Faalo:Doorashadii Madaxtinimo ee Dalka ka dhacday 26-june Door intee leeg ayay ka Qaadan doontaa Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland, Maxay se ka duwanayd Doorashiidii 2003-dii

 



marka la is bar-bar dhigo doorashadan dalka ka dhacday 26-kii june ee sanadkan 2010 iyo tii dalka ka dhacday 2003-dii ...


Hargeysa (TNN)-26-kii bishii june ee sanadkan 2010, waxa dalkan Somaliland ka dhacday codbixintii doorashada madaxtooyada oo ay shacbi waynaha reer Somaliland ku dooranayeen madaxwaynihii iyo madaxwayne ku xigeenkii dalkan hogaamin lahaa shanta sanno ee soo socda,doorashadan  dal ka ka dhacday 26-kii bisha june ee ina dhaaftay oo natiijadeedii ay guddida doorashooyinka  qara nka Somaliland habeenkii xalay 01-07-2010 ku dhawaaqeen taasi oo uu ku guulaysatay murashaxii xisbiga KULMIYE md Axmed Maxamed Maxamuud (siilaanyo) oo noqday madaxwaynaha hogaamin doona dalkan jamhuuriyada Somaliland shanta sanno ee soo socda.

Doorashadan madaxwaynenimo ee ka dhacday Somaliland ma aha doorashadii madaxtinimo ee ugu horaysay ee dalkan ka dhacda tan iyo intii uu dalkeenan Somaliland xornimadiisa dib ula soo  noq day ee aynu somaliya inteeda kale ka go,day sanadkii 1991-kii,balse waxa la xasuustaa sanadkii 2003-dii bishii April, in ay dalkan Somaliland ka dhacday doorashadii madaxtinimo ee ugu horaysay taasi oo ay dadka shacabka ahi six or ah u doorteen madaxwayne iyo madaxwayne ku xigeen  iya da oo doorashadaasi 2003-dii dalka ka dhacday uu ku guulaystay madaxwaynihii hore ee  Somal iland Daahir Rayaale Kaahin iyo Ku xigeenkiisa Axmed Yuusuf Yaasiin.

Haddaba marka la is bar-bar dhigo doorashadan dalka ka dhacday 26-kii june ee sanadkan 2010 iyo tii dalka ka dhacday 2003-dii waxyaabo badan ayay ku kala duwanaayeen.tusaale ahaan  lab ada doorasho tan danbe ayaa ahayd doorasho caalami ah taasi oo la odhan karo waxay la mid ahayd doorashooyinka ka dhaca dalalka hore umaray, Mar hadii diiwaan gelin lagu galay. Ciidanka Qaranka oo Gacanta ku hayay sugida Nabad galayada iyo Guud ahaan Goobaha Doorashadu ka dhacaysay halka tii hore Boolisku ka qayb qaateen, Wakhtiga ololaha oo ka koobnaa Wakhtiyadii hore,Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo ahaa Khabiirro, Go,aan adag leh oo aan Seddexda Xisbi midna u xaglin, Codadka Xisbiyaddu kala heleen oo Faraqwayni udhexeeyay, kaasi oo aan Muran Galin Karin Natiijada hordhaca ah, ee komishanku ku Dhawaaqay.
 
Doorashadii hore ee Somaliland ka dhacday 2003 ayaa Muran badani ka dhashay taasi oo  sabab tuna ahayd isu dhawaanshaha Codadka musharixiinta Tartamaysay oo aad isugu dhawaa, iyo  Do orashadaasi oo ahayd Doorashadii Madaxtinimo ee ugu Horaysay oo Si Xor ah ay dadka shacabka ahi u doortaan qofka ay doonaan,taas ayaa iyadna la odhan karaa Dadka shacabka ahi waxbadan kama ay fahansanayn.

Doorashadan ayaa Noqon Doonta Mid taariikhda Somaliland Baal dahab ah ka Gasha Taasi oo  Sum acad aad u balaadhan usoo hoysay Qaranka Somaliland, iyada oo Goob joogayaashii Caalamiga ahaa, iyo kuwii Maxaliga ahaaba Ku hambalyeeyeen guud ahaan umada reer Somaliland shacab iyo dawladba,iyaga oo sheegay in doorashadani Si Xor iyo Xalaal ah u dhacday,waxa kale oo iayaguna doorashadan si aad u wanaagsan oo ay wadaniyadi ku dheehan tahay u hambalyeeyay  Musharix iinta Xisbiyda Qaranka, Culimaa,udiinka, Salaadiinta, Cuqaasha, iyo guud ahaan Shacabka Reer  So maliland kuwaasi oo dhamaantood si wanaagsan oo qiime leh u hambalyeeyay sidii Wanaagsanayd ee ay Doorashadu u dhacday iyo Sida Musharixiinta Xisbiyada Laga Guulaystay u Aqbaleen  Natiij adii ka soo Baxday Komishanka Doorashooyinka Qaranka.

