Dulliga Guulwade Tarsan

 




Dulliga Guulwadaha ah ee
Tarsan
Isagaa dulman oo talo dawladeed
laga dayriyoo loo doodayee
muxuu doonayaa ???

By: Cali Xaruuri
 


"Dad aan kula martabad jooginbaad maag is leedahaye
Adaa soo macaac yidi sidii Moorgan oo kale"

Waxa aan maalmahan dambe maqlayaa qaar nolol u quudhi waa' ah oo ka xun nabadda iyo h orumarka Somaliland, iyo dar kale oo la duufsanayo ama la adeegsanayo oo ambad ah oo ma qal mooyee aan wax aqoon ahba u lahayn REER Somaliland oo hadallo xanaf leh ku weeraray a.

Weedhaha cuqdadda iyo nacaybku ka buuxaan ee ka soo butaacaya raggaa uu ka midka yah ay Guulwade Tarsan, waxay muujinaysaa in ay jiraan dad weli buka oo ku taamaya xumaan i yo xasad ay u hayaan reer Somaliland.

"Dad aan kula martabad jooginbaad maag is leedahaye
Adaa soo macaac yidi sidii Moorgan oo kale"

Maanl aawe Tarsanow kuwa ku yidhi marka aad ku hafato mawjadaha Siyaasadda ama ay ku liqdo badweynta siyaasaddu ee aad saaxadda siyaasadda ka muuqan weydo waxaa la isku m uujiyaa cayda iyo aflagaadada Somaliland, dadkaasi jar bay kaaga tallaabsadeen.
"Way ku mala-habowsheen kuwii maabka kuu qoraye"


Adiga iyo kuwa kale ee aamminsan in lagu doob-dillaacsado ama lagu af barto cayda Somalila nd, waxaan idin leeyahay :


"Duqsi mawdki galaybaa ku dhaca bayl mishiin guba'e
Nin maroodi daan daansaday oo maanla' baad tahaye
Waranse meel xun laga ridey dib buu kuu makalayaa
"


Tarsanow waxaad ka dhawaajisay qabyaalad adigoo meel u kala qaadaya DADKA wada dhas hay ee REER Somaliland taasoo aan fahmi waayay waxa kugu xaqsaday inaad ka garaacdo xadhigaa khaldan.

Haddaba jawaabtaada koobani waxay tahay:

"Somaliland waa mide waxaanad meel u kala geynin
Waxaanad magac qabiil iyo
hayaay ugula meeraysan
Mabda'iina waan wada ognahay
aad maldahaysaane
Macaruuf inaad naga heshaan
haw malaynina'e
Waxba hay maslaxan beri horaan maanka kaa jaraye"


Guntii iyo gababadii


Tarsanow waxaagu ama hadaladaadu waxba kama duwana cidaa Xoolaha

"Adaa soo macaac yidi sidii Moorgan oo kale"
sidaa awaged waxan hadalkaygii ku soo gunaanadayaa
"Adiga inaan kula murmaa
way macno la'aan"

 


Wa Billaahi Tawfiiq
 

 

 

 

Qalinkii: Cali Xaruuri
The Netherlands