Dumarka Maxaa Lagu Qiimeeyaa?
W/Q: Axmed Iid Aadan

 


Habeenkii marka ay caddada tahay, bishuna ay shan iyo toban tahay, dayuxu aad buu u iftiin badan yahay. Haddii uu xilliga markaa lagu jiraa gu’ yahay oo ay harooyinku buuxaan, qofkuna uu doono in uu dayaxa ama cirka arko uma baahanayo in uu wejiga kor u taago oo uu cirka eego. Isaga oo halkiisa iska jooga uun buu harada ama balliga eegayaa. Biyaha ayaa marka uu iftiinka dayuxu ku dhaco sida muraayadda oo kale u ekaada. Halkaas ayuu markaa qofku xiddi gaha, dayaxa iyo cirkaba ka daawan karaa.

Muuqaalka sidaa u quruxda badan oo uu qofkii wax u fiirfiirsadaa aad u jeclaanayo ayuu, Alle ha u naxariistee, abwaan Maxamed Xaashi Dhammac (Gaarriye) ka sameeyey beydad cajiib ahaa oo ku jiray maansadiisii “Carshigii Jamaalka”. Waxa uu yidhi:

Ma habeen caddo ahoo,
Balliyada cigaagani,
Casuumeen xiddigahoo,
Cirka dayaxii kaa jiray,
Dhulka kaa cawaray baa?


Waxa aan uga socdaa waa in aadamiga uu ku abuuran yahay jacayl uu jecel yahay waxyaala ha ay quruxda iyo wanaaggu ka mid yihiin. “Nabadda” iyo “khayrku” tusaale ahaan waxa ay ka mid yihiin waxyaalaha wanwanaagsan ee ay dadku jecel yihiin. Sidoo kale “cadceed soo baxay sa”, “madheedh bislaaday”, “dhir ubax leh”, “daruur curatay”, “doog is gaadhay” iyo “harooyin gingiman” waxa ay ka mid yihiin waxyaalaha quruxda leh ee wax lagu ammaano, dadkeennuna ay isku raacsan yihiin.
Nin filasoof ahaa ayaa beri fog yidhi: “Wax kastaaba qurux ayuu leeyahay, hase yeesho ee qu ruxdaas qof kastaaba ma arko”. Wax kasta oo qurux badani dadka waa uu soo jiitaa oo indhuh u waa ay ku hakadaan, waxana laga yaabaa in qalbiga laftiisu uu dareemo khayr ama liibaan weyn.

Iyada oo ay sidaas tahay oo jiritaanka quruxda la isku raacsan yahay ayaa haddana qiimaynt eeda lagu kala duwan yahay. Waa qof iyo sida ay la tahay, qaaciido guud oo quruxda ku saab san oo la isku raacsan yahayna  ma jirto.

Haddii aynu u fiirsanno maansooyinka Soomaalida, gaar ahaan kuwa quruxda iyo ammaanta d umarka ku saabsan, in kasta oo marmar midabka lagu daro ama la soo hadalqaado, waxa quru xda lagu metelaa sida aynu kor ku soo sheegnay deegaan barwaaqo ah ama jawi fiican ama h abdhaqan wanaagsan ama inahaas oo la isku darayba. Waxa uu tusaale ahaan maansayahank u odhan karaa marka uu ruux dumar ah ammaanayo: “Waxaad u dhigantaa dhibicdiyo cadceed doo isku soo dhowaaday”. Waxa kale oo uu ku ammaani karaa tilmaamo wanwanaagsan oo habdhaqanka la xidhiidha sida dulqaadka, naxariista, xishoodka, dabeecadda wanaagsan iyo garashada fiican.

Dadka qaar baa laga yaabaa in ay midabka qofka muhimmad siiyaan, qaar kalena waxa laga yaabaa habdhaqanka fiican iyo tilmaamaha wanwanaagsan ee uu qofku leeyahay in ay qiimeeyaan. Haddii aynu soo koobno quruxdu waa wax uu qofba si u qiimayn karo oo aan la isku raacsanayn ama la isaga mid ahayn. Ma aha wax meel loogu hagaagi karo. Waa qof iyo dookhii ama doorashadii.
 

 


Axmed Iid Aadan
ahmediid@hotmail.com