“Erayada Qalbigayga Taabtay Ee Ay Canab Xasan Cawke Igu Tidhi Waxaa Ka Mid Ahaa Walaalkay Wuu Dhintay, Balse, Idinkoo Dhan Ayaa Walaalo Ii Ah…”Cabdirisaaq Xaaji Catoosh





Tog-wajaale (TNN) :-Wariye ka tirsan laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da, ayaa Sh alay booqday Qabriga doraad lagu aasay Allaah ha u naxariistee Marxuum Axmed Xasan Caw ke.

Wariye Cabdirisaaq Xaaji Catoosh oo Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya uga yimid inuu Tacsida idaacadda soo gaadhsiiyo Canab Xasan Cawke oo ay walaalo ahaayeen Wariye Axmed Xasan Cawke, waxa qoraal kooban oo uu Shalay ku baahiyey Barta uu ku leeyahay Shabakad da xidhiidhka bulshada ee Facebook ku sheegay oo uu yidhi, “Ilaahoow adiga ayaa na abuuray, Adiga ayaanan kuu noqon doonaa. Waxaan joogaa Qabriga Walaalkeen Marxuum Axmed Xas an Cawke oo Shalay (Doraad) lagu xabaalay Magaaladda Wajaale. Inkastoo aanan haleelin aa ska Marxuumka haddana Maanta (Shalay) ayaan booqday Qabriga iyo ehelka uu ka baxay Wa laalkeen. Dhammaan reer Xasan Sheekh Suufi ilaahay ha idin booga-dhayo”

Catoosh oo sii wata ayaa sheegay, “Sidoo kale tacsidii waxaa ka qayb qaatay dhammaan asxa abta BBC oo telefoonka ugu soo tacsiyadeeyey Walaasheen Canab Xasan Cawke.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey, “Erayada Qalbigayga taabtay ee ay Canab igu tidhi waxaa ka mid ahaa, Walaalkay wuu dhintay, balse idinkoo dhan ayaa Walaalo ii ah.”

Cabdirisaaq Xaaji Catoosh waxa uu sidoo kale qoraalkiisa ku sheegay in imaanshihiisa Wajaale ku timid talo ay wada gaadheen Asxaabta BBC-du, “Waxaan u mahad celinayaa asxaabtayda BBC ee ku talisay inaan tacsida imaado.” ayuu yidhi Catoosh.