Gud.X.UCID, Oo Ugu
Baaqay Saxaafada Somaliland in ay u
midoobaan cadawga Somaliland
Gudoomiyaha xisbiga UCID mudane
Faysal Cali Waraabe ayaa maanta la hadlay saxaafda Somaliland isga
oo jooga magaalada Hargaysa ee caasimada Somaliland, gudoomiyuhu
waxa uu saxaafada Somaliland ugu baaqay in ay muujiyaan midnimo iyo
wada jir isla markaasna ay dhinac uga soo wada jeedsadaan difaacida
iyo hirgalinta Somaliland.
Waxa uu gudoomiye Faysal Cali Waraabe uu ku baaqay in saxaafadu
muujiso muwaadiinimo iyo horumar isaga oo ku booriyay ama u sheegay
saxaafadu in ay ka hortagaan wararka xunka ah ee ay faafinayaan
cadawga Somaliland kuwaasi oo uu ku sheegay qar faafinaaya xumaan
iyo warar been ah oo aan sal iyo raad toona lahayn,
Gudoomiyaha xisbiga UCID, waxa uu aad u weeraray madaxa laanta afka
Somaliga ee BBC,waxa aanu ku tilmaamay isaga iyo qaar ka mid ah
shaqaalahiisa kuwo cadaw u aha Somaliland isla markaasna ay ku
jiraan ururo ku lid ah gooni isu taaga Somaliland, sidaas awgeed
waxa uu gudoomiyahu uu saxaafda Somaliland uu ku booriyay in ay u
midoobaan cadawga dalkooda iyo dadkoodal, oo meel looga soo wada
jeedsado, kulankaasi uu maanta gudoomiye Faysal Cali Waraabe u
qabtay saxaafada Somaliland isaga oo dhamaystiran waxa aan idiinku
soo gudbin doonaan wararkeena danbe.
Dhanka kalena xafladii loo qaban lahaa C/raxmaan Aw Cali Iyo Ibrahim
Dhagaweyne ayaa todobaadka danbe dib loogu riixay taasi oo
xafladaasi lagu waday in ay maanta qabsoonto dib loo dhigay,dad ku
dhow dhowC/raxamaan Aw Cali iyo Ibrahim Dhagaweyne oo maanta
Hargaysa ugu waramay shabakada qarannews ayaa u xaqiijiyay in
labadaas masuul ay ku guda jiraan sidii ay daboolka uga qaadi
lahaayeen ku dhawaaqida ku biirista xisbiga UCID, taadi oo la
saadaalinaayo Arbacda fooda inagu soo haysa in ay dhacdo xaflada ay
qaban doonaan xisbiga UCID.
Source Qarannews
|