Gabadhii
ugu horeysay ee Reer Somaliland ah ee Deeq Waxbar as ho oo culuunta
dhinaca Saxaafada ah ka hesha Jaamacada Qaranka ee Uganda.
Hargeysa (TNN)-Saynab C/raxmaan Ismaaciil oo ah gabadh reer
Somaliland ah, isla markaana wax ka baran jirtay machadka Albaraka
ayaa waxay deeq waxbarasho oo dhinaca Saxaafada ka heshay Ja
amacada Qaranka ee Uganda, gabadhan oo ah gabadhii ugu horeysay ee
Somaliland u dhalata isla ma rkaana deeq waxbarasho oo dhinaca
Saxaafada ah ka hesha dalka debediisa ayaa maanta xaflad sag
ootin ah loogu qabtay xarunta Dugsiga Albaraka qaybta Dugsiga Sare,
waxaana ka soo qayb galay Xafladaasi Guddoomiyaha Waxbarashada
Gobolka Hargeysa Xasan Abokor Yoonis, Maamulaha Guud ee Dugsiyada
Albaraka Nuuradiin Maxamed Yoonis, Maamulaha Qaybta Dugsiga Sare
Ismaaciil Cumar iyo marti sharaf kale, waxaana ugu horeyn halkaasi
ka hadlay Maamulaha guud ee Dugsiyada Albar aka Nuuradiin
Maxamed Yoonis, waxaanu ka warbixiyay xaaladihii kala duwanaa ee
Dugsiyada Albara ka ay soo mareen iyo sidii ay ula soo
tacaaleen, isaga oo sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in maanta ay
ardeydiisii ay deeq waxbarasho ay dalka Debediisa ka helaan, isla
markaana ay faa’iido weyn u tahay Dugsiga iyo Dalkaba, waxaana
hadaladiisii ka mid ahaa “Waxaanu xafladan u qabanay inaanu ku
dhiiri galino Ardeyadan oo ay ku daydaan ardeyda kalena, waxaanan
rajaynayaa inay noq oto Saynab tii ka gun gaadha Deeqdan
waxbarasho ee ku anfacda dalkeeda, dadkeeda iyo Qoyske edaba”.
Waxa isna halkaasi ka hadlay Maamulaha qaybta Dugsiga sare ee
Albaraka Ismaaciil Cumar, waxaanu sheegay inay farxad weyn u tahay
in midhihisii ay maanta dalka debediisa ka helaan deeq
waxbaras ho waxaanu kula dardaarmay ardeyadaasi in ay ku fikirto
sidii ay uga midho dhalin lahayd hamigeeda, isla markaana ay noqoto
tii dalka iyo dadkaba faa’iido u keenta.
Waxa sidoo kale halkaa ka hadashay ardeyda deeqda waxbarasho ka
heshay dalka debediisa, waxaa na hadaladeedii ka mid ahaa “Waxaan
aad ugu faraxsanahay inaan dalka debediisa ka helo deeq waxbarasho
oo dhinaca Saxaafada ah, waxaanan rajaynayaa inaan ka midho dhaliyo
in kasta oo aanan aniga hamigayga ahayn hadana waan ku qancay”
Ugu dambayntii waxa halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Waxbarashada
Gobolka Xasan Abokor Yoonis, waxaanu ugu baaqay ardeyda kale inay ku
daydaan ardeyadaasi, waxaanu uga digay inay ku dhex milanto dalkaa
ay tagayso dhaqanadiisa xun xun, isaga oo ILAAHAY uga rajeeyay inay
noqoto tii Wa xbarashadeeda horumarisa si ay hadhaw dalka uga
faa’iidaysa.
Waxa sidoo kale iyaguna deeq waxbarasho helay sadex ardey oo ka
baxay Dugsiyada Albaraka, kuwaas oo ka kala helay Jaamacada Hargeysa,
Fairland iyo meelo kale.
Axmed Maxamed Shaqalle
Shaqale_88@hotmail.com
Hargeysa Somaliland.
|