Gabay dadweynaha reer Somaliland Daahir Riyaale ugu jawaabayaan




1. Warkaad daahir soo sheegtay ee dunida maansheeyey.

2. Waa kaaga digaynaa waxaad damacday maandhoowe.

3. Haddaad tidhi waxay doonayeen damacii beenoowyey.

4. Oo aad tidhi kuwii diriray baa dibinta ruugaaya.

5.Haddaad daaro jeexdiyo haddaad doollar badan hayso.

6. Oo aad tidhi diktooradii la xidhay duudsi laga yeelyey.

7. Aad tidhi kuwaan diley ayaan cidi u doodaynin.

8. Aduunbaa dan sheegtaye warkaasi waa daleel  madhane.

9. Shicibkii ku doortaa ku nacay maanta dabadeede.

10. Oo waa kaa didaayaan kuwii kuu dabbaaldegaye.

11. Adigoo dubaabado watiyo kaare daba jooga.

12. Nimankii SIYAAD kugu daree duhur ku naafeeyey.

13. Digaxaadhka nimankii marshee faqash ku daanduunshey.

14. dirirteeda nimankii bartiyo dab iyo baaruudda.

15. Dararteeda Maandeeq raggii doobiga u qaatay.

16.Isku duubnidoodii kuway dawladnimo keentay.

17. Allahay ha daayee raggii dacar ku leefsiiyey.

18. War waa noo diyaar wiilashii soo dagaalamaye.

19. Duqey iyo wax garad baa dalkani daahir leeyahaye.

20. Haddii adiga dookhaagu yahay debedda meerayso.

21. Oo aad dilaal yeelatiyo daallin iyo tuugo.

22. Dib haw filan waxaan daahirow shicibku doonayne.

23. Oo xisaabaan damayn iyo dastuur fayl ku daba qaada.

24. Denbigaad gashaa daahiroow kuu diyaar noqone.

25. Markaanse doorashada gaadhno ee wiishku kula duulo.

26. Inshaallaahu mid lagu diirsadoo daacadaa qabane.

27. Dambarkiisa waxaan maalaynaa dayrcadkii dhalaye.

28. Daawana waa u helaynaa waxaad dumisey wiiloowe.

29. Ogow adiga dabadaa faqrigii daaqad laga tuurye.

30. Adigoo digla ah QAADKU waa dabaqyo dhaadheere.

31. Dadartii markay kaa go'dee deynku kugu rooray.

32. Dadweynuhu markii uu ogaa doobir xumadaada.

33. War deeqsiga raggii kaa dhigee damaca kuu yeelay.

34. Nimankii dorraad kuu ahaa derinta aad jiifto.

35. Ehelkii ku doortaad haddeer dib ugu baantaaye.

36. Denbina waad ku sheegtaa markay kula dedaaleene.

37. Waxbase gabaygu yuu ila durkine waxaan kusoo deyrey.

38. Derejadii SIYAAD iyo intaad dabagal sheegayso.

39. Abaal doora waa laga helaa geesi daacadahe.

40. Dib u dhigo wuxuun daahiroow dunidu waa tiiye.


 

 

 

 

 

Calikhadar Xasan Cismaan
SWEDEN