Faallo:
Xuduudaha Afrika Waa Xuduudihii Isticmaarka
Qaybaha
Af Somaliga ee Idaacadaha VOA iyo BBC waxay mar mar qabta an
doodo siyaasadeed oo la xidhiidha madaxbanaanida Somaliland iyo
baa digoobka ay ugu jirto aqoonsiga Beesha Caalamka. Qaar ka mid ah
dood ayaasha ayaa waxay caadaystaan in si daacadnimada ka fog ay uga
mur maan qaranimada iyo xuduudaha Somaliland iyaga oo ku tilmaamaya
“Xud duudo Isticmaar.” Shakhsiyaadkan waa kuwo aan aqoon u lahayn
taariik hda xuduudaha dawladaha Afrika ama waa kuwo majarahabaabiya
dhage ystayaasha idaacadaha. Qaramada Midoobay, Ururka Afrika iyo
dawla daha Afrika midna ma samayn xuduudaha dawladaha Afrika balse
waxaa dhammaantood sameeyay oo jeexay gumaystayaashii Reer Yurub, ka
hor iyo kadib Qaybsigii Afrika ee 1884, waxaana qaranimada,
dawladnimada iyo aqoonsiga dawladkasta oo Afrikaan ah ku
salaysanyihiin xuduudihii ama sohdimihii ay ka dhaxashay Gumaysiga
Yurub. Sidaas oo kale, dhammaan xuduudaha dawladaha Aasiya iyo
Koonfur Ameerika waa kuwii ay u jeexeen kana dhaxleen dawladihii
gumaysanjiray oo kala ahaa Ingiriiska, Faransiiska, iyo Spain (Al-Andalus).
Waa wax lagu qoslo in doodayaashan oo ka soo horjeeda madaxbanaanida
Somaliland aqoonsanyihiin xuduudda dhexmarta Somaliland iyo Jabuuti
laa kiinse inkirsanyihiin xuduudda dhexmarta Somaliland iyo Somalia
oo dhinac marta Garoowe iyo Boosaaso iyaga oo og in labada
xuduudoodba ay jeex een gumaystayaashii Reer Yurub. Xuduudaha
Jabuuti, Somaliland iyo Som alia waa isku mid xagga shuruucda
caalamiga ah waayo dhammaa ntood waxaa sameeyay gumaysigii
Afrika. Sababta ay doodayaasha qaar uga s oo horjeedaan
qaranimada Somaliland waxay weeye waxay u hanqal taa
gayaan dawlad beeleed aan suurtogal ahayn lagana aqoon Afrika ama
meel kale, waxayna inkiraadooda sharcinimada xuduudaha Somaliland ka
soo horjeedaa taariikhda xuduudaha Afrika. Cidkasta oo ka soo
horjeedda sharcinimada madaxbanaanida, dawladnimada iyo xuduudaha
Somaliland waxay ka soo horjeedaa sharcinimada madaxbanaanida,
dawladnimada iyo xuduudaha dhammaan dawladaha Afrika (54 dal) kuwaas
oo xuduudaho odu ka dhasheen xuduudihii isticmaarka.
Dadka qaar ayaa isku khalda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Maamulka
Ma jeerteeniya (Puntland) oo ah gobol ka tirsan Somalia taas oo ay
ugu wac antahay aqoon la`aan ka haysata xagga taariikhda
Somalida. Somaliland waa dal madaxbanaan oo leh xuduudo aan cidi la
wadaagin oo ay ka dhaxashay Gumaysigii Ingiriiska kuwaas oo ay ku
qaadatay gobonimo bishii Juun 26, 1960 halka Puntland tahay gobol ka
tirsan Somalia oo la wadaaga xuduud, xuduudaas oo ay Somalia ka
dhaxashay Gumaysigii Talyaaniga kuna qaadatay gobonimo bishii July
1, 1960. Somaliland waa dal xaq u leh dawladnimo gaar ah iyo
aqoonsiga caalamka sababta oo ah waxa uu leeyahay xuduud u gaar
halka Puntland tahay gobol Somalia la wadaaga xuduudda sidaas
awgeedna aan si gaar ah loo aqoonsankarin ama helik arin
aqoonsiga caalamka. Haddii Xuduudo beeleed ama dawlado beeleed laga
aqoonsan lahaa Afrika, waxaa dhicilahayd in Qaaradda Afrika
dumilah ayd oo ay halakaynlahaayeen dagaalo qabaa`il oo lagu hoobto
waana sababtaas ta keentay in Ururka Afrika go`aamiyo 1964 in la
ixtiraamo xuduudihii dalkakasta oo Afrikaan ah gobonimada ku qaatay
taas oo ah xuduudihii isticmaarka ee ay Somaliland ku qaadatay
xornimadeeda Juun 26, 1960. Jamhuuriyadda Somaliland marnaba ma
aqbalikarto in Gobolka Majeerteeniya ee ka tirsan Somalia ku soo
biiro waayo waxay meel-ka-dhac ku tahay xuduudaha iyo qaranimada
Somalia .
