Faallo:Sababta Jabuuti Uga Soo Horjeedo Madaxbanaanida Somaliland

 

Sida laga warqabo waxaa Gumeysigii Reer Yurub u kala qaybiyey Somalida shan (5) qaybood oo kala ahaa: Somaliland iyo Gobolka Somaliyeed ee Kenya Ingiriisku ayaa saami ahaan u helay qabsadayna sannadkii 1884 kadibna Gobolkaas gacanta u geshay Kenya markii ay xorowday sannadkii 1963, Koonfurta Somalia waxaa qayb u helay Talyaaniga oo qabsaday sannadkii 1889, Jabuuti waxaa qabsaday Faransiiska sannadkii 1885 iyo Gobolka Somaliyeed Itoobiya oo ay Itoobiya gacanta ku dhigtay sannadkii 1889 kadibna uu Ingiriisku uga daray Dhulka Hawd sannadkii 1954. Halgamadii gobonimadoonka Somaliyeed ee bilowday badhtaamihii dagaalkii labaad ee Adduunka (1943-1945) waxay dhammaantood ka midaysnaayeen Aragtida Somaliweyn oo ahayd in la xoreeyo shanta Somaliyeed(5), la mideeyo, lana wada hoos keeno hal calan iyo hal dawlad.


Somaliland waxay ahayd dalkii ugu horreeyey ee Somaliyeed oo gobonimada qaata Juun 26dii, 1960, ummadda Somalilandna waxay noqotay dadkii ugu horreeyey ee kaga dhabeeya hirgelinta Aragtida Somaliweyn markii ay 1dii July, 1960 oo ay xorowday Koonfurta Somalia la midowday lana baxeen Jamhuuriyadda Somalia taas oo yididiilo weyn ku abuurtay dhammaan Somalida rajoweynna gelisay in dawladda cusub ee Is-raaca ay horseed u noqondoonto xoraynta iyo keenidda 3dii gobol ee kale si figradda Somaliweyn u dhabowdo loona abuuro Jamhuuriyad weyn oo Somaliyeed oo ka dhalata Geeska Afrika.


Nasiibdarro, dalka Jabuuti oo xoroobay 27kii Juun, 1977 ayaa diiday inuu ku soo biiro Jamhuuriyadii Somalia sidaasna waxaa ku bilowday burburkii ugu horreeyay ee ku dhaca hammigii loo qabay Aragtida Somaliweyn. Mr. Xasan Guuleed Abtidoon oo noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee Jabuuti waxaa diidmadiisa u sabab ahaa laba arrimood. Ta hore waxay ahayd isaga oo arkay sidii Koonfurta Somalia markiiba u boobtay dawladii Is-raaca ahayd una duudsiday Reer Waqooyiga. Ta labaadna waxay ahayd isaga oo rabay inuu Jabuuti ka dhiso xukun uu Ciisuhu iska leeyahay siiba jilibkiisa Mamassan.


Burburkii labada ee ku dhaca Aragtida Somaliweyn waxa uu dhacay markii ay kala noqodeen Somaliland iyo Somalia sannadkii 1991 soona af-jareen 30 sano oo Is-raac ahaa (1960-1990). Sababta ugu weynayd kala noqoshada labada dal waxay ahayd dadka Somaliland oo intay dawladnimadoodii u rareen Somalia si ay u horseedaan Somaliweyn dabadeedna laga duudsiyay qaybtii ay ku lahaayeen dawladda markii ay ka gadoodeen arrintaasna loo laayay si arxandarro ah.

