Faro-weyne: Taliyaha Ciidanka Qaranka oo waxgaradka degmadaasi ka gudoomay deeq xoolo ah

 

 



Hargeysa (TNN)- Taliyaha Ciidanka Qaranka ee Jamhuuriyda Somaliland General Ismaaciil Maxa med Cismaan (Shaqale), ayaa shalay ka Gudoomay Maamulka iyo Waxgaradka degmada Fara-Weyne deeq Xoolo ah oo ay ugu talo galeen Ciidanka Qaranka.

Deeqdan Xoolaha ah oo ka koobnayd Boqol iyo Shan iyo konton neef oo Xoolo ah taas oo lagu qabtay Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka waxaana Gudoonsiintii deeqdan Xoolaha ah ka hadla y Gudoomiyaha degmada Faraweyne Maxamed Maxamud Shabeel iyo Ku simaha Gudoomiyaha Gobolka Maroodijeex isla markaana ah Gudoomiye ku xigeenka gobolka Rashiid Axmed Maxam ed oo tilmaamay in deeqdani ka turjumayso sida ay bulshada ku nool degmada faraweyne ay uga go’an tahay inay garab istaagaan Ciidamada Qaranka oo hawl Culus u haya Qaranka iya goo intaas ku daray inay waajib tahay sidii mar walba maanka loogu hayn lahaa Ciidamada Qa ranka.

Taliyaha Ciidanka Qaranka Gen. Ismaaciil Maxamed Cismaan (Shaqale) ayaa uga mahadceliyay maamulka iyo waxgaradka degmada Faraweyne xoolahan ay ugu talo galeen Ciidanka Qaranka isagoo balan qaaday inay gaadhsiin doonaan ciidamada qaranka ee heeganka u ah difaacida dalkooda hooyo, Taliyuhu waxa uu sheegay in deeqdani aanay ahayn tii u horaysay ee ka soo gaadha deegaamada kala duwan ee Somaliland isagoo intaas ku daray in meelaha ay Kaalmoo yinku ka soo gaadheen ay ka mid tahay Qori Lugud,Caynabo,Allay-baday,Sabo -wanaag, iyo fara-weyne.
 

 


source:so