Dugsiga Sare ee Timacadde Projector
yaa ka caawinaya
 


Yaa Ka Caawinaya ay Mudo Laba Sano ah Baadigoobayeen.

Ardayda waxka barata dugsigaasi oo tirada fadhiisata galaasyadu aad u farobadan yihiin ayaa dhibwayni ka haysataa in macalinku gaadhsiiyo ardaydii oo dhan
.....

Gabiley (Longlivesomaliland News) - Dugsiga sare ee Timacade ayaa mudo laba sano ka badan baadi goob ugu jiray sidii ay u heli lahaayeen  PROJECTOR, ayay shabakadda wararka ee  www.longlivesomaliland.com u sheegeen in baahi wayn u qabaan maadaama bay yidhaahdeen dugsigaasi sanadihii ugu danbeeyay lagu soo kordhiyay dhigashada aalada koombuyu utarka ee maanta dunidu ay ku nool nahay u istimaasho macluumaadyo ka la duduwan.

Ardayda waxka barata dugsigaasi oo tirada fadhiisata galaasyadu aad u faro badan yihiin,  ayaa dhib wayni ka haysataa in macalinku gaadhsiiyo ardaydii oo dhan, oo ay ku adkaatay inuu tus tuso xiisadii sida tooska ah loo tusayay ardayga, iyadoo koombuyuutarada iskuulka yaalaa u saamax ayn in arday kastaa mid gaara helo, taasina ay keento in ardayda qaar ka mid ahi waxyaabo kale iskaga mashquulaan inta macalinku xiisada ku jiro.

Macalinka dhiga maadada ganacsiga iyo koombuyuutarka iskuulka Maxamed Maxamuud Axmed (Mah,ed Arts) ayaa www.longlivesomaliland.com u  shee gay in Qalabkaasi oo aan qiimihiisu aad u badnayn, oo la heli karayo, oo run tii magaalada Hargaysa iyo Tog-Wajaalaba laga heli karayo hadana la  waa yay cid u iibisa dugsigasi. Waxaa kale oo uu macalinkaasi shabakadda war arka ee  www.longlivesomaliland.com uga waramay inuu cid kasta oo uu islahaa waxbay kaala qaban kartaa uu u bandhigay, haday noqoto  maam ulka Gobolka iyo dagmada, ganacsatada waawayn ee reer Gabiley iyo dha maan dadka reer Gabiley ee ka shaqeeya horumarka Gobolka iyo  waxbaras hadaba.

Projectorka oo ah nooca loo yaqaano Data Projector ayaa qiimihiisu aanu ka badnayn $650 Lix Boqol iyo Konton doolar, oo lagaga helayo magaalada Hargaysa gudeheeda.

Maanta www.longlivesomaliland.com oo booqatay dugsiga sare ee  Timaca de,  ayaa u adkaysan kari wayday, markay hawl wadeenada  www.longlive somaliland.com arkeen baahida yar ee wax laga qaban karo oo aanay jirin cid u soo jeeda oo danaynaysa,  laakiin hadii maanta arintaasi siyaasad no qon lahayd loo kala badin lahaa. Waxaana halkaasi ka muuqata waxqabad la,aanta iyo iyadoon war loo haynin xataa inay baahiyo aasaasi ahi jiraan.

www.longlivesomaliland.com waxay baaq u diraysaa dhamaan dadka reer Somaliland ee u damqanaya da'yarta yaryar ee ka danbaysa ee wax loogu faa,idaynayo inay u furan tahay cid alla ciddii ku soo caawinaysa ee reer Somaliland ah gudo iyo dibadba meelkasta oo ay joogaan.

Hadday jirto dadka fariintan akhrisanayaa, inay wax ku darsadaan iibinta PROJECTORKAA inay kusoo Hagaajiyaan xawaalda ah Dabshiil Gabiley.

Fiiro gaar ah: Hadaad lacag soo dirayso waxaad soo raacisaa ogaysiis yar oo aad ku caddaynayso inay lacagtaasi leeyihiin iskuulka Timacade. Tusaale (Timacade Fund) ama (Timacade Projector) si loo ogaado.

Lacagta ku soo dhacda ee la soo diro wxaad kala socon doontaan  shaba kada wararka ee www.longlivesomaliland.com oo todaba cisho ka dib idiin soo gudbin doonta cid kasta oo ka soo jawaabta baaqaasi, runtii muhiimka u ah guud ahaan somaliland iyo Gobolka Gabileyba.

Masuuliyada iibinta Projectarkana waxaa ka masuul ah oo markhaati ka noqon doona Dadkan hoos ku qoran:-

1.Maxamed Maxamuud Axmed (Mah,ed Arts) Macalinka koombuyuutarka iyo ganacsiga ee dugsiga sare ee Timacade.
Mobile:- +252-2-4466498
Email:- maxamedarts@hotmail.com


2.Maxamuud Maxamed Aw Saleebaan (AWS) Maamulaha Dugsiga Sare ee Timacade.
Mobile: +252-2-4466071

3.Nimcaan Dheeg Ibraahim ,Wakiilka , Wariyaha shabakada wararka ee  www.longlivesomaliland.com ee Gobolka Gabiley
Mobile:+ 252-2-4464125
 



Nimcaan Dheeg

Longlivesomaliland News Desk
nimcaan@longlivesomliland.com
Gabiley Somaliland