Fanaanka Caanka Ah Ee Fu,aad Cumar-Yare Oo Maanta Si diira n Loogu Soo Dhaweeyey Gobolka Gabiley Iyo Kormeer Uu Ku soo marey Jaamacadda Tima-Ade University

 



Fanaanka Ayaa waxaa duleedka magaalada Gabiley kaga hortagay qaar Kamida xildhibaanada Golaha deegaanka gabiley ..... Daawo Sawiradda


Gabiley(TNN) Fanaanka Caanka Ah Ee Fu,Aad Cumar-Yare ayaa Maanta Sidiiran Loogu Soo Dhawee yey Gobolka Gabiley, sidoo kalena waxaUu Fanaanku Indho-indhayn Kusoo sameeyey Qaybaha kal aduwan Ee Ayka Koobantahay JaamacadaTimacade University.

Fanaanka Ayaa waxaa duleedka magaalada Gabiley kaga hortagay qaar Kamida xildhibaanada Gola ha deegaanka gabiley, baabuur iyo dadwayne Aad U tiro Badan Kuwaas oo Ugu Dambayntii Iskug usoo Biyo shubtay xarunta dawlada Hoose ee Degmeda gabiley Halkaasi Oo uu Ku Qaabilay maay arka degmeda gabiley Md: Shucayb Maxamed Muuse.

Ugu horeyn waxaa halkaasi ka Hadley maayarka magaalada gabiley shucayb maxamed muuse wax aanu sidiiran usoo dhaweeyey fanaanka Caanka ah ee reer Somaliland fu,aad cumar yare waxaa nu hadaladii Maayerka ka mid ahaa “ maanta waxaa farxad noo ah hadaanu nahay bulshada gobo lka gabiley ,ina fanaanka caanka ah ee reer Somaliland Fu,aad cumar yare oo booqasho ku yimid g obolka gabiley aad iyo aad baan u soo dhaweyneynaa, fanaankaa qaaliga ah. Waxaynu oganahay inuu yahay fanaanka kaliya ee gobolada dalka oo dhan kormeerku soo Marey , ee ku soo dhiiradey inuu dalkiisiiyimaado, fanaaniinta kalena waxaanu ugu baaqyaa inay ku deydaan faanaankaa qaali ga ah“ Ayuu yidhi.

Sidoo kale waxaan halkaasi ka Hadley fanaanka caanka ah ee reer Somaliland fu,aad cumar yare, waxaanu u mahad celiyey dhamaan dadweyanah ku dhaqan gobolka gabiley, sida diiran ee ay u soo dhaweeyeen fanaanka waxaanu yidhi “ runtii waxaad ogaaneysaa inaad qof jir tahay markaad timaado dalkaaga hooyo,maanta run ahaantii waxaan dareemayaa farxad aad u balaadhan oo qiime gaar ah ii leh , sida qurux badan ee sharafta leh ee aad iisoo dhaweyseen, maah mid aan ku cabiri karo hadal ama erey ,waxaan inoo rajaynayaa barwaaqo iyo hurumar. Waa inaad ku dadaas haan nabadaa aynu ku caano maalney, dhalinyaradu ay ku dadaalaan sidii ay wadanka u horuma rin lahaayeen oo ay ka fogaadaan qabyaalada“ Ayuu Yidhi fu,aad Cumar-Yare.

Intaasi ka dib gudoomiyaha Ardeyda jamacada Tima-ade iyo fanaanku waxay kormeer indho indha yna kusoo mareen qaybaha kala duwan ee ay jaamacada Tima-ade ka kooban tahay , waxaanu m id-mid u galey hoolalaka jaamacada iyo Leybareeliyada, waxaanu kulan la qaatey gudoomiyaha ar deyada jaamacada Axmed geedi khaliif oo ay weheliyaan qaar ka mid ah ardeyda jaamacada Tima-ade university, waxaanu fanaanka iyo gudoomiyaha ardeydu baaqu direy jaaliyadaha somaliland ee ku dhaqan wadamada qurbaha, inay ka qayb qaataan horumarin laxaad leh oo ay ku sameeya an jaamacada Tima-ade ee Gobolka gabiley.

 

 


C/raxmaan xaaji
Timacade News Desk
Gabiley ,Somaliland