DUMAR WAA NINKEED BILA IYO NINKEED BI’IYA
Qaybtii 1-aad
 


Baribaa wiil doob ah oo guurdoon ah in badana  kuur gal iyo sahandheer ugu jiray inuu guursado gabadh m ar-wo ah oo hawlkar ah tolka iyo xigaalkana  u wanag san, inaan kasta oo uu bartana ka maaga isagoo  ka baqanaaya inay noqon waydo tuu doonaayey.

Hadaba ayaan waliba tilmaan lehe maalin maalmaha kamida ayaa isagoo geel dhalay oo kareeba goorfiida caraabinaaya ayuu kusoo baxay reer meel dagay oo yag’ leelanaaya xeryihii xoolaha kusoo mudh yidhi.Kadbib isagoo dhawr talaabo usoo jira kuna fooryaaya geeli kareebku kujiray ayuu sheedda ka arkay inan gashaanti timotidcan ah oo awrtii reerku ku dagay oo  cad aysimo ah dabdabraysa si aanay uga fogaan duleedka.

Inanku waxaa uu jecelyahay hablaha hawlkarka ah ee uu arko had iyo  je er iyagoo wax kufoogan (hawl faraha kuhaya) inaankii wuxuu soo  socd aba geeli ayaa ka dhexgalay awrtii ay inaantu dabdabraysay oo qaar  qo odhi ku jiraan ayaa geeli udoobyay ama ku guuxay kana hortagay,inanta oo udhalatay firforcooni iyo hawlkarnimo ayaa awrtii ku carartay oo  kuti dhi tooh tooh ala waa maxay geelan awrtii igaga yaacday?


Wiilkii doobka ahaa ee geela wattay ayaa maqlay oo inanta marka horeba eegaayay dhuftinteeda iyo siday awrta marba mid ugu boodaysay islamarkaana dib ugu soojeediyay awrtii kayaacday,

inantiina u ku yidhi “
inaadeer maxad sheegtay?

Inantii “
wax dhiillo ah ma’ogi

inaankii “
inaadeer ma galabtaa dagteen?

Inantii “
Haa inaadeer imikaanu dagnay

inankii “
halkeebaa kasoo kicitinteen?

Inantii “
waxaanu kasoo guurnay xodayo

inankii “inaadeer ma abaarbaa kasoo guurteen mise dulin xagginabaanu roobka usoo ee gaynaye?”

Inantii “mayee dhulku waa roobanaa ee dulinbaa xoolihii naga idleeyay oo aanu kasoo guray, ee halkiinnan kawaran wax dulin ah maleedahay?”

Inankii oo arkay inay inantani xagga lexejeclada iyo xoolahana  ku wanag santahay ayaa ku yidhi “inaadeer halkani waxdulin ah habayaraatee  mal aha xooluhuna waa barqo dhereg. ee idinku ma halkanbaa  kunagaanays aan mise horaa usii guuraysaan”?

inaantii aya tidhi “mayee inadeer halkanabaanu isleenahay hadii alle yidhaahdo aad ka jiilaashataan”

inankii ayaa farxad lakala dhacay markay inantii kutidhi waanu  ku nagna hay halkan markaasu kuyidhi hadaa inaadeer anaguba idinkama fogin oo geedkaa raydabka ah kobta kasiiro-gan ayaanu naallaa”

inantii ayaa tidhi “Reydabkee makaa dhaw ee laamihiisu foor fororaan”
 

inaankii ayaa ugu jawaabay “balnkii ilaahay waa kaa inoo muuqdee aynu arkayno ”

inantii oo degdegsan oo hawlo reerdagay sugayaan hadana  xushmayna ysa taagnida inankani hortaagan yahay wanaaga ay udhalatay  awgii Ayaa kutidhi inankii ala inadeer anigana awrtii iga yaacday adigana geeli kaalibidhye ee habeen wacan.

Inankii oo u hamuun qaba hadalada murtidaleh ee inanta kasoo yeedhay ayaa kuyidhi “inaadeer horaaloyidhi is arag aqooni Kama horayne aniga magacaygu waa Haybe ee adigana magacaa? Inantii ayaa kutidhi  “dahabo ayaalayidhaahdaa”

inankii aya ku yidhi “dahaboy dahab baad tahaye haduugoobin waligaa ninkii kuhelaana nisiibleh ee waayay inaader barasho wacan  xeryahaa baan idinla oodi lahaaye geeli kareebka ahaa baa iga yaacay ee nabad galyo waa inoo markale ”

inantii aya kutidhi inadeer horaa looyidhi Nin walba tiisaa cuslaysaye  hay e haye inaader nabadeey haybe”

Inankii haybe oo geeli kareebka ahaa ka horaday ayaa go’a u riday oo cudhay dabadana kaga dhacay intii kale oo isugu jirtay Aaran iyo gaane fadhaqle, isagoo niyadiisa iskala sheekaysanaya oo lashaamareersan hadaladii dahabo isna leh tani waa tii aad waligaaba kuriyoon jirtay ee aad da’daas doobnimo ugu gaadhay.

Inantii dahabana hawlikuma yara oo waxaaba ukala daadsan aqaldhan oo iyada iyo hooyadeed uun sugayaa. Markay dabarkii awrta dhamaysay ayay soo guratay dhagdhaaro iyo xaabo dabadeed qarafna lasooboday dabna bulkasiisay oo kildhi shaaha dabka saartay si ay aabeheed iyo gabanadooda xeeryaha oodayaa ay daalka iyo gajada u ilawsiiso  cashad ana ugu sugan qaxwaha.

La soco qaybta labaad
 

 

 

Qalinkii:- Nura Max’ed Cali
Nura_happy@hotmail.com
Burao/Somaliland