Fidmada iyo dhibaatada soomaliland ka taagan wa xa horseed u ah RAYAALE IYO SIILAANAYO

Ramadan kariim aakhristow meelwaloo ad joogtaba waxaynu hadda ku guda ji rnaa tobankii cisho ee soonka ugu danbeyay, oo runtii ah maalmihii kheyrka iyo ducadu badaneyd, waa maalmihii qofwaliba weydiisanaya ilaahey inuu u danbi dhaafa siiyo, waa maalmihii samada iyo aradkuba furnaayen ee naxariista alle soo dagi jirtay, maaha maalin aynu dagaal iyo difaac galnoo waa maalin toobada la badiyo.

Haddii an u soo noqdo qoraalkeygan iyo ujeedada uu xanbaarsanyahay, waxay tahay oo an rabaa inaan bal isku dayo inaan mashaqadan dhacday iyo sida ay wax u socdan u yar iftiimiyo dhamaan bulshada soomaliland ee nabad jecl, runtii mashaqadan dhacday waa mid maalintaasi ilaahey qadaray in ay sidaasi wax u dhacan runtiina lamana odhan karo maxay sidaasi wax ugu dhaceen o waaba danbi weyn in su'aashaasi timaado, waxwalba qadarka alle ayey ku yimaadan.

Islamarka ey sidaasi waxa u dhacan waxa mudan marwalba in laga hortaago in aaney mar labaad mashaqadaasi oo kale soo noqoto lana soo afjaro.

Waxan haddaba aakhristow marka hore aad u bogaadinaya uguna  mahadnaqa yaa odayaasha, salaadinta, culumaaudinka, gancasatada iyo ururada baaqyada nabadgaliyada soo diraya, iyo ashkhaasta qoraalada ku muujinaya dareenkood jasaal alluhu kheyr.

Waxan odhan laha gudiyada doonaya in ey hor ilaahey ugalan dhexdhexaadinta in ey marka hore iyagu midooban inta anay dhexdhexaani rasmiya galin oo ey wada tashi sameyan iyo habka loo galayo dhexdhexaadinta waa in ey isku aragti ka yeesha go'aamada ey soo saaran doonan iskuna duubanadaan, waa iney afdi ka qaadan dhinceyda is haya o ay ogolaansho buuxda ka heystan dhamaantood cid ay khuseyso khilaafku.

Ugu horeyn sida aynu ula wada socono maanta waxa ku loolamaya ama ku  hirda maya doorashada madaxweynenimada JSl sadex xisbi qaran ee ah UDUB UCID, i yo Kulmiye, kuwaaso doonaya inuu midba midka kala ka guuleysto kuna  guuleys to doorasho xaal ah.

haddaba an hoos ugu dhaadhaco ragga ku loolamaya madaxweynenimada  dalka n kuwa ay yihiin

** kow waa gudoomiyaha xisbiga talada dalka haya ee UDUB islamarkaan ah madaxweyne aha JSL mudane Daahir Rayaale Kaahin,

** 2. Waa gudoomiyahay xisbiga kulmiye mj Ahmed Maxamoud Siilaanayo,

** 3. Iyo gudoomiyahay xisbiga UCID oo ah Inj. Faisal Cali Waraabe


Haddabaa an isku dayo inaan si fiican farta ugu balaadhiyo ama ugu fiiqo  mees ha ey sartu ka qudhunsantahay iyo sida aan u arko ama an aaminsanahay in ay wax u jiran, ma jecli inaan ka warwereego bogta iyo sidan u arko anigu runtii dhibta jirta waxey dhex miraneysa oo qofwalab oghay o runtii u baahan in  wax badan laga qabto oo runta loo sheego labada musharax ama gudoomiye ee kala ah Gudoomiyaha xisbiga UDUB islamarkan ah madaxweyne ah JSL mudane Daahir Rayaale Kaahin, iyo Gudoomiyahay xisbiga mucariidka ah ee kulmiye mj.

