Dumarka iyo
Dhaqaalaha Somaliland
Wakhti aan fogayn ayaa waxaan qoray maqaal ku saabsanaa
doorka dumarka
iyo siyaasadda Somaliland. Markii maqaalkii aan soo
bandhigay ayaa
jawaabo badan oo kala duwan aan ka he lay dad badan oo
dunida
daafaheeda ku kala nool, kuwaasi oo ii muujiyay dareeno
iskugu jira
dhiirrigelin, tusaalayn, taageerid iyo tallooyin ay ku
jirto hogo
tusaalayn.
Haddana waxaan go’aansaday in aan maqaal kale soo saaro,
kaas oo aan
kaga hadlayo arrim aha dumarka iyo dhaqaalaha. Haddaan
maqaalkayga
gudogalo, waxaan horta ku yara eegay aa taariikhda dhaw
ee Somaliland
intii aanay dagaaladu ka dhicin dhulkeena, waxa jiray
hab-n ololeed
kala gadisan oo waliba marka aad si u eegto isku sar
go’an. Waxaan uga
jeedaa dadk eenu waxay kala ahaayeen reer miyi, reer
magaal iyo
beeralay, nolosha dadku haysteena mid waliba waxay ahayd
mid dagan oo
ay ku qanacsan yihiin, balse arrintu waxay isbeddeshay
ma rkii ay dalka
ka dhaceen dhibaatooyinka iyo dagaaladu, kuwaasi oo si
toosa saamayn
ugu yee shay hab-nololeedkeena, taas oo dhaxalsiisay
bulshadeena in
dumar badan noloshoodii hore ka tagaan, iyagoo bilaabay
inay door
muhiima ka qaataan habka dhaqaalaha dalka oo ay dum arkii
intay dhexda
iska xidheen noqdeena soo saaraha qawtal-daruuriga in
badan oo ka mid
a h qoysaska Somaliland, gaar ahaan inta loo yaqaan
muruqmaalka
(working class) waxay u bad an yihiin dumar.
Haddaan tusaale soo qaadano, waxa ka mid ah dumarka
iibiya jaadka,khudrada, caanaha, dhu xusha, iyo kuwa dukaanada yaryar
haysta, taasi
waxay muujinaysaa in dumarku noqdeen qa ar daboola
baahiyaha
qoysaskooda, waxaana xusid mudan warbixino kala duwan oo
aan ka so o
xigtay haayadaha qaramada midoobay inay tibaaxeen wax
soo saarka
haweenku inuu u dhig mo %70 dakhliga ka soo xarooda dalka
gudahiisa.
Iyada oo ay cadahay in dumarku yihiin asaaska dhaqaalaha
dalka, waxaa
haboon in ay qayb k u yeeshaan hab socodka siyaasadda
dalka, maadaama
siyaasada iyo dhaqaaluhu ay yihiin lab a shay oo is
xambaarsan.Hadaba iyada oo ay sidaa tahay ayaa hadana waxay mar
walba qay b ka
qaadanayeen nabadda iyo horumarinta dalka, waxaa kale oo
ay ka qayb
qaadanyeen kori nta iyo kobcinta carruurtooda oo ay
waxbarasho iyo
nidaam sax inay helaan xooga saarayee n , iyagoo dhib
walba u marayay
inay bulshada ku soo kordhiyaan awlaad tayo leh, barina
noq da kuwii
mustaqbalka dalka si sax ah uga qaybqaadan lahaa,
haddaba taariikhda
cusub ee So maliland waxay muujisay in dumar fara badan
ay door mihiim
ah oo wax ku oola ka qaataan ha b-socodka dhaqaalaha ee
Somaliland,waliba iyagoo abuura shaqooyin kala gadisan.
Somaliland oo maanta maraysa meel lagu diirsan karo,
isla markaana
dumarku ka yihiin tiir mu hiim ah, waxa isweydiintu
tahay; maxaa
dumarow inala gudboon? su'aasha jawaabteedu wax ay tahay
in aynu sida
aynu uga qaybqaadanayno dhaqaalaha, aynu uga qaybqaadano
siyaas adda,taana waxaynu ku heli karaa inaga oo ka qaybgala
hoggaanka tartanka
siyaasada ee da lka.
