Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya oo socdaal ku yimid Magaalada Hargeysa



Hargeysa March 23, 2011 (TNN)- Ergayga xoghayaha qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaliya Mr Augustine Mahiga ayaa maanta Socdaal ku yimid Magaalada Hargeysa, waxaan a Madaarka Magaalada Hargeysa ku so dhaweeyay qaar ka mid ah Wasiirada Xukuumada Somalil and iyo Saraakiisha Hay’adaha Caalamiga ah.

Augustina Mahiga ayaa la filayaa inuu kulamo dhawr ah la qaato maalmaha soo socda  Masuuliyii nta ugu saraysaysa Dawlada Somaliland.

Mr Mahiga iyo weftiga la socda oo markii ay madaarka ka soo dageen aanay wax warbaahin ahi joogin ayaa waxa la dajiyey mid ka mid ah huteelada caasimadda,. Iyadda oo la filayo inuu  saac adaha soo socda kulan la yeesho Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Sii laanyo).

Wakiilka xoghayaha qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaliya ayaa la filayaa in marka ay dhamaystaan booqashada Somaliland ay u gudbaan dhinaca maamul goboleedka  Soom aliyeed ee Puntland.
 

 

Source:HCTV