Fanaanada Caanka ah ee Faadumo Haldhaa oo sheegtay in ay ka baxday Badweynta Fanka

 


Fanaanada caanka ah ee Faadumo Cali Cilmi (Faadumo Haldhaa), ayaa la sheegay inay gebi ahaanba ka baxday badweynta fanka oo ay u diga-rogatay barashada iyo ku dhaqanka diinta Islaamka.

Fanaanada Faadumo-Haldhaa oo ahayd fanaanad cod macaan oo ay inta badan Soomaalidu heesaheeda xiisayso, waxa la sheegay inay ka guurtay magaalada London oo ay hore u daganayd, una guurtay magaalada Barakaysan ee Makkah Al Mukaramah, halkaas oo ay uga dhawaatay barashada diinta Islaamka.

Dad xog-ogaal ah oo ku dhow dhow Faadumo Haldhaa ayaa u sheegay wargeyska Geeska oo ka soo baxa Hargeysa in fanaanadu mudooyinkii u dambaysay ka niyad-jabsanayd hawsha fanka ee ay mudada dheer ku dhex-jirtay.

Faadumo waxa ay fanka ku biirtay sanadkii 1975-kii, xilligaas oo ay qaaday heeso tiro badan oo ku saabsanaa gobonimo-doonkii wadanka Jabuuti.

Sidoo kalena waxay ka qayb-gashay riwaayado caan ah oo dalkii Soomaaliya lagu dhigay, kuwaas oo ay ka mid ahayd riwaayadii (Masiibadu Aduunyada iyadaa u macalin ah) oo uu alifay Abwaan Xasan Xaaji Cabdilaahi (Xasan Ganey).

Waxaanay riwaayadaas kaga jirtay kaalin muhiim ah iyada oo difaacaysay dhaqanka Soomaalida ee salka ku haya diinta Islaamka.

Faadumo Haldhaa iyo Cadar Axmed Kaahin ayaa riwaayadaas metelayay dhaqanka hablaha Soomaaliyeed, halka ay Kinsi Xaaji Aadan iyo Khadiija Hiiraan metelayeen kaalinta ilbaxnimada iyo dhaqanka casriga ah.

Faadumo Haldhaa waxa ay magaca Haldhaa kula baxday qaybta ay ku leedahay heestan ay riwaayadaas ku difaacaysay dhaqanka haweenka Soomaalida iyada oo ay odhanayso:

Haldhaa baa lay yidhaa
Heensihii baan weli sitaa
Hiddii lay wada yiqiin
Asluubtii hooyaday
Hormood baan dhaqan u ahay
Inaan hirgashaan jeclahay
Huf iyo been kuma lug go’o
Hirkaa qaawanida dhalay
In lagu hogtaan ogahay
Habowdaye waxaan ku idhi
Hugaaga iyo kaan xidhnahay
Labada kee haybad wacan
Hilbana keenee asturan

Heesaha kale ee ay ku luuqayso waxa ka mid ah;
Xidhmadan ubaxa ah xabiibi gudoon
Qalbigayga xogtiisa xabiibi gudoon
Iyo waliba heeso kale oo tiro badan.

Faadumo waxa ay hadda sida sawirka ka muuqata qaadatay xijaabka diinta Islaamku ku waajibisay haweenka muslimiinta, si ay isu asturaan.

Fanaanada Qamar Cabdilaahi Harawo ayaa iyaduna hore uga baxday badweyntii fanka oo u noqotay diinta Islaamka.
 

 


Xigasho :Geeska