Dufcadii Ugu Tirada Badnayd oo Maanta ka Qalinjabisay Jaamacada Hargeisa
 

Hargeisa (Longlivesomaliland News)-Ardaydii ugu badnayd ayaa maanta ka qallin jabisay jaamacada Hargeysa. Ardayda maanta oo ay tiradoodu gaadhayso ilaa 340 arday ayaa waxa ku soo kordhay tirade ka sokaw ilaa sedex kulliyadood oo iyadana markii ugu horaysay ardaydii dhiganaysay ay ka qallin jabisay kuwaasi oo isku jiray kulliyado cusub iyo kuwo waqtigoodu uu dheeraa. Waxa kulliyada ku soo kordhay ka mid ah kulliyada waxbarshada fog oo ay ka qallin jabiyeen 30 arday oo muddo sedex sanno ah baranayay C

Culluunta saxaafada. Sidoo kale waxa iyaguna maanta ka qalin jabiyay kulliyada caafimaadka iyo dhaqaalaha arday tiro badan.
Xaflad si wayn loo soo agaasimay oo maanta lagu qabtay barxada banaan ee jaamacada Hargeysa waxa ka soo qayb galay masuuliyiin ka socotay xukuumada Somaliland oo uu hogaaminayay Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, Madaxda labada xisbi Mucaarid ee kulmiye iyo Ucid.

Shirguddoonka Baarlamaanka Somaliland. Xildhibaano ka socday golaha guurtida Somaliland, maamulka jaamcada Hargeysa, Macalimiinta, Ardaydii qalin  jabinays ay iyo marti sharaf kale oo aad iyo aad u tiro badan.


Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin oo xafladaasi ka hadlay wuxuu yidhi“ Waxay Aniga iila muuqataa inaad tihiin ubaxii dalkan dhaxli lahaa, oo waliba ay iiga dhex muuqdaan qoladii sharciga oo qalin jabinaysa, tusa ale ahaan markii aanu doonay xukuumad ahaan 2004-tii in aanu bedelo  qolooyi nkii Maxkamadaha ee wakhtigaasi oo wax is dhaaf dhaafiyay, markii aanu wax badan bedelay waxaanu weynay wax allaale iyo wax aanu ku bedelno. Waxaan hubaa inaynu ka haqab beelay xaakino mar haddii aad qalin jabiseen.

Dalkani wuxuu soo maray marxalado kala duwan haddii dawlad laga cabanayo waxay ahayd dawladii hore, wadankeenu maanta waa xor, Saxaafada waad aragtaan oo wax walba way qoraan, waxaana inagu waajib ah inaynu dhisano wadankeena. Haddii wadankani dumo cidda uu ka dumayaa waa innaga  (Somali land).

Sida aad og-tihiin Ramadaan ayaa fooda inagu soo haysa, Ramadaantana waxa la xidhaa shaydaanka qof kasta la socda, marka la xidho shaydaanka nin walba garab cararaya ayaanu is-fahmi doonaa Axsaabta mucaridka, wax baanu wada leenahay oo dhinac uun baanu u wada soconaa meel baana wax loo wada wadaa ee ha la yaabina haddii aad aragtaan mucaarid qeylinaya waa Geel Ooman oo aanu Ceelkii ka hor joogno, ka kursiga ku fadhiyaa waa inuu markaa u dul qaato.”
Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad ee Xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, oo isaguna xafladaasi ka hadlay ayaa si qoto dheer ula dardaarmay ardayda waxaanu shirkadaha waaweyn ee dalka ugu baaqay inay ardaydan ka qalin jabisay Jaamacadaha ay shaqaaleeyaan.

Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay araagtida xisbigiisa ee xaalada dalka, waxa uu yidhi “Anagu haddii aanu nahay qolada KULMIYE muranka jira waxaanu ka taagan nahay dood iyo is qancin aan baal shimbireed inaga duulin ku bushaareysta (Shacbiyoow) haddii aanu nahay xisbiyada mucaaridka ah waxaanu heegan ugu jirnaa codow dibadeed ee Anagu sokeeyaha ma eegno, waxaan dood iyo is qancin ahayn ee ummad yahay taas markhaatigeeduna waa maalintii dhawayd ee Cali Samatar iyo Colkiisu ay inoo shirayeen cidii qudha ahayd ee ka hadashay waxay ahayd Anaga, taas ayaad nagu og-tihiin hoosna u soo noqon mayno.”

Guddoomiye Ku Xigeenka koowaad ee KULMIYE oo ka hadlayay arrimaha ay nabadgelyadu u baahan tahay, wuxuu yidhi “Nabadgelyada waxaan ka rabaa iyadoo aynu labaatan sanadood iyo wax ka badanba aynu xejinaynay imikana aynu ilaalinayno ayaa waxaan ka rabaa wixii colaadu ina yeelaysay inaanay nabad gelyadu ina yeelin. Colaadu waxay leedahay dhimasho, haddii xabadi ku disho iyo haddii ay gaajo ku disho waa isku mid. Nabaddu waa inay shaqo inoo samayso oo aanay dadkaygu ka Daaduumin Dalkiisa.
Haddii ay dhalinyaradeydii ka rajo beelaan dalkayga nabadaasi wixii aan ka doonaayay may noqon, mana doonaayo nabadaasi, mana doonaayo Nabad ay Shan Nin Ku Dheregto oo Lacagta Ummadda Ku Urursatana ma Doonaayo. Taasi ma aha nabad.