Somaliland waa dalkii 5ta Somaliyeed ugu horreeyay ee ka xorooba
Gum aysigii Reer Yurub Juun 26, 1960 kuna qaatay gobonimada xuduudii
isticm aarku u jeexay isla markaan ay ku aqoonsadeen Qaramada
Midoobay iyo 35 dal sida dalalkii kale ee Afrika ee xoroobay 1960
(17dal). Waxay kale oo Somaliland ahayd dalkii horeesaday midowgii
Somaliland iyo Somalia bishii July 1, 1960 iyada oo baadigoobaysa
dawlad “Somaliweyn” oo ka dhalata Geeska Afrika. Midowgaas waxa uu
ku burburay gacanta Somalia kadib markii Somalia af-duubtay dawladii
wadaagga ahayd mudadii 30ka sano ee Is-raaca (1960-1990); markii
ummadda Somaliland cadaalad-xumadaas ka gadoodayna lagula kacay
tacadiyo ka baxsan bini-aadamnimada. Cadaalad-xumadaas (1960-1982)
iyo xad-gudubyadaas (1982-1990) ayaa ahaa sababihii ugu waaweynaa ee
ku qasbay ummadda Somaliland inay ka baxdo midowgii ay la lahayd
Somalia sannadkii 1991. Burburka midowgii labada dal wax saamayn ah
kuma yeelanayo sharcinimada xuduudahaha Somaliland iyo xaqa ay u
leedahay qaranimo iyo aqoonsiga Beesha Caalamka.
Somaliland iyo Somalia maaha labadii dal ee ugu horreeyay dunida ee
kala taga, midowgooduna burburo. Midowgii weynaa ee la odhanjiray
Midowga Soofiyati oo ka koobnaa 15 jamhuuriyadood ee uu abuuray
Kacaankii Bolshafika 1917 waxa uu burburay si nabadgelyo ahna loogu
kala tegay sannadkii 1989 ka dib markii lagu heshiinwaayay.
Burburkaas waxaa ka dhashay dawlado cusub oo kala ah: Georgia ,
Ukraine , Armenia , Uzbe kistan , Lithuania , Estonia , Latvia
iwm waxaana dhammaantood lagu aqoonsaday xuduudihii ay lahaayeen ka
hor Midowga Soofiyati. Sidaas oo kale, waxaa burburay Fadaraalkii
Yugoslavia oo ka koobnaa 8 dal kadib markii uu dhexmaray dagaallo
sokeeye oo lagu hoobtay intii u dhaxaysay 1991-1995 waxaana
burburkaas ka soo baxay dawladaha kala ah: Serbia, Croatia,
Bosnia-Herzegovina, Macedonia, Slovenia, Kosovo iwm kuwaas oo lagu
aqoonsaday iyagana xuduudahoodii jiray Fadaraalka Yugoslavia ka hor.
Arrimahanu waxay caddaynayaan in midnimada ka dhaxaysa laba dal ama
dalal badan oo midoobay aanay ahayn muqaddas oo ay kala noqonkaraan
haddii ay ku heshiinwaayaan midowga laakiin midnimada ka dhaxaysa
dal gudihiis sida Jabuuti, Somaliland, Somalia, Tanzania, Uganda iwm
ay tahay muqaddas sababta oo ah waxaa dalkasta isku haya
xuduudihiisa qaran ee laga dhaxlay gumaystayaashii Reer Yurub oo uu
ku qaatay xornimadiisa ama gobonimadiisa.