Xukuumadda Jabuuti aad ayay uga naxday markii Somaliland ku dhawaaqday inay madaxbanaanideedii kala soo noqotay Somalia bishii May 18, 1991 isla markaana shacabka Somaliland si buuxda ugu codeeyay madaxbanaanidiisa May 31, 2001. Dalka Jabuuti oo ah dal aad u yar (Dadka Jabuuti waxaa lagu qiyaasaa 500,000 qof halka ka Somaliland lagu qiyaaso 3.5 million qof, dhulka Jabuutina waxa uu dhan yahay 23,000 sqkm halka ka Somaliland yahay 137,600 sqkm) waxay dhibaato weyni ka haysataa xagga khayraadka dabiiciga ah. Khayraadkiisa ugu weyn ee ay leedahay waa Dekedda Jabuuti oo keliya oo haddii ay suuq weydo uu jiritaanka dalka iyo nolosha dadkuba geliyaan halis. Sababta ay xukuumadda Jabuuti uga naxday madaxbanaanida Somaliland waxa weeye iyada oo cabsi weyn ka qabta in la furo oo ay caadi u shaqayso Dekedda Berbera oo ku taalla marin ka istaraatiijisan kana muhiimsan ka Jabuuti dabadeedna Dekedda Jabuuti laga guuro, dhaqaaalaha Jabuuti burburo khatarna uu galo jiritaanka Dalka Jabuuti. Sidaas darteed, waxay maamulkii ugu horreeyay ee Jabuuti oo uu madaxweynaha ka ahaa Xasan Guuleed Abtidoon muddo 22 sano ah (1977-1999) iyo ka maanta jira oo uu madaxweynaha ka yahay Ismaaciil Cumar Geelle muddo 10 sano ah (1999-2009) ay awoodda saareen sidii ay u xidhnaan lahayd Dekedda Berbera. Madaxweyne Xasan Guuleed Abtidoon waxa Dekedda Berbera ka xidhay Siyaad Barre, maantana madaxweynaha Jabuuti waxaa uu muddo shan sano ah (2003-2009) ku shaqaysanayaa oo ka xidhay Dekedda Jabuuti Daahir Riyaale Kaahin. Waa taas sababta ay xukuumadda Jabuuti uga soo horjeedo madaxbanaanida Somaliland waxay rabtaa inta Somaliland lagu cesho Somalia sidaas Dekedda Berbera uga xidhnaanto. Maanta cadowga kowaad ee ay leedahay madaxbanaanida Somaliland waa dawladda Jabuuti.

Mr. Xasan Guuleed Abtidoon waxa uu ahaa nin Reer Waqooyiga aad u neceb waaana arrintaas sababtii uu uga soo horjeeday Halgankii SNM. Taliskii Siyaad Barre waa kii ku soo celiyay dadkii Reer waqooyiga ahaa ee ka cararayay xasuuqii Taliskaas sannadihii 1988 iyo 1989 sababtuna waxay ahayd yaanay xoroobin Somaliland oo Dekedda Berbera lagugu furin, maantana cadaawadaas ayuu halkii ka sii wadaa Ismaciil Cumar Geelle oo awoodiisa oo dhan isugu geeyay la dagaallanka aqoonsiga iyo madaxbanaanida Somaliland isaga oo adeegsada Daahir Riyaale si Somaliland loogu cesho Somalia si aan Dekedda Berbera loogu furin oo ah halbowlaha nolosha dadka iyo dalka Somaliland. Xornimadii ay Somaliland Dawladda Ingiriiska ka qaadatay waxaa laga joogaa 49 sano Dekedda Berberana waxay ummadeeda ka xidhnayd ugu yaraan 30 sano oo marna Siyaad Barre ayaa xidhay maantana Daahir Riyaale ayaa xidhay oo waxaa la isticmaalaa Dekedda Jabuuti si loo dhiso dhaqaalaha Jabuuti loona curyaamiyo nolosha iyo dhaqaalaha Somaliland.