Siilaanayo,waxan leeyahay o an gudida kula talin lahaa in ay hoosta ka xariiqan aragtideydaasi oo ay labadaasi mas'uul runta la taabsiyo in ay dhibaatada  soo maliland ku habsatay ay horseed u yihiin iyagu runtiina mas'uul ka yihiin waxa  m aalin kaste dhacaya, sababtoo ah mudane Siilaanayo marna kumuu seexan  kum anuu soo toosin inuu madaxweyne Rayaale sii joogo madaxtooyada doorashada soo socota haddii ba u ku guuleysto, mudane madaxweyne Daahir Rayaale isna meeshaba soo moo dhigan inuu marna uga kaco kursiga  madaxw eynenimada Mj. Siilaanayo haddii u ku guuleysto doorashada soo socota waxay arimahoodu yihiin sida ay ila tahay KAAF IYO KALE DHEERI waan ta runta ah ee labadaasi mas'uul u qorsheysan haddii an waxbadan laga qaban arimahooda, soomalidu waxa tidhaahda NIN MEELI U CADAHAY MEEL KA MADOOW raggaasi  musharax iinta sheeganaya ila hadda ma fahmsan INUU KURSIGU MEERTO YAHAY oo  maalin ba ninkii la soo doorta fadhiisan doono, gudida dhexdhexaadinta ee hawlan ku mashquulsan waxan kula talinaya oo an leeyahay KULU FIDO SIILAANAYO IYO RAYAALE WEEYI ee meel kale ha ka eegin arinka oo iyaga u sheega inuu kursigu yahay meerto, intaasaney labdaasi mas'uul ila hadda fahamsaneyne. Waxan filaya haddii ay garatan inuu kursigu sidaasi yahay in ay waxwalba inoo hagaagi la hayeen.

Soomalidu horey uga maahmaahda arimo badan oo maanta taagan waxay tidhi maahmaahdo HAL XAARANI IHI NIRIG XALAAL AH MA DHASHO waxaan uga socdaa maahmaahdaasi labadaasi mas'uul waxay ku soo guuleysteen oo ay ku yimaadeed garoonka ama miidankan doorashada madaxweynenimada hab an waafaqsaney shuruucdii labadaasi xisbi u yaala, runtii wada la wada soctan habkii foosha xuma ee lagu soo doortay labadaasi gudoomiye ee maanta ku hirdamaya masiirkii ummada soomaliland.

Haddaba ma idin la tahay labadaasi mas'uul ee habkaasi xaaranta ah ku soo  ba xay in ay doorasho xalaal ah oo xor ah ku kala bixi doona islamarkaan xilka  meer tada ha isku wareejin doona, taasi waa BAABACADaasi OO TIMO KA SOO BAXAN in ay tanaasuladaasi iyo dimuqradeydaasi la yimaadan, Maanta waxey  mooda yaan ama aaminsan yihiin in ey doorashadan la mid tahay tii ay  xisbiyad ooda ku soo walaaqeen kuna soo afganbiyeen kuna kala daadiyeen, ee maanta aynu  og aano lana wada socono in aney labad xisbi midna caafimaad qabin oo ey  dhexdo oda ka miyiraneyso, soomalidu waxay tidhaahd Sakaaro xaar muuqda ayey  aas ta, waxan leeyahay Siilaanayo iyo Rayaale ba ma filayo in ay labaduba sida ay maanta yihiin ku caafimaad qabaan xilna loogu igman karo.

Haddii u maanta ku guuleysto Rayaale wuxu isku badalaya oo an caad inaga saareyn oo runtiina aynu la socon afcaashiisa o ah DIGTAATOOR MACANGAGAH, haddii u mujahd Siilaanayo isna ku guuleysto wuxu qorsheynayaa inuu mudadii u Rayaale heysta inkabadan oo joogo waliban u aargoosi sameyo an gabasho laheyn, labadaasi mas'uul qorshahoodu waa kaasi oo an runtii aaminsanahay in aysidaasi waxa noqon doona ALLAHU YACLAM

Haddaba miyaaney mudneyn oo anu shacabka JSL garaneyn inuu maanta u  hi iliyo una sadburiyo islamarka codkooda siiyan Inj. Faisal Cali Waraabe iyo Dr. M. Rashiid, kuwaasi ah madaxda xisbiga UCID ee marwalba badbaadiya qaranka lagu tumanayo, dimuqradeyda dhulka la jiidayo iyo shuruucada maalinba mid la tirtirayo, wuxu Inj. Faisal mudan yahay inuu shacabku u soo jeesto waxqabadka Inj. Faisal iyo sida u labadaasi mas'uul ugu dhex dhintay ee marba mid leeyahay sidan maaha ee dalka dhibaatada ka daa, waxan qoraalkeyga ku soo afjaraya inbadan baa Inj. Faisal daaqadaha laga dalcadee ogaad shacabyoow inuu UCID yahay xisbiga udub dhexaadka ey soomaliland ku taagan tahay, haddii anu jirin xisbigan UCID, Kulmiye iyo UBUD dhexdooda ayeynu ku waayi laheyn  jiritaan keena iyo dimuqradeydii aynu dooraney iyo masiirkeena ba, marwalba ilaahey iyo UCID baa ina taageera oo toosiya xadhigan labadaasi xisbi kala jiidanayan.


Guul baan dhamaan u rajeynaa shacabka somaliland nabad iyo dimuqradiyada jecl.
 

 

 

Omar Daarood Xassan
Norway