Somalida qaarbaa aaminsan in aanay Somaliland iyo Somalia kala
noqon karin ama kala tegikarin iyaga oo u cuskanaya in Somalidu
tahay isku diin, af, dhaqan, iyo midab. Haddii arrintanu run ahaan
lahayd, waxaa midoo bilahaa ama fadaraal samaysan lahaa
dalalka carabta asalka ah oo ka kooban 17 dal oo xor ah kalana
madaxbanaan kuwaas oo kala ah: Algeria , Bahrain , Egypt , Iraq
Jordan, Kuwait , Lebanon , Libya , Morocco , Oman , Qatar , Saudi
Arabia , Syria , Tunisia , United Arab Emirates , Yemen iyo Sudan .
Dalalkan carabta oo wadaaga diin. Af, dhaqan, iyo midab intaba kama
dhaxayso wax midow ama fadaraal ah waayo way ku heshiinwaayeen, cid
ku qasbikartana ma jirto. In ka badan 14 dal oo ka tirsan Koonfurta
Ameerika kalana ah: Argentina , Bolivia , Peru , Uruguay , Paraguay
, Chile , Venezuela , Colombia , Ecuador , Guatemala , Honduras ,
Panama , Nicaragua , El Salvador iwm waxay iyaguna wadaagaan diin
(Catholic Church), af (Spanish), dhaqan, iyo midab laakiin ma
wadaagaan wax midow ama fadaraal ah waayo way ku heshiinwaayeen, cid
isku qasbikartana ma jirto. Wadaagga diinta, afka, dhaqanka, iyo
midabka maaha wax lagu qancikaro oo lagu wadaagikaro midow ama
fadaraal ama sabab u noqonkara inuu sii jiro haddii lagu
heshiinwaayo. Cadaaladda iyo xukun-qaybsi loo simanyahay (Justice
and fair power-sharing) ayaa ah shuruudaha ugu muhiimsan ee midow
ama fadaraal ku jirikaro, waana arrinta ay Somalia ku
guuldarraysatay inay fahamto xilligii midowga (1960-1990). Maantana
kuwii ka mas`uulka ahaa ama taageersanaa burburkii midowga ee
sacabka u tumayay xasuuqii iyo burburkii ku dhacay ummadda
Somaliland ayaa u qaylinaya midnimo aan uurka jirin.
Diinta Islaamku way ammaanta waanay taageertaa midowga laakiin way
ka soo horjeedaa midow u keena dhinac ka mid ah dhinacyada uu ka
dhax eeyo dulmi, burbur iyo halaag sida tacadiyadii ay Somalia kula
kacday da dka iyo dalka Somalia siiba sannadihii 1988, 1989,
1990. Figradda “Soma liweyn” waxay la mid tahay maanta
figradaha “Carabweyn” iyo “Koonfur Ameerikaweyn” oo aan la garanayn
waqtiga ay hirgelidoonaan. Somalida qaar ayaa waxaa ka dhaadhacsan
in Somaliland iyo Somalia oo qudha ay yihiin “Somaliweyn” iyaga oo
meesha ka saaraya Jabuuti iyo dhulalka Somaliyeed ee la gumaysto
taas oo ay uga jeedaan dano gaar ah.
Figradda “Somaliweyn” waxay aad u
soo shaac-baxday Dagaalkii Labaad ee dunida (1939-1945) ujeedaduna
waxay ahayd in la xorreeyo 5ta Som aliyeed lana wada hooskeeno
hal dawlad iyo calan oo ka dhalata Geeska Afrika ee ma ahayn in laba
qudhi is-raacdo loona arko “Somaliweyn”. Somaliland mardambe ma
noqonayso raq fudud oo 5ta Somaliyeed u soo hilib-doontaan sidii ay
ahayd xilligii midowga.
Dadka Somaliland waxaa la xusuusinayaa in meeshu tahay Afrika oo ah
meel qabiilka iyo degaankiisu ka mudanyihiin qaranimada iyo
wadanini mada, meel aan la ixtiraamin doorasho xalaal ah lana
qiimayn shuruucda dal, iyo meel ay ka aloosanyihiin qabyaalad daran,
kelitalinimo arxan-darran iyo musuqmaasuq curyaamiya dhaqaalaha dal.
