Duulaan ka kugu maqan, iyo kala
daadsanaan teena
 

Marka hore waxaan salamayaa dhaman rere Somaliland,meel ay joogaan si gaara,Timaca de Groub iyo halwwadeenada sharafta le.
Marka xiga waxaan jeclays tay inaan is yara dul taago, waxa ayaamahan ka so socda dal keenii.sidaynu la wada socono, waxa lagu guda jiraa, Qaban qabadii dabaal dagii 18 May, iyo sidii loogu diyaar garoobi lahaa, waynayn ta Maalin ta inagu qaaliga ah, waana waajib ina wada saran.

Waxa iyana ayaamahan, ku sugan dalkeenii, niman kasaoo kici timay Meel la yidhaa XAM AR. Niman kaasi la sheegayaa, waa laysku khilaaf san yaya, cida casuumad da u fidisay, hadal hayntooduna way badan tahay maan ta. Waxa la yaab leh , Dawlad deenii Dalka la gu aaminay Ilaa maan ta war rasmiya kamay soo saarin. Hadii laga tagi waayo, ku tidhi k u teen baa meelaha laga shubayaa. Waxaan arkay Nin- man Oday dhaqameed ah, oo ree r Somaliland ah, lagana soo ururuyay wadan ka, siiba Hargaisa, iayana hadal jaban bay ku hadleen, hadal kooduna wuu is khilaaf san yay. Qaar waxay sheegeen, in Odayaashan Reer xamar Iskood u yimaadeen. Niman kaa ka yimid Xamar na waxay sheegeen, inay u socdaan Somaliwayn, lana soo wakiishay, Dawlad da Somaliland na Soo casuun tay.Taasi waxay abuur tay inay Umaddii Reer Somaliland, warwar ka muujiso, aamus ka dawlad da, iyo kala hadalka Oday dhaqameed ka Reer Somaliland, iyo nuxur kay sheegeen Niman ka Duulaan ka soo qaaday XAMAR.

Waxaan xasuus taa, Dawlad ka mid Dawladaha Africa, ayaa Qaadatay Xornimadeedii, mu do yar dabadeed ayay codsi u direen Mustacmar kii xoreeyay, kana dalbadeen, inuu LIX bilood usii hayo dalka, intay Dabaal dag iyo Tumasho ku jiraan.taa waxaan uuga socdaa, dhamaan dad kii reer Somaliland waxay ku mashquuleen, diyaar garawga Dabaal dagii Bis ha May,Dalkiina waa lagu soo duulay, waana laynaga dhex toosay. Nasiib darro, dawlade enii sharaf ta lagayd na , ilaa maan ta waxay ka dhamaan wayday, inay gudaheeda ku m ashquusho, wax aan faaiido u lahayn dalka iyo dadkanaba ku foog naato.
Dardaaran.

Waxaab kula dardaar mayaa, dhamaan shicib ka Reer Somaliland, inay ka digtoonaadaan, in fadqalalo lagu dhex dhalayo, lagan faaiiidays to, kala daad sanaan teena, Dawlad nimd eena, iyo wixii loo soo dhinaty, ka dhex baxo, faraheena.

Waano .

Waxaan ku waanin lahaa Dawladda, iyo Madax da Reer Somaliland, inay, wax ka badala an, hab dhaqan keeda, uuna feejignaadaan, qabyadeena, meel wal b aka muuqata. Waxa an madax da dhan lahaa, wixii laydin aaminay, iyo xilkaa idin saran, hgaw qaadanina, hadi yad , laydin siiyay. Hadii umadana idin xisaabin way do, Ilaahay Baa idin arkaya, idin na xi saabin doona. Lafihiina, iyo dan ta umad da u tudha.

Digniin.

Waxaan si wayn uugu digayaa, niman ka kazoo xaydxaytay XAMAR, Reer Somaliland, ma aha, kuwaad taqaaneen, waa umad wakhtigu badalay, ilaahay hayna la kaashatay awoo dooda, meel dheer na sahan ka loogu jiro. Candhuuf tiina dib u liqa.

Waxaan kusoo koobayaa, maqaal kayga, tixdan gaaban.

 

 

Nin I dilay, Mid ii digay, iyo mid iguba soo duulay
Dareen kaa cidlada yuururee, Damacu hooseeyo
Midiyaha dab kii la gashee, Laygu dili doona
Dadqal kii shalay I helay, een diiiday xumihiisa
Dad waxaan ahaan jiray, wanaag loogu dawgalaye
Digtoonaan waataan ka helay, Diirki kuu naxaye
Walaal kii aan doon doonayee, Ani dooxaayay
Docda bahal kii aan seexiyaa, cunaya diir kayga
Walee inan dumaal eed mar ka,daarta lama seex do

*****

Doqon tii itaal keed taqaan,looma duur xulae
Damacii shalay ku hoday baa, haddeer loo diyaar yahaye
Dabnahaa qoslaayio, adeer, ilkahaa dhiiga dabajooga
Dubaax dii nin kii qali ogaa, Doonayaan ahaye
Dareen kii hore loo nacaad, daba ordaysaaye
Diin tiyo Islaam koo qudhaa,kugu digayaaye
Dib u noqonin kaan diidayoow, Hana isoo doonin



Waa bilkaahai tawfiiq

 

 

Abdulkhaliq Mohamed