Fashilaada xisbiga UDUB iyo xaaladaha murugsan

 


Dhinaca uu u talaabsadaaba boholo xargagan oo aan cidina ku tukhaan tuk hin ayuu ku hubuq yidhaa,guntana ugu dhacaa, dabeeto dhawaaq gubaya dhegaha shacabka ayuu afka ooda kaga qaadaa,una soo dhiibaa ninka aan wax badanba dalka ku noolayn ee ka soo hayaamay dalka Jabuuti,looguna yeedho Jug-soo-dh acay oo qaab beelaysan loogu tuuray jago aanu tamar u hayn, ahna Xoghayaha xisbiga UDUB.

Dhawaan ayay ahayd markuu Afhayeenka madaxtooyadu ku turun-turooday  x og dhab ah oo uu soo bandhigay wargeyska Geeska Afrika ummada ugu  sheega y been iyo wax aan jirin,lana xidhiidha safarka uu safiirka Masar u fadhiya dalka
Somaliya ku yimi dalkan Somaliland.

Waxa caddaatay oo sida cadceeda markhaatiga u furay Safiirka ka socday  dawl adda Masar kadib markuu Riyaale oo soo fadhiya oo miyirkiisa qaba ku yidhi " I ga gudoon hadiyad yar oo aan u sido walaalahayga shacabka Somaliyeed,ugana sido shacabka Masar."Hadaba mucaawinadii ka koobnayd kista yar ee daqiiqda iyo salida ah.

Hadana mar labaad cadeeyay isagoo cadho ku jirto mar ay saxaafadu waraysat ay kuna jawaabay "Anigu waxa aan ahay Safiirka Masar u fadhiya Somaliya, um ana kala saarayno koonfur iyo waqooyi walaalahayaga Somaliyeed."

Waxa ka garab hadlay,intuu soo baraarugay goor xeedho iyo fandhaal kala  dha cay oo shirkiiba lagu kala tegay isagoo ah wasiir ku xigeenka wasaaradda  arrim aha dibadda oo xil ka saarnaa wasaaradiisa qaabilaadda safiirka Masar ayuu  aa yar iska yidhi " Horta anigu maba ogayne waxba kuma jabna  hadalka uu safiirka Masar yidhi oo mabdaii dawladiisa ayuun buu sheegay." Waa kuwaa masuuliyiint a xilka ummada u haysaa. Ma inay dalka daka u doodaan ayaa xaq loogu  leeya hay ooy xilka u hayaan, mise inay u doodaan aragtida dawladahu ka qabaan  dal kan Somaliland?

Timir laf ayaa ku jirta ayay Somalilandersku ku maamaahaan.

Dawladdu waxa ka muuqda inay ku garab taagantahay aragtida uu ka  dhawaaj iyay isagoo madaxtooyada Somaliland ku sugan,ahna,dawladda Masar  walaalah ooda Somaliyeed uma kala qaadayso koonfur iyo waqooyi. Hadii aanay dawladda Somaliland sidaa aanay kala mid ahayn mar hore ayaa sawaxankooda iyo qayla dooda caruurtu dugsiyada ka soo dareeri lahaayeen,caddayna lahaayeen,kuna  odhan lahaayeen Safiirkan carbeed ee ka wakiilka ah dawladda Masar ee albaab kasta ka soo xidhay in la aqoonsado Somaliland waar Somaliland wa dal gooni ah oo iskii u madax banaan ee mashruucan aad waddo ee midnimada Somaliya  kuu na soo dhiibtay dawladaadu raalli kama nahin,mana aqbalayno ee dalkayaga isk aga joog oo booqo meelaha kale ee kuugu jira mashruuciina,kana midyihiin  gobol ada aad u aragtaan inay nabadi ka jirto ee ka tirsan arrimahan aad u socoto  mi dnimada Somaliya.

Hadaan tilmaamo ka bixiyo arrimaha kale ee fashilaada xisbiga UDUB
iyo xaaladaha murugsan waxa kaaga filan:

Doorashadan noqotay mashruucii faanoole.

Goboladan beelaysan ee dalku la ciirciirayo.

Fulinta iibinta dhulka danta guud ee kaampaynka loogu talo galay.

Inqilaabkii fashilmay ee baarlamanka lagu qaaday.

Kordhintii sannadka ahaa ee guurtida la hor dhigay..

Dilkii isdaba joogga ahaa ee dhalinta banaanbaxyada loo adeegsaday

ciidamada qaranka iyo booliiska qaranka.

Eedaynta ay dawladdu ku sheegtay inay Al shabaab joogto Somaliland.

Dhagax-dhigidii warshadaha berbera oo dabayl noqday.

Beddelaadii lacagta Somalia ee gobolada bariga ka socota oo hawo noqotay.

Ka aamuska lacagta Ethopia ee ka socota gobolka Awdal oo carr yaa ku dhaca noqotay.

Eedaynta suxufiyiinta madaxbanaan hadii ay runta sheegaan.

Cabudhinta xorayatul- qawlka.

Ololaha cusub ee lagu shaambadaynayo xisbiyada mucaaridka ahi inay yihiin cadaw sokeeye.

Soo dhowaynta shirarka lagu shirqoolayo gooni isu taaga Somaliland,sida ku wa ay wadaan WORLD BANK,IGAD iyo shirka ka socda mombasa ee 3da  hay'ado od warbixinta u gudbiyeen (Hay'ad Somaliland ah ayaa ka mid ah).


Iyo......iyo...iyo

maanta halkaa haynoo joogta balse ummada Somaliland waxa ku waajib ah inay aayaheeda si miyir qabta uga fiirsato,iskana jirto talaabooyinka sirgacan oo la gu minjoxaabinayo jiritaanka iyo gooni isu taagga Somaliland.

Fashilaadaa xisbiga UDUB iyo xaaladaha murugsan halis ayay u yihiin xoojinta  mi dnimada,qabsoomida doorashada,horumarka iyo gooni isu taagga Somaliland.
 


Somaliland Guul

 



Xuseen Badmaax

Germany