Farmaajo Xaq ma u leeyahay inuu ka hadlo 26ka June, wa ajibse ma ku tahay inuu barto  taariikhda Somaliland ?

 


Waxaan filayaa in dad badani ay daawadeen xafladdii 26-ka June lagu qabtay  Aqalka dowl adda Hoose ee Muqdisho oo ahayd munaasabad lagu xusayay sanad guuradii 57-aad ee ka soo wareegtay maalintii Somaliland xoriyadda ka qaateen maxmiyaddii ingiriiska,  xafladdaa s oo  aniga iigu muuqatay Dhalanteed iyo RIWAAYAD la jilayey oo looga dan lahaa keliya sheegasho inay Somaliland ka mid tahay Federaalka Somalia.
 
Haddaba Farmaajo ayaa goobtaa  ka soo jeediyey  khudbad  uu waraaq ka akriyayey oo a y u soo malmalluuqeen rag aan aqoon durgusan u lahayn taariikhdii halgankii xorriyadd a S o maliland. Walow Farmaajo  uu tahli kari waayey inuu si fiican u kiciyo magacyada haldoor kii u soo kifaaxay madaxbannaanida Somaliland oo sidii qof Ajanebi ah uu u higgadinayey (oo aad mooddo GUDH-DHUU).
 
Dhacdadani waxay i soo xusuusisay taariikhdii 1980kii AASKII QARAN ee loo sameeya y Mu use Xaaji Ismaaciil Galaal (AHN),  iyo wixii kala qabsaday Abwaan Ali Sugulle Cigaal " Dun-carbeed" (AHN) iyo Siyaad Barre. 
 
Siyaad Barre ayuun baa damcay in uu xabaasha dusheedii ka  khudbadeeyo,Cali Sugulle ay uun baa ciil is hayn kari waayey oo yidhi "ukaadi ukaadi Madaxweyne Muuse Galaal maad aqoonne,  ninkaad taqaan baa laga khudbadeeyaaye kan anaa aqaan oo ka khudbadaynay e'e!”.  Dabadeed Abawaan Cali Sugulle intuu Siyaad Barre is agtaagay ayuu tiriyey Gabay gii caanka noqday,  oo haddii aan tuduc ka mid ah soo qaato wuxu yidhi
 
"Goldalooladeennii kuwii, kula gufeyn waayey
Ee nolosha kugu gabay ayaa, taagan goonyaha
Markaad guurtay bay leeyihiin, ina galaalow
".
 
Haddaba waxay ahayd ninkan AKAAKADA ah ee Cabdi Xaashi (gudoomiyaha Maqaar Saa rka ah ee qalka Sare ee Somalia) inuu Farmaajo ku yidhaahdo "waar ka baydh adigu 26ka June ma taqaanide,  1da July  ka khudbadee anigaa tan ka khudbadeynaye"e.  Xiniinyo la isma dhibaadsho, ragga ka soo jeeda Somaliland ee u shaqa tegay Somalia waa rag bahdii laga saaray oo dadnimo iyo damiirba aan lahayn.
 
Waxa ay ila tahay in Farmaajo aanu xaq u lahayn ka hadalka halgankii Xorriyaddoonka So maliland, taariikhdaana aanay waajib-ba ku ahayn inuu barto iyo inuu ka sheekeeyo, balse doorka keliya ee uga bannaanaani ay tahay keliya in uu HAMBALYO u diro  Shacbiga iyo da wladda Somaliland si la mid ah sida uu u tahniyadeeyo  27ka June ee Xorriyadda Dalka Dja bouti.
 

 


Wa billaahi tawfiiq

 

 
Qalinkii Cali Xaruuri