Faysal Cali-waraabe oo Shaaca ka Qaaday in Daw ladda Jappan Somaliland ugu Deeqayso 4  Million Dollar

 

Hargeysa (Longlivesomaliland News)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa shaaca ka qaaday in dawladda  Jap pan ay ka mid noqotay dalalka tirada yar ee caawimada siiya, isla makraana ballanqaaday inay Somaliland siiso lacag dhan afar million oo Doollarka  Maray kanka, taas oo lagu horumarinayo dhinaca waxbarashada.

Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali-waraabe oo shalay shirjaraa’id ku  qabt ay qolka nasashada ee Madaarka Hargeysa, kadib markii uu ka soo laabtay socdaal muddo toddobaad ah uu ugu maqnaa dalalka Kiiniya iyo Itoobiya, ku waas oo uu kulamo uu sheegay inuu kula soo yeeshay in ka badan toban  sa fiir oo dalalkaas u fadhiya qaar ka mid ah waddamada dhaqaalaha bixiya iyo sidoo kale qaar ka mid ah hay’adaha caalamiga ah ee caawimooyinka loo soo dhiibo. Waxaannu tilmaamay in wax badan oo dunidu la qaban karto  Somalil and ay kaga dhigan tahay doorashadeeda iyo nidaamka ay u dhaqanto.

Md. Faysal Cali-waraabe waxa uu sheegay in sababta uu u tagay dalalkaasi ay ahayd si uu ugu soo xogwaramo saaxiibada Somaliland ee ka taageera  do orashooyinka iyo dimuqraadiyadda, isla markaana faahfaahin ka siiiyo  hawla ha u diyaar garowga doorashada iyo hirgelinta heshiiskii lagu soo afjaray  mu rankii siyaasadeed.

“Waxaan uga waramay sida ay nooga go’an tahay inaan dadkii wax u qabano iyo sidii loo hirgelin heshiiskii ka koobnaa lixda qodob iyo inaanu imika diyaar u nahay in shacbi, Axsaabta iyo Golayaasha-ba ay diyaar u yihiin inay noo  dha cdo doorasho wanaagsan oo ku saleysan lixda qodob ee aanu ku heshiinay iyo dalku waxa uu maanta u baahan yahay ee gacan ah, adduunku cidina  ina gamay caawin oo waxa ku dhacay dhaqaale burbur,” ayuu yidhi Md. Faysal Cali, waxaannu intaa ku daray, “Innaga [Somaliland] waatii xoolihii la inagala wareejiyey ee ay naga wareegeen, waatii dhalinyarteenu tahriibtay, waxaas odhan waxay u baahan tahay in gacan laga geysto, dhinaca budhcad-badeeda oo ilaa hada waddankeenu ka nabadqabo sidii gacan loo siin lahaa ciiidamadeena badda oo aan wadankii maanta keligood lagu halayn oo  adduu nku sida uu maanta wax u wada qabtay annaga wax layna taro ayaan u tag nay.”

Eng. Faysal Cali-waraabe waxa uu sheegay inuu dalalkaas kula soo kulamy  il aa toban safiir iyo saddex ka mid ah hay’adaha caalamiga ah, kuwaas oo  ni yad-wanaag u muujiyey.

“Ilaa toban safaradood oo ka wakiilla toban wadan iyo saddex hay’adood oo kala ah USAID-ka, Dhifidh oo hay’ad Ingiriis ah iyo SIDDA oo Sweden ah  aya an la kulmay, waxaanan kala soo kulmay niyad wanaagsan, laakiin wax badan inaga ayey inagu xidhan yihiin, waa in aynu doorashadeena qabano, waa in la dhisaa dawlad tayo leh.

Wadamadii hore ee ina caawin jiray waxa ku soo biiray Wadanka Jappan oo Safiirka Jappan waanu is aragnay oo waxay doonayaan inay tacliinta wax ka qabtaan oo ilaa afar million oo Dollar ayey ku soo shubayaan UNICEF, markaa aniguna waxaan kula taliyey inay dhisaan Iskuulkii Farsamada Gacanta  [Tech nical School], maadama ay maanta iskuuladeeni wada Secondary yihiin, wax aana inoo imanaya Safiir-ku-xigeenka, waxa kale oo iyana jirta dawladda  Ma sar oo iyana raashin soo direysa bishan aakhirkeeda, dawlada Switzerland oo soo direysa Safiir oo doonaysa inay wadanka wax gashato oo ay wax tarto,” ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID.

“Waxa kale oo aan la kulmay Safaarada Faransiiska ee Addis Ababa ku taala, waxa iyaguna noo sheegeen in hadda gacan weyn lagu hayo sidii ay u dhisi lahaayeen jidka Berbera oo ay hadda EU-du xoog galinayso, waxaasina waxay dhici doonaan doorashada ka bacdi, Jarmalku waxa ay ii sheegeen inay arrinta Somaliland miiska taalo Brushless [xarunta Midowga Yurub) sidii looga hadli lahaa ee loo beddeli lahaa mowqifkii hore, markaa wax badan oo khayr ah ayaa inoo soo laad-laada, waxaanay ku xidhan tahay doorasho iyo in aynu dawlad tayo leh sameynsano,” ayuu hadalkiisa ku soo gebogabeeyey Guddoomiye Faysal Cali-waraabe.






Source: Jamhuuriya Online