Doodaha ragga qaar yidhaahdaan in aan weli la gaadhiin
wakhtigii
dumarku ay talin lahaayeen lama joogo oo aqoontooduna
uma saamaxayso,
ayaa waxaa burinaaya sida qiimaha leh ee mu ddooyinkan
dambe aqoonta
dumarku u korodhay. Tusaalena waxaa inoogu filan
sannadkii 20 11
ardayadii ugu saraysay jaamacadaha Somaliland waxay
ahayd gabadh,ardyadii dugsiyada sare ee Somalialnd ugu saraysayna
waxay ahayd
gabadh, waana wax aan la iska indho tiri ka rin qaybta
laxaadka leh ee
ay dumarku ku leeyihiin bulshadeena, ta kale waxaa
hubaal ah 20 kii
sanno ee u dambeeyey ay aqoonta dumarku sare u kacday,
ha ahaato kuwa
dalka gudihiisa wax ku bartay iyo kuwa qurbaha wax ku
bartayba, taasi
oo dumar ahaan noqonaysa mid aynu kalsooni badan kaga
heli karno ama
kaga helnayba bulshadda Somaliland dhexdeeda.
Maqaalkan iyo maqaalkii ka horreeyeyba waxaan ku
iftiimiyay doorka
kala duwan ee ay dumar ku ku leeyihiin bulshadda, ha
ahaato siyaasadda,dhaqaalaha iyo waxbarashada. Markaa waxa y iila muuqataa
in la gaadhay
wakhtigii ay dumarku noqon lahaayeen hormuudka dalka
Somalil and ay
baahiyaha badani ka jiraan, nuglaanta faraha badanina ay
saamaysay oo
taasi oo wali ba inta badan ka timaad dhinaca ragga qaar,
sida ka
muuqata dumarka meelihii loo igmaday w axay ka muujiyeen
waxqabad lagu
faani karo.
Xukuumadda Axmed Siilaanyo oo kursiga ku fadhiday muddo
ka badan
sannad iyo badh ayaa kursiga uu ku fadhiyo waxaa
sababteeda qayb
laxaad leh ku lahaa dumarka, iyada oo wakhtig ii
tartankii ololaha
doorshada lagu jiray uu madaxwayne Siilaanyo ku baaqi
jiray inay
dumarku heli doonaan 25% saamiga dawladdiisa, laakiin se
xukuumadiisa
maanta kama muuqato 25%, waxaa halkaa inooga muuqata
marka dumar ahaan
la eego 5% in ka yar.
Hadaba madaxwayne Siilaanyo waxaan leeyahay madaxwayne
awalbaa waxaanu
iskaga qana csanayn 25%, maantana 5% inkayar baad na
siisay oo aanay
dumarku u qalmin, taana waxa an u leeyahay markaad dhinac
walba ka
eegto dumarku waa tiirka ay ku tagan tahay Somalil and,
markaa ma la
odhan karaa sidii aanu kuugu caano lisnay noogu maad
hambayn?
Gabagabadii waxaan leeyahay rag iyo dumarba aan ka wada
shaqaysano
dalkeena, umadeen an inoo baahana aan wax u wada qabano,
inaga oo
gacmaha is haysana, shaqadana yaan lag u koobin ragga oo
kaliya ee si
isku miisaman ha loo qaybiyo, samiga dumarkana ha ka
badhee dho
xukumadaadu in ay si xaq soora ugu qaybiso ragga iyo
dumarka.
Dumarkana waxaan odhan lahaa waa inaynu had iyo jeer
muujina dedaal
xooggan, aqoontee nana kordhina, markaa hadii aqoonteenu
korodhana
waxaynu helaynaa dhaqaale, maadama uu dhaqaaluhu yahay
hagaha nolosha
had iyo jeer, siyaasadda iyo dhaqaluhuna is xambaars an
yihiin.
ALLA MAHAD LEH
Naciima Cabdi Galiixe
naciimacabdi3@hotmail.com
Hargeysa Somaliland |
|