Waxaa aan la ilaawi Dooni Taariikhdana Gali doonta Dal yar oo aan Wali la Aqoonsan, kuna yaala Afrikadda Barri oo Doorasho Mucjiso lehi ka dhacday Waliba Xisbi Mucaarid ahi ku Guulaysto  Mada xtinimadda Dalka, isaga oo Madaxwaynihii Laga Guulaystayna Aqbalay, iyada oo Xusuus gaar ah ku reebi doonta Dadka reer Somaliland khudbadii Cajiibka ahayd ee Madaxwaynihii hore Daahir  Raya ale ka jeediyay Qasriga madaxtooyada taasi oo Sheegay in aanu Gacantiisa ku duminayn  Somalila nd, Natiijo kasta oo ka soo baxda Komishanka Qarankana u Hogaansami doona.

Daahir Rayaale kaahin ayaa Noqon doono Maxwaynihii labaad ee Somali ah ee doorasho Laga  Guul aystay si nabad galyo ah u Wareejiyay in kasta oo Dhawr jeer oo hore dib udhac ku yimid, balse inta la ogyahay uu ka horeeyo oo kaliya Madaxwayihii Somalia Aadan Cadde.

Ciidanka Qaranka Somaliland ee mileteriga oo ah Awooda ama cududda Dalka ayaa Kaalin Wax ku ool ah ka Qaatay Ilaalinta Aminiga, Sugida Xasiloonida Gudaha Dalka iyo Goobaha Codbixinta  Doo rashooyinku ka socotay Maalintii Doorashada ee 26-june ee aynu soo dhaafnay,taasi ayaa noqon doonta mid ay Taariikhdu Xusi doonta, midhiheedana ay ka Rajaynayaan Dawlada Cusub ee  Talad da Dalka la Wareegi doonta dabayaaqada bishan aynu ku jirno, Waxaa si gaar ah loo Xasuusnaan doonaa Garabkii iyo Amar Qaadashidii wanaagsanayd ee ay u Muujiyeen Komishanka  Doorashooy inka Qaranka,.

Xubnaha komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa iguna Baal Dahab ah kaga Suntan Hirgalinta iyo Taabo Galinta Doorashadan Mucjisada ahayd oo Muddo aad u kooban kaga Qabsoontay Dalka Somaliland, taasi oo ay hore ugu Fashilmeen Komishankii ka horeeyay inay Hirgaliyaan Doorashada Madaxtooyada Somaliland kuwaasi Dhabarka ka jabiyay Geedi socodkii dimuqraadiyada Curdinka ah ee Somaliland ku Caano maashay,Komishankan ayaa guulaysatay hirgelinteeda Somaliland-na usoo hooyay Sumcad aad u balaadhan oo indhaha Caalamka Soo jiidasho ku samaysay.

Gudida anshaxa Doorashooyinka Qaranka somaliland oo uu Soo Magacaabay komishanku ayaa  iya guna kaalintii ay ku lahaayeen ilaalinta anshaxa iyo kala danbayntii Xisbiyada Tartamayay  muu ya y, kuwaasi oo digniino badan u jeediyay Warbaahinta iyo Xisbiyadu inay ka hor dhacaan Natiijada Doorashada Somaliland, soo bandhigaana Natiijo mala awaal ah oo iska hor keeni karta Dadka reer somaliland.


Doorashadan ayaa Dib usoo noolaysay Rajadda iyo Himiladda Qadiyada Somaliland ee labaatan  jir satay indhaha Caalamkuna ka sii jiideen, Somaliland oo buuxisay Shuruudihii looga Baahnaa Dal  ma daxbanaan, Warbaahin Caalamka ayaa si Wayn u Qaadi dhigtay Doorashada Somaliland, iyada oo Xisbiga Haddda la wareegayna sheegay in xidhiidhkooda Wadamada Caalamku Dhisanyahay, Wad anka maraykankana Xidhiidh Fiican la leeyihiin Taasi hadii la sii xoojiyo, Caalamkana la hordhigo  Wa xa ay Somaliland Qabsatay Suurto galin karta in Somaliland beesha Caalamku Ictiraafto.
 

 


Mustafe Abdikariin Ali (Mustafe Future)

Khadar Cabdi Muuse
Timacade News Reporters (TNN)
Hargeisa/somaliland
mccfuture@hotmail.com
titanic58@hotmail.com