Faysal Cali Waraabe Oo Sheegay Inuu Isku Taagayo Mar Sad dexaad Musharaxnimada Jagada Madaxweynaha, Eedana U Soo Jeediyey Guddoomiyaha Wakiilada

 

 


“C/Raxmaan Ciro Iska Daa Beeshiisee Waxa Daraadii Xisbiga Uga Cararay Rag Badan Oo Hore Iila Socday Oo Way Naga Wada Yaaceen Oo UDUB Ayey Galeen”

Hargeysa, September 13, 2011 (TNN) – Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay inuu mar saddexaad isku taagayo musharaxnimada Jagada Madaxweynenimo ee doorashada soo socota, haddii xisbigiisu ka soo gudbo doorashada golaha deegaanka ee socota.

Faysal Cali Waraabe ayaa waxa uu sidoo kale eedo u jeediyey Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro), oo uu sheegay inuu isagu siyaasada ku soo daray, isla markaana uu isagu ku khasbay inuu iska sharaxo xarunta gobolka Saaxil ee Berbera doorashadii Golaha Wakiilada ee 2005-tii ka dhacday dalka.

Guddoomiyaha UCID waxa uu ku dooday inuu xisbigiisa ku kaliyeytay, balse ay hagradeen Maayar ku xigeenka golaha deegaanka Hargeysa Maxamed C/laahi Uur-cade iyo guddoomiyaha wakiiladu C/raxmaan Maxamed C/laahi (Ciro).

Eng. Faysal Cali Waraabe waxa uu sidaas ku sheegay mar uu xalay u waramayey Horn Cable Tv, isaga oo ku sugan Hargeysa, ugu horayna isaga oo ka hadlaya hamigiisa siyaasadeed iyo waxa uu damacsan yahay, waxa uu yidhi “Anigu himiladii aan siyaasada u galay baahidii wali way taagan tahay, markaa maadaama oo aan dalkeeniina la aqoonsan, waxaan diyaar u ahay inaan Mustaqbalka dadkayga aan taladiisa wax ku yeesho. Maaha in nala simo aniga iyo Madaxwayne Siilaanyo iyo Rayaale, waxaanu nahay kala jaad, nimankaasi waa kuwaa Goals-koodii gaadhay, waana nimankaas mid 8 sano joogay iyo mid sanadkii labaad u soo galayo eh, markaa anigu wali himiladaydii maan gaadhin. Hadaan laakiin arko qof himiladaydii gaadhsiinaya halkaan rabo oo Somaliland ku xukumaya Kitaabka Ilaahay iyo Sunaha Rasuulka markaa himilaydii ayaa ii hirgalaysa, markaa arintaasi waxay ku xidhan tahay dadka shirka yimaada hadii ay i yidhaahdaan naso anigaaba nasasho u baahan”.

Guddoomiyaha UCID Faysal Cali Xuseen isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Hadii fulinta xisbigu is-qabsato waxa kala saaraya golaha dhexe ee xisbiga, markaa waxa weeyi waa sharci daro in Awood dawladeed in la yidhaahdo xisbi ku burburiya waxay noqonaysaa arin aan la qaadan Karin, Arintoodu markaa waxa ay ahayd gardaro garab og, imikana waxaan diyaar u ahay inaan Maxkamad ku furo”.

Eng. Faysal Cali Waraabe mar uu ka hadlayey sababta uu dalka u yimid, isla markaana ku kaliftay inuu siyaasada galo, waxa uu yidhi “Waxaan caruurtaydii uga imid oo Jaamacadii aan galay aan uga imid waxa aan arkay inuu wadanku ii baahan jiil cusub oo fakir cusub ku soo kordhiya oo qabyaalada ka saara. C/raxmaan iyo Qayrkii inay fikirkayga fidiyaan oo halka aan keenay ka qaadaan way fiicnayd, C/raxmaan Ciro waxaan u soo kaxeeyey horta nin siyaasi ah muu ahayn oo wuxuu ahaa nin baayac-mushtarka ku wanaagsan oo Camuum ayaa la odhan jiray, markii aan xisbiga furtay ayuu isaguna imid waxaanu furtay Travel Agency, markii danbe-na waxa uu furtay shirkadda Al-khayriyaad oo ah meel ganacsi, markii danbe anigaa ku khasbay inuu Berbera iska sharaxo. Anigoon cid-na kala tashan xataa isaga aanan kala tashan ayaan ka dhigay Guddoomiyaha Baarlamaanka oo aanu qabsanay Somaliland oo dhan. Waxaan siiyey jaanis fiican oo anaguna aanu Madaxwayne-nimada ku gaadhi karno, C/raxmaan waxa aanu ku guuldaraystay inuu keeno dad xisbigii Taageera, isla markaana uu keeno beeshiisii. C/raxmaan Ciro iska daa Beeshiisee waxa uu daraadii xisbiga uga cararay rag badan oo hore iila socday oo way naga wada yaaceen oo UDUB ayey galeen”.

Eng. Faysal Cali Waraabe mar uu ka hadlayey Maayar ku xigeenka iyo gudodomiyaha Baarlamaanka, waxa uu yidhi “Maayar ku xigeenka Caasimadda Hargeysa Maxamed Uur-Cade hadii uu keeni lahaa reer Hargeysa oo uu Abtiyaashay keeni lahaa, C/raxmaan Ciro-na iska Burco’e uu Go’da keeni lahaa waanu guulaysan lahayn, Xaqiiqdii xisbiga waan ku kaliyeystay”.

Dhinaca kale gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa badhtamihii bishii November 2009-kii waraysi uu wariye Axmed Xasan Cawke kaga qaaday Tv-ga Universal saddexdoodii musharax eek u tartamay doorashadii madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay 26-kii June 2010-kii, ayuu Faysal Cali Waraabe waraysiga xilligaasi ku cadeeyay in aanu mar saddexaad isku soo taagi doonin musharaxnimada jagada Madaxweynaha haddii doorashada lagaga guulaysto, hase yeeshee sheegay inaanu wareejin doonin jagada gudoomiyaha xisbiga Ucid, oo uu ku tilmaamay in xisbigu yahay ilmo yar oo barbarian ubaahan, waxana ka mid ahaa hadaladiisii wakhtigaasi “Haddii markan labaad doorashada madaxtooyada soo socota aan ku soo bixi waayo mar saddexaad iskuma soo taagayo inaan isku soo sharaxo doorashada madaxtooyada, balse gudoomiyaha xisbiga Ucid ayaan ahaanayaa oo xisbigu waa sidii ilmo yar oo barbarin u baahan, oo tacabna u baahan”

Hase yeeshee gudoomiyaha Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa isagu shalay shirjaraa’id oo uu ku qabtay Hargeysa ku cadeeyay inuu mar saddexaad isku soo taagi doono musharaxnimada jagada Madaxweynaha dalka”

Si kastaba ha ahaatee ilaa hada si cad looma oga asbaabta keentay in gudoomiyaha Ucid mawqifkiisii uu xilligaasi ku dhawaaqay waxyaalaha ka badalay iyo arrimaha keenay inuu labadaa hadal ee faraqa weyni u dhexeeyo afkiisa ay ka soo baxaan.

 

Source:Haatuf