FAALO:Khilafaadka Siyaasadeed Ee Hadheeyay Somaliland Sidee Loo Xalin Karaa?


Ramadaan Kariim Akhristaal meel kasta oo aad caalamka daafihiisa kag sugantiin .

Dadka reer Somaliland maanta waxay diirada ku hayaan isla markaana  eega yaan qaabka loo xalin doono siyaasadan  mur ugsan ee laysku haysto, iyada oo awal hore ay ku dhammaan jireen khilaafyada soo kala dhex gala xisbiyada mucaaradka iyo Xukuumadda, mar walbana ay guushu ku raaci jirtay Xukuumadda iyo madaxweynaha, muc aaradkana loogu sasabi jiray inay xaqooda heli doonaan haddii ay  xukuumad da la shaqeeyaan

Waxa kale oo La soo abaabuli jiray waxgaradka ,culimada ,siyaasiyiinta  mada xa bannaan, beelaha ,iyo madaxdhaqameedyada si ay xal uga gaadhaan  khil aafka taagan, balse sheekadaasi maanta ma muuqato, waxaanad mooddaa in siyaasadda Somaliland maanta salka ku hayso arrimo la xidhiidha inay dadku ka daaleen siyaasada Rayaale ee muranka iyo is haysadka uun ku jirta  mudd adii ay dalka ka talinaysay, taas oo haatan khaati laga taagan yahay  dooras ho kolba dhinac loo dhigo, taas oo loo qaadan karo inay ka mideysan yihiin  xis biyada iyo Golayaashu dagaalka lagula jiro Xukuumadda Rayaale.


Dagaalkan siyaasadeed oo soo jiitamayey ilaa bishii May ee sannadkan ayaa u muuqda mid maanta ka duwan khilaafyadii dalka iyo dadka soo mari jiray sannadihii aynu soo dhaafnay, kuwaas oo ay inta badan guushu ku raaci  jirt ay madaxweyne Rayaale, xukuumaddiisa iyo xisbiga UDUB, balse maanta aad mooddo inay dhinacyadaasi guuleysan jiray uu maanta cadowgooda dhinaca siyaasaddu ka xoog badan yahay sidii hore, kana khatar badan yahay  maa nta, nin kasta oo Somalilander ah waxa welwel ku haya sidii loo badbaadin lahaa horumarkii la gaadhay 18 sannadood oo ay Somaliland jirtay ,mana  mu uqdaan tallaabooyin lagu furdaaminayo khilaafaadka jira, laakiin waxay u  mu uqataa inay xaaladu ka sii darayso,


Hase yeeshee waxa maanta ugu muhiimsan khilaafyada siyaasadeed ee dalka hadheeyey kuwa ay isku hayaan Xukuumadda madaxweyne Rayaale iyo  komi shanka Qaranka oo dhinac ah iyo goleyaasha Baarlamaanka, Guurtida iyo  xis biyada mucaaradka oo dhinac ah oo weliba ay weheliyaan hay'adaha  caala miga ah iyo dalalka deeq bixiyeyaasha ah

Akhriste maanta sidii xal looga gaadhi lahaa khilaafaadkan gaadhay heerki  u gu saraysay ayaa waxa beesha caalamku miiska madaxweyne rayaale u  saar tay shuruudo dhowr ah oo ay ka mid yihiin:-

1.Koomishanka Doorashooyinka oo wax laga bedelo
2.Haayada Interpeace oo la soo celiyo
3.Diiwaangalintii oo la dhaqan galiyo

Hadaba hadii ay qodobadaasi ka fulan dhinac madaxweyne Rayaale ayaa  wa xa furmaya xal u helida Khilaafaadka siyaasadeed ee daashaday shacabka ay ragaadiyeen Abaaraha iyo Sixir Bararka .

Xal u helida wejiga labaad ee khilaafaadka ayaa waxay noqon doonta mid ku xidhan Xukuumada,Mucaaaradka,iyo Golayaasha barlmaanka(Wakiilada iyo Guurtida)

Waxaa hubaal ah in aanay Doorasho qabsoomayn 27 sep hadii uu  madaxwey ne rayaale oofiyo shuuuradaha hor taagan wada hadalada dhinacyada isku maandhaafsan khilaafadka iyo hadii uu iska dhego maroba,waxana xaqiiq ah in doorashadu dib u dhacayso mar afraad  waxana muhiim ah in meel laysla dhigo sidii lagu gaadh lahaa doorasho xor iyo xalaal oo loo mudeeyo waqti da mbe iyo cidii wadanka gaadhsiin ahayd doorashada

Qodoba dhowr ah ayaa waxay sal u noqon donaan wada hadalada lagu kala firdaaminayo khilafaadka u dhexeeyea xukuumadaha madaxweye rayaale iyo xisbiyada muacaardka

waxana ka mid ah:-

1.In La Dhiso Dawlad wadaag ah oo ka kooban Xisbiyada Wadanka ka jira(Udub,Kulmiye Ucid)
2.In La Dhiso Dawalad ku meel gaadh ah oo ka kooban Aqoon yahan,Ganacsato iyo Culimo awdiin
ka madax banaan xisbiyada ka jira wadanka
3.In Loo garto in madaxweyne Rayaale u sii hayo inta laga gaadhayo Doorasho lo mudeeyo waqti cusub

Sadexda qodob ayaa waxay noqon doonaan kuwo ay kala doortaan shacabka reer somaliland ee hamuunta u qaba doorasho xor iyo xalaal ah oo ka  qabso onta Jamhuuriyada somaliland

Ugu dambayntiina guulaha siyaasadeed ee dhinacyada isku haya siyaasadda Somaliland ayaa u muuqda kuwa aan cidina wakhtigan ka macaashin,haddii aan si miyir qabta oo waddaninimo ah meel la iskula dhigin xaaladda  siyaasa deed ee kacsan meeshana laga saarin loollanka siyaasadeed ee waxyeelada u soo jiidi karaya Somaliland iyo ictiraafkeeda


iyada oo aad mooddo inay doorkan ku xidhan tahay tanaasul ka yimaadda  dh inaca xukuumadda si loo dejiyo ciilka iyo cadhada ku raagtay xisbiyada  muca aradka, taageerayaashooda shirguddoonka laba gole.

wa bilaahi tawfiiq

 

 

 Mohamed Hassan Xaleef
xaleev@hotmail.com