Nabaddu ma aha nin wax bartay oo soo baxay shirkad ha loo baryo, Nabadu waa Inay keentaa maamul wax kala haga oo istaraatajiyad shaqo loogu abuuro dhalinyarada leh.”

Muuse Biixi, wuxuu baaq furan u diray shirkadaha ganacsiga ee dalka waxaanu yidhi “Shirkadaha waxaan leeyahay waad shaqayseen oo dalkiina waad dhisteen shaqaalaha aad qoranaysaan waa inaad ku xulataan aqoon balse aydaan ku xu lan reer.”

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Md. Eng. Faysal Cali Waraabe, oo xafladaasi ka hadlay ayaa khudbadiisii ku furay erayo kaftan ah oo uu kula  hadl ayay Xildhibaan Xaaji Cabdi Xuseen Yuusuf (Cabdi-waraabe), oo ka tirsan  Muda neyaasha Golaha Guurtida ee taageera xukuumada Somaliland, waxaanu yidhi “Muuse Biixi ayaa imika markii aan fadhiyay igu yidhi Markii lagu arkay ayaa  Oda ygii oo xanuunsanaya la soo kiciyay, markaa Adeerkay baa La iga Dabo Keenay oo ku fogaan maayo”

Guddoomiyuhu isagoo ka hadlayay baahida loo qabo in isbedel maamul ka dhaso dalka wuxuu yidhi “Jaamacad in la helo waxa hormuud inoogu ahayd Jaamacada Cammuud ee Boorame, waana tusaale wanaagsan, sidaa ay isu bedeleen  jaam acaduhu ayaa dalkeenuna ugu baahan yahay is bedel. Isbedelkuna faa’iido moo yee khasaare ma leh.

Waxaynu ku noolahay wadan hodan ah oo xoolo leh, oo Kalluun leh, Macdan leh, oo bad leh, haddana cid kale ayaynu marti u nahay waxaasna waxa keenay  maa mul xumada, waxaana aynu u baahan nahay inaynu dawlad wanaagsan dhisano oo aynu dadka wanaagsan doorano. Dawladeena iyo Hay'adihii(Institutions) ee aynu soo dhisanay wax horumar ahi kama muuqdo. Intii dufcado jaamacada ka soo baxdayna wali cid Wasaarad looma shaqo geyn, haddii aan carruurta la sha qo geyn oo aan barnaamij loo samayn sow khaa’isi maayaan.”

“Waxaan rajaynayaa in khilaafka lagu dhamayn doono nabad gelyo laakiin  shar ciga meelna loo dhaafi maayo, sharci iyo sharci darro ayaa la isku haystaa. Sharciga ha la ixtiraamo lagana daayo qabyaalada, dawlada ayaa xilkaasi saaran yahay inay shicibka midayso muxaafid iyo mucaariba,”Ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga UCID.

Waxa halkaasi hadalo kala duwan ka jeediyay masuuliyiintii halkaasi ka soo qayb gashay oo dhammaantood u mahad naqay ardayda qalin jabisay jaamacada  iya ga oo u rajeeyay guul iyo badhaadhe isla markaana kula dardaarmay in aanay aqoontooda halkaasi ku daynin ee ay sii wadaan.

Ardayda qalin jabisay oo ay tiradoodu dhamayd 340 qof waxa qofkiiba in uu soo dalbado loo ogolaa laba qof taasi oo tirada guud ee ka soo qayb galayaasha ka dhigtay ilaa 1500 qof.

Waxa halkaasi mahad naq balaadhan loogu soo jeediyay shirkado wadaniya oo ay ka mid yihiin Dahabshiil iyo Telesom kaalinta wax ku oolka ah ee ay inta badan ka qaataan gacan ka gaysashada baahiyaha jaamacada. Sidoo kale, waxa iyagana halkaasi loogu mahad naqay Hay’ada Caalamiga ah ee WHO oo inta badan ardayda dhigata kulliyada caafimaadka ka caawisa dhinacyada tabarada iyo qalabkaba.


Waxa ugu danbayntii halkaasi shahaadooyin lagu guddoonsiiyay ardaydaasi. Waxa ardayda qalin jabisay ayaa isku jiray kuwo ku dhamaystay muddo afar sanno ah(maamulka iyo maaraynta), kuwo ku soo gababageeyay seddex sanno(culluunta saxaafada) iyo arday soo dhiganaysay todoba sanno(kulliyada caafimaadka)




Mustafe Future
Longlivesomaliland News Desk
Hargeisa/Somaliland