DUQDII HOOYADEEN

 


Marka hore waan idin salaamayaa dhamaan Timacade Groub iyo hawlwadeenadiisa sharf ta naga mudan. |halkna waxaan ku soo lifaaqay maans la magac baxday ( DUQDII HOOYAD EEN) waxaan jeclays tay in layla wadaago, idin koo mahad san ,Wax badan bay ka hadlaysa a ,sidaa iyo akhris wanaag san
 

 

 

 


Duqdii hooya deenee
Daashee la dhibayee
Een sodon diraacood
Dab kaa Oday u shidinee
Dusha saarin wiil kee
Darxumada la badayee
Haaruhu daloosheen
Nin kan damacu keenee
Duma sheeda raba ee
Dadab maan ta iga raba
Dareen kiis maan garan
Maanuu ii dan leeyahay ?
Mise damac kalaa jira ?

*****

Awr kaan dag dhabayee
Dabar ka iyo seetada
Isu saaray dacal kee
Xiniin yahay dushoodiyo
Ka dalooshay dhinacee
Dakar kiiba aan jaray
Duud ku hool may waa hore
Hadana maan ta doob tii
Soo dhigay daleed madhan
Damac waa halkiisee
Muxuu dayrta maan ta
Doqon kani la naaxee
U dan leeyay maan garan
Maanuu ii dan leeyahay ?
Mise damac kalaa jira.

*****

Libaaxii dub jira waa
Daka nooyin badan iyo
Daal kuna u dheeraa
Dambar samaha jiilaal
Iyo dayr ta wada jira
Dufan galin calooshee
Dalan dool ka baahida
Wuxuu dago ha joog tee
dagal reer ka baxay waa
Madharaari daydaya
Mici yaha wuxuu daro
Cidiya hana uugu dara
Ka daloosha meel adag
Dugaaguba dhamaan tii
Uuma tago wuxuu dilo

*****

Doog sin geel ka muuq diyo
Nin kii dabin ka xidhayee
Biciid kana la doonee
Ubax uugu dul daad-shee
Daymada kalgacal kana
wixii aanu dilin wali
Uugu deeqay reeraha
isagoon dardaar warin
Daf u tidhi sakaaradu
Wuxuu yidhi dirkayoow
Wali uuma baan daban
Digirin iyo sakaaradu
Ima deeqo kaligay
Habar tiina duuduub
Ka dulaan tay reer kii
Waana xeel dahsoonoo
isaguna ma dacal dhabin
iyana deeq dii may garan
Waa duni iyo xaal keed

*****

Anna Daahir caliyoow
Dirirtii shalay tiyo
Doqon kii I helay bari
Dagal keenan waa yaha
Lagu dagay wixii dhacay
Lagu dilay walaal nimo
Iyo Doonis caab badan
Ma ogatahay dameeraha
Waraabuhu ma dili jirin
Dhaga haa dushoodii
Digniin tooda maqal wali
Isagaa ku daya yoo
uugu deeqay ma og tahay
Bahal kiina muu dayn
Wali wuu dul joogaa
Wuu daliigayaa garo
Mana dayn wuxuu baray

*****

Doqon malif sigeediyo
Damacaa nin lii taa
Dusha way ka siman yiin
Geesigiina muu dagan
Dushii qoriga kama dhigin
Halkii loo dabaal dagay
Sahan kiina loo diray
Reer kii ma dagin wali
Banka tuuyo waa dagal
Dabayluhu ka badan yiin
Waa dul saar caruur tii
Hooyadii daryeel iyo
May helin Dareen wacan
Dushu way banana tahay
Ciradiina may dadin
Anna waan dilaal tagay
Ma dayraa, ma deeq baa ?
Ma damac fogaadaa ?
Ma dan iyo xeel baa ?
Mise waaba door soon ?

*****

 

Abdulkhaliq Ali Mohamed