Ismaciil Adan Cosmaan (Ismaaciil Yare) iyo Yusuf Budle oo labaduba aad iyo aad xog-ogaal ugu ah siyaasadda qaran-dumisnimo ee daahir Riyaale waxay dhawaan shaaca ka qaadeen in madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Daahir Riyaale Kaahin uu yahay khaa`in wadan iyaga oo soo bandhigay cadaymo muujinaya qaran-dumisnimadiisa. Arrintaasuna waxay caddaynaysaa in Daahir Riyaale aanu markii hore daacad u ahayn qadiyadda iyo madaxbanaanida Somaliland haddana uu maamulo madaxweynaha Jabuuti, Ismaciil Cumar Geeelle iyo madaxda Somalia kuwaas oo ku wadahawlan sidii Somaliland loogu celin lahaa Somalia. Waxaa kale oo shirqoolkan qaran-dumisnimo caddaynayaa in shantii (5) sano ee uu xukunka hayay Daahir Riyaale uu la dagaallamayay aqoonsiga Somaliland siiba marka uu u baxo booqashooyinka dibedda oo uu diido ama been ka sheego ujeedooyinkooda maadaama uu maleego dhagaar khiyaamo qaran. Ujeedada keliya ee Ismaciil Cumar Geelle ugu ololeeyo dawlad ka dhalata dalka Somalia maaha jacayl uu u hayo Somalia oo uu diidanyahay inuu la midoobo ee waa rajo uu ka qabo in Somaliland lagu cesho Somalia oo aan la aqoonsan si ay uga xidhnaanto Dekedda Berbera. Shirqoolka ay heshiiska ku yihiin Daahir Riyaale, Geelle iyo madaxda Somalia si Somaliland u burburto waxaa ka mid ah: Horjoogsiga doorashada madaxweynaha Somaliland, laalidda dastuurka dalka, burburinta dhaqaalaha dalka (Iyada oo Dekedda Berbera la xidhayo wixii kalena la boobayo si aanu dalku u hanaqaadin) iyo khalkhalgelinta nabadgelyada si ugu dambaynta dalka looga abuuro dagaalo sokeeye oo Somaliland kala mid dhiga Somalia si loo waayo aqoonsi dantuna markaas ku qasabto inay Somalia ku noqoto.

Daahir Riyaale iyo Ismaciil Cumar Geelle ma fahamsana in shakhasiyaad aanay awood u lahayn inay ka takhalusaan madaxbanaanida Somaliland oo uu ilaashanayo shacabkeeda leh. Somaliland xaq aan la duudsiyikarin ayay u leedahay madaxbanaani, dawladnimo iyo aqoonsiga Beesha Caalamka. Dalalka Afrika waxay dawladnimadoodu iyo aqoonsigoodu ku salaysanyihiin xuduudihii uu u sameeyay Gumaysigii Reer Yurub ee maaaha wax ay u samaysay Qaramada Midoobay. Somaliland, Jabuuti iyo Somalia xuduudahooda waxaa sameeyay Reer Yurub. Sida loo aqoonsanyahay Jabuuti iyo Somalia ayaa Somalilandna loo aqoonsanayaa. Somaliland iyo Jabuuti waa u simanyihiin Somalia. Aqoonsiga Somaliland waxa keliya oo uu ku xidhanyahay xukun daacad u ah qadiyadda iyo madaxbanaanida Somaliland.

