DUMAR WAA NINKEED BILA IYO NINKEED BI’IYA

 


Islamarkiiba waxa uu ku bilaabay dahabo oo ku yidhi “dahabooy waan kugu hanwaynoo himilooyin fog iyo hoybaan kula rabaaye hasaweheena curdinka ah haye maad odhan?” inantii dahabo oo iyaduna intii oo dhan la sheekaysanaysay qalbigeeda ayaa u dhaqaa qday falanqayntii haybe markay argatay in indhihiisu iyada ku maqanyihiin oo istidhi walaahi ninkan ilaa habeenkii ku daba taagani maaha wax layska siidaayo ee waa wax loo dhexo maadamad guur u joogtahay kadib waxay qiimaysay xigmaduu ku hadlaayay tan iyo habeenkii oo  hadal kiisu mar walba waxay ka  dhadhansan aysay guur iyo inuu yahay nin  diya ara oo aanay waxba ka xidhnayn ee hawlihiisu udhan yihiin una eeg nin  mas uula islamarkaa waxay go’aansatay inay haybe kula kufto calafkeeda oo  ill aahay uga dhigo kay waalidkeed ugu ducayn jireen ee ducada qabay.



Waxay kaligeed sheekaysatoba waxay garaadkeedi ka heshay inay haybe uga jawaabto hadalkiisi ugu danbeeyay oo ay ku tidhi “hayboow halyey rag baad tahay anigana ihanankara haasawihii dhexdenana kula qaaday ee  jaw aabtuna waa haa”

Haybe iyo dahabo waxay maah maaho iyo sarbeeb isku asqeeyaanba way udhamaatay inay isla qaateen inay guri wada yagleelaan galabtiina  halkaa say isku nabadgalyeeyeen.

hadaba waxay ku qaadatay mudo dheer intii midba midka kale u kuur galka ugu jiray dunraaciisa, nasiib wanaag labadiiba way kusoo guulaysteen  sah ankii midba midka kale ugu maqnaa, kadib haybe ayaa ku celiyay fikirkii ay islaqaateen mudada dheer ka hor oo dahabana ku yidhi aan gabo gabayno haasaweheena isaga oo doonaya inaanay ku qaadan mudo danbe  degdega na ula baxo kuna yidhi “dahabooy horaa loo yidhi ragna waa rayi keen  dum arna waa aqbalkeene hadaba ma kulatahay inaanay habeendanbe inagu dhaafin dhisida gurigeenu, isla markiiba taladiibay dhinac kasta ka eegeen waxayna isugu biyo shubteen inay israacan habeen danbe hadii eebe idmo.

haybe iyo dahabo waxay ku balameen inay isugu yimaadaan ciyaarta laga tumi doono gagida qorax kasoo baxa ka xigta guriga dahabo markay  ciyaar tu isku duba dhacdo ee jiib iyo jaanba laysla helona inay uga ugasiibtaan si doqoni magarataya, isna uu soo kaxaysandoono inaaderkii si uu dahabo ula saaro sidaasay ku balameen dahabo iyo haybe sidiibaa laysku afgartoo  awr ti iyo adhigii midba dhiniciisii u cudhay layskuna nabad galyeeyay.

gabalkiiba dhacay wax sardho lagu jiraba waagii danbaa baryay inantii  dah abo sidii lagu yiqiinbay hawlihii guriga ugu guntatay oo u kala waday kadib waxay jeclaysatay inay maanta guriga kuso hadho iyadu oo soorta reerka u kariso si ay isaga diyaargarawdo oo u diyaarsato hugay ku raacilahayd  hay be una cusbursato farahana ucasaysato oo cilaan umarsato waayo dahabo waa inan gaariya mana doonayso inay cidiyo cadaan ku raacdo haybe oo  h adhow la xanto. Markaasay caruurtoodi u kala dirtay meesiyadii ay  hayste en oo tidhi hebelow adigu geela daaqgee, naa Adna heblaayooy adhiga  fo ofi, naa adna heblaayo yareey waa kugu maqasha ana maanta waxan inoo karinaya soorta gurigana waan xeer xeeraya ee waydinkaa hooydadeedna hawlba uma ogola oo iyadu fartuunbay ku kalaanta.

Dahabo maamulka reerkoda iyadaa gacanta ku haysa oo waxay soo jeediso uunba reerka lagu maamulaa laguna kalawada dahabo waxay ku kacday gurigii oo kala wada xidh xidhay oo kala haqaajisay xeerarna ku jiqsiisay si maanta xoogeeda ugu siinabad galyayso gurigooda, waxay udhaqaaqday dharigii oo kil kilisay si uu goor hore ugu bislaado caruurta yaryar ee  xoola ha daaq geeyay, markaasaa waxay udhaqaaqday nafteedi waxay  qooshat ay xinne, waxaanay marsatay gacmaha iyo lugaha, waxaa kaloy tin iyo  cidh ib isku dhoobtay huruud iyo qasil timihiina way tidcatay.

inantii dahabo oo marka horeba u dhalatay joogdheeri iyo Jamaal qurxoon ayaa maantana baro sii dheer oo aad moodaa qorax soo baxday oo iska fadhiisatay docda aqal soomaligooda hoyadeedna u marisay xinihii madaxa si aanay u dareemin diyaar garowgeeda, iyadoo marka horeba dahabo  wax ba laga dareemayn oo horeba cusburka iyo cilaankuba caado u ahaa  wakhti gay firaaqada leedahay ee ay guriga joogto, hooyadeedna waxay  mooday saa is qurxintan tahay teedi hore uun oo maba oga inay geeddi tahay dahabo.

Waxay is qurxintii ku jirtaba dahabo waxaa dhacay gabalkii waxay la  xaray say xoolihii reerkii ka dib waxay kiish ku ridatay laba isku joog oo kuwii  dha rkeeda ugu cusbaa uguna bilicda samaa waxay galisay mus danbeedka  xer ada adhigooda ka dib waxay iskala cawaysay hooyadeed iyo caruurtoodi waxay caweeyaanba waxaa la bilaabay ciyaartii oo isku dubo dhacday waxa ka qaadayey hees inankii haybe oo codkiisana kor uqaadaya si ay umaqasho dahabo inuu joogo ciyaarta sugaayana iyada oo diyaar uu u yahay  imaatin keeda wax dhiilo ahina aanay jirin.


Ka dib markay maqashay in ciyaartii bilaabantay haybena codkiisi garatay ayay hooyadeed ku tidhi hooyo ma soo eega ciyaartan duleedkena laga  tu maayo? hooyadeed waxay ogtahay inanteedu inay tahay inaan  isgaa  dh siisan oo kama warwarayso, waxayna ku tidhi dee waaba halkan dhaweor od oo saynab kaxayso si aad isu soo raacdan hadhaw


La soco qaybta 4aad……………..


 

 

Qalinkii Nuura Maxamed Cali
Nuura_happy@hotmail.com
Burco Somaliland