Waa meel xukun kasta oo fadaraal ah ay deg deg u
burburinkaraan af-gembiyo milatari sidii Siyaad Barre ku kacay 1969,
kuwaas oo markiiba baaba`sha baarlam aan kasta oo la doorto
iyo dastuurkasta oo la dhigto. Ma jirto cid damaanad qaadaysa inaan
arrimahanu ka dhacya Afrikada degila`. Ummadaha Somaliland iyo
Somalia ma awoodaan midow dambe oo ay ku duugantahay halis kaas oo
keena kelitalisnimo milatari oo fool-xun ama madaxweyne inta la
doorto isku bedala kelitaliye axmaq ah kuwaas oo u horseeda labada
shacab dagaallo sokeeye oo lagu hoobto iyo burbur guud. Iyada oo
laga duulayo waayo aragnimadii xanuunka badnayd ee laga dhaxlay
midowgii burburay ee labada dal, waxaa nabadgelyadu iyo danta labada
dadba ku jirtaa in la kala madaxbanaanaado sida dalalka carbeed lana
yeesho xidhiidh walaalnimo iyo iskaashi. Labada shacabba waa in
aanay waqtiga iskaga lumin laguna khiyaamayn figradda “Somaliweyn”
oo aan la garanayn waqtiga ay hirgelidoonto.
Shirweynihii ummadda Somaliland ee lagu qabtay magaalada Burco
bishii May 18, 1991 ayaa si wadjir ah go`aan ugu gaadhay kuna
dhawaaqay in Somaliland ka baxday midowgii ay la lahayd Somalia isla
markaana soo ceshatay gobonimadeedii ay qaadatay Juun 26, 1960 lana
baxday Jamhu riyadda Somaliland taas oo si weyn loogu
taageeray aftidii laga qaaday ummadda Somaliland May 31, 2001. Sida
ay ku andacoodaan kooxaha diidan madaxbanaanida Somaliland,
Jamhuuriyadda Somaliland maaha gooni-u-goosato sida Maamulka
Majeerteeniya (Puntland) ee ka tirsan Somalia balse waa dal ka
noqday midowgii uu la lahaa Somalia kadib markii uu ku fashilmay
gacanta Somalia. Jabuuti, Somaliland, iyo Somalia waa 3 dal oo u
siman shuruucada caalamka marka laga eego xagga qaranimada iyo
aqoonsiga sababta oo ah midkasta dalkeedu waa isku xuduud waana isku
taariikh. Mustaqbalka waxay Somaliland wadahadal la yeelandoontaa oo
qudha dawlad Somaliyeed oo ay doorato ummadda Somalia taas oo si
buuxda gacanta ugu haysa dhulka iyo dadka Somalia (Mustacmaraddii
hore ee Talyaaniga) islamarkaana aanay baarlamaankeeda iyo
xukuumadeeda ku jirin dad u dhashay Somaliland oo sheegta inay
matalaan Jamhuuriyadda Somaliland. Wadahadalkasta oo xukuumad
Somaliland la yeelato Somalia iyada oo aan la fulin shuruudahan waxa
uu meel-ka-dhac ku yahay madaxbanaanida Somaliland .
Somaliland , sida dalkasta oo Afrikaan ah, waxay xaq u leedahay
qaranimo buuxda iyo inay hesho aqoonsiga Qaramada Midoobay iyo
Beesha Caala mka taas oo ku salaysan xuduudaheeda gaarka ah ee
ay ka dhaxashay istic maarkii Ingiriiska. Haddi aanay dalalka
Afrika aqoonsan Somaliland waxay su`aal gelinayaan qaranimadooda iyo
aqoonsigooda ku salaysan xuduudihii ay ka dhaxleen gumaysiga Reer
Yurub. Aqoonsiga Somaliland kuma xidhna Somalia , haba yaraatee,
balse waxa uu ku xidhanyahay xukun wanaagsan oo u adeegga dadka iyo
dalka daacadna u ah madaxba naanida Somaliland iyo
doorashooyinka qaranka oo si nadiif ah loo qabto waqtigooda.
Somaliland marnaba madaxbanaanideeda ugama tanaa sulayso
cadaadis shisheeye. Xuduudaha Afrika waa xuduudihii isticmaarka.
Ibrahim Hassan Gagale
Email: ibrahim_hg@yahoo.com
Date: July 27, 2009
|