsiga bilaabayeen sameeyeen xayaysiis ay lixda gobolka u qaybiyeen si gobolkasta qayb uga helo aqoonta kalkaaliyenimada. Dr. Shiine waxaa uu kula taliyay ardayda inay ka midho dhaliyaan aqoontooda oo aanay midna ku talo galin inay joogayaan Hargaysa ee loo qaybin doono dhamaan gobolada dalka si loo daboolo baahiyaha caafimaad ee dalka ka jira.

Wasiir ku Xigeenka Caafimaadka Somaliland Marwo Nimco Xuseen Qawdhan oo hadal kooban ka  jeedi say Madashaasi ayaa sheegtay in bulshada Somaliland cidda baahani tahay inta dibada joogta ee aan helin adeeg dhamaystiran iyadoo ardayda ku boorisay in ardayad waliba diyaar u noqoto inay kasoo shaqayso goobta lagu qoro, waxaanay ku adkaysay inay aqoontaa ay barteen ku dabaqi doonaan goobaha baahiyaha caafimaad ka jiraan.

Ugu danbayntii waxaa halkaasi abaal marino lagu gudoonsiiyey sadexdii arday ee galay kaalmaha ama keenay dhibcaha ugu sareeyay imtixaanadii laga qaaday oo kala ahaa,

kaalinta Koowaad: Khadra  Suleiman Maxamed
Kaalinta Labaad:  Filsan Xuseen Yuusuf
Kaalinta Seddexaad: Maryan Ibraahin Xirsi

Dhinaca kale ardayda qalin jabinaysay ayaa halkaasi hadyado gudoonsiiyay Agaasimaha Machadka C aafimaadka Hargaysa Axmed Maxamed Diiriye , C/raxmaan Cali Mahdi (Dr. Aw Koombe), Aasiya Cism aan, Agaasimaha Waaxda Tababarada Saleebaan Jaamac.




Mustafe Future
Timacade News Desk
Hargeisa Somaliland