Somaliland iyo Somalia maaha dalalkii ugu horreeyay adduunka ee kala noqda. Dalkii la odhanjiray Midowga Soofiyati (Soviet Union) oo ka koobnaa 15 dal wuxuu burburay 1989 markii ay heshiinwaayeen waxaana ka baxay oo madaxbanaanidoodii la soo noqday adduunkuna aqoonsaday dalalka kala ah: Georgia, Ukraine, Armenia, Uzbekistan, Lithuania, Estonia, Latvia iwm. Dalkii isna la odhanjiray Xiidhiidhka Yugoslavia oo ka koobnaa 8 dal waxa uu u kala baxay: Serbia, Caroatia, Bosnia-Herzegovina, Macedonia, Slovenia iwm oo dhammaantood la aqoonsanyahay. Midnimada ka dhaxaysa laba dal ama dhawr dal oo is-raaca maaha muqaddas oo haddii ay heshiinwaayaan way kala noqdaan ee waxaa muqaddas ah midnimada gobollada dal isku xuduud, dad iyo taarikh ah sida Somaliland, Tanzania, Jabuuti, Uganda, Somalia iwm. Somaliweyn waxay la mid tahay maanta carabweyn oo aan jirin lamina oga waqtiga ay hirgeliyaaan. Dadbaa ku dooda Somaliladu ma kala go`ikarto sababta oo ah waa isku af, dhaqan, diin iyo midab. Carabtu intaba Somalida way la wadaagtaa waana 18 dal maanta waayo sideena ayay heshiin waayeen cid isku qasbikartana ma jirto. Midnimadu way wanaagsantahay Diinta Islaamkuna way ammaantay marka la fahamsanyahay la qiimaynayo laguna dhaqmayo laakiin Diinta Islaamku ma oggola midnimo lagu daadiyo dhiig layskuna baabi`iyo xukun-jacayl awgeed sidii Somalia ku samaysay Somaliland sannadihii u dhaxeeyay 1982-1990. Afrika waxaa halakeeyay xukun milatari ama qabiil oo dawlad kasta oo Fadaraal ah burburiya markaas marnaba suurtogal maaha inay ka hirgasho dawlad fadaraal ah cidnana laguma khiyaamaynkaro Federal Afrikan ah oo aan si jiridoonin..

Madaxweynaha xilkiisu dhammaday ee Daahir Riyaale Kaahin uma muuqdo daacadna kama ah inuu doorasho xalaal ah dalka ka qabto oo ama wuu horjoogsan oo waxa uu u hanqaltaagidoonaa muddo kordhin dambe ama inta uu qabto doorasho ayuu ku boobi hantida iyo ciidamada qaranka waayo waa nin kelitalisnimadiisu ku salaysantahay qaran-dumisnimo uu caqliguusu siiyay inuu dalka iyo dadka ku celinkaro Somalia si uu u fusho mu`aamaraadka Ismaciil Cumar Geelle iyo Somalia. Kooxda maanta ka talisa Somaliland oo ka kooban Daahir Riyaale, xubno wasiiro iyo xubno golayaal qaran waxay u kala baxaan laba qaybood oo kala ah: Qayb ka soo horjeedda madaxbanaanida Somaliland iyo qayb la qaybsata debiyada ka dhaca dalka oo og in aanay mustaqbalka ku noolaankarayn Somaliland rabana inay ku noolaadaan Somalia. Dalku maanta xaalad aadag ayuu ku jiraa markaas waa in loo diyaargaroobaan nabad iyo dagaal labadaba si dadka iyo dalka looga badbaadiyo kooxda haysata ee qaran-dumiska ah. Awalba shacabka ayaa nabadda ilaalinayay si aqoonsi loo helo. Maanta aqoonsigii god yaa lagu riday waxaana ka soo saarikara oo qudha dawlad cusub oo daacad u ah danta dadka iyo dalka, Dekedda Berberana u bedesha deked caalami ah oo dhaqaalaha iyo nolosha ummadda kor u qaada suurtogalna ka dhigta in mustaqbalka Jabuuti dantu ku qasabto inay ku soo biirto Somaliland.

Waxaan faaladan ku soo gunaanadayaa 10ka beyd ee ugu dambeeya gabagayga aan dhawaan tiriyay oo lagu magacaabo: Gadood iyo Guul, waana kuwan:
 

 

Lixdankii go`aan lagu degdegay, dawladnimo guurtay

Geedigu hayaan Koonfur degay, garabsi uu doonay

Soddon guuradi kala tagtoo, kala go`doo maagtay

Kala guurka iyagaa kasboo, gabay wanaagiiye

**********

Duudsigii Waqooyiga gilgilay, guushi laga boobay

Dawladnimadi subax laga gayaxay, geeski lagu riixay

Gumaadkii xigee ee arlada, dhiiggu galacleeyay

Bendaradi garbaha loo dhigee, ee madfacu goostay

*********

Dharaar bay midnimo gawraceen, gocosho reebeene

Gobonimo ha loogina markale, laab-la-kaca guursha


 

 

Ibrahim Hassan Gagale
Ibrahim_hg@yahoo.com