Falki musuq maasuqeedkii ugu foosha xumaa ee uu ku kacay duur
Waxaan salaamayaa bahda saaxafada ee qalbiga iyo maskaxda ka xorta
ah ,waxaana sa laamayaa muwadiiniinta Somaliland ee xumaanta neceb
una hiiliya wanaaga, salaantaa ka dib waxaan halkan ku soo
bandhigayaa dhacdadan aadka u foosha xun ee uu ku kacay Wasiirka Arimaha
Gudaha Mohamed Nuur Carrale ( Duur ) taas oo isugu jirta aqoon
dari iyo arxan la'aan iyo ku takrifal masuuliyadda balaadhan ee uu
u idmaday madaxwayne Ahmed Mohamed Siilaanyo.
Waxaynu wada
ogsoonahay baaladhka ay leedahay Wasaaradu iyo mashariicda hoos
ti maada, iyado ay waajib qaran tahay in looga faa'iideeyo muwaadin
kasta oo Somaliland er ah oo ku nool Lowyacado ila Ceelayo,waxaan
tusaale kooban uu soo qaadanaya mashr uucii JPLG,
oo ah (UN Joint Programme on Local Governance and Decentralised
Service D elivery ) .Waa mashruuc lagu horumarinayo Dawladaha
Hoose ,mashruucan oo ka bilaab ma y Somaliland waqtigii uu Wasiirka ka ahaa
wasaaradda Abdillahi Cirro laguna bilaabay lab a degmo oo keliya
lacagtii lagu bilaabayna ahayd boqolkun oo dollar hadda halka uu
m ash ruucu yahay mid ka hawlgala dhammaan dalka Somaliland oo dhan ,
sida uu u maamul ay Wasiirku Shaqaalaha ku sugan xafiiska Wasaarada
Wrimaha Gudaha oo xarunta laga maa mulo mashruucan ku wajahan
Somaliland oo dhan loona qoondeeyey 5
years soo so cda lacag dhan 10
Million Dollarka Mareykanka.
Waxa awood buuxda u leh mashruucan maamulkiisa Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ka ah
Committee Chair ,halka looga baahan yahay inuu u
maamulo short list iyo imtixaanaad la gu kala saaro ,halka uu hadda
Wasiirku ka dhigay eex iyo ku gufee waaynu ogsoonahay haddii uu
halkan ku sii socdo inuu xidhmayo oo ay u naafoobayaan muwaadiniintu.
Wuxuu u qabiyay Madaxi shaqalaha ee Mashruucan sidan hoose ku qoran
:
1-1-Said Mohamed oo mashruucan ka ah (JPLG Planning consultant) ahna
Wasiirka Seedi gii oo ay walala yihiin xaaska
Wasiirka Saacada
Mohamed kana soo jeeda ( reer Caynaan she ) .
2- 2- Intisar oo mashruucan ka ah (JPLG Peace Building) oo ay
Wasiirka Inadeerti ah (Muuse Cabdale).
3- 3- Nur Hussein oo ah JPLG consultant ( La Taliyaha
Wasiirka )
ahna Xoghaynta khaask a ah ee Gudoomiyaha Xsbiga Wadani
C/raxmaan cirro
oo ah (Muuse Cabdale).
Hadaba saddexdan qof oo ka soo jeeda Qurbajooga Somaliland ,waxan
odhan kara inuu Wasiirku u maamulay si dhafsiisan qof masuul ah ,oo damir
iyo xishood leh ,iyadoo boqol aal kun oo gurbajoog Somalilander ah ee
ku sugan yihiin wadanka gudihiisa miyaane la od han kara Wasiirku
wuxuu u maamulay si cadaalad darro ah oo aanay u sinayn dhamaan
muwaadininta Somaliland.
Waxaan filaya inay ku haboon tahay Wasirka tixdan Gabayga ah wuxuuna
aha :
-Waxba niman
lahaan jirin,
-hadi waaxid wax u u dhibo,
-ogobay wacdirihi hore,
-weli xasuustay.
Waxa jira Wasaarado faro badan oo musuq maasuq baahsan oo hadheeyay
qaybo wasa aradaha ka mid ah iyo mashariicda hoos yimaada oo aan
halkan lagu soo kobi karin.
Waxaan leeyahay akhristayasha haku niyadjabinina waxyaalaha dalka ka
jira ee dhabta ah: ,waxaana fariin u maraya Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Ahmed Silanyo
, oo odhan karo inuu
astaan uu u yahay la dagaalanka musuq maasuqa iyo maam ul xumida,
waxaan mahad naq u diraya Madaxweynaha wax qabadka dhabta ah ee ka jira
dalka ,waxaan leeyahay inta dhiman waxa lagu dhamays tiri kara in la
tirtiro musuq maas uqa qabyalada huwan iyo mamuul xumida lana tayeeyo
hayadaha dawliga ah.
Waxaan diginin culus u diraya Hayadaha Dawliga iyo kuwa madax banaan
ee ku sugan Somaliland inuu dhamaaday wakhtigi masuq masuuqa ee
dalkan somaliland maaqaalkan iyo qaar kaleba ee la midka ah inaanu
uu soo bandhigi doono sida ay ka mid yihiin (world Bank Somaliland Business
Fund) oo mad madow badan ku jiro, waxaan uga digaya dadka
beenta iyo qabiilka ku guul wadaya inan maaqalkan u fahmin qabayalad
aanay ku jirin, wa xaana ka soo jeeda beesha guud ee Wasiirka .
Waa bilaahi tawfiq
khadar idriis cabdiraxmaan
khadar338@hotmail.com
|