GABAY LA HADLAAYA SHACABKA SOMALILAND EE HOOS U FOORORA
 

 

1.Shicibyahow iswada hiifayee Haybta wada sheegta.

2.Shicibyahow Hashii uu dhacsaday Haysan kari waayey.

3.Shicibyahow hankii uu lahaa Hawlyaraan dumiyey.

4.Shicibyahow hormuud looga dhigay Boqonta kii heeray.

5.Shicibyahow horweyn geela dhaqay Hororna maalaayo.

6.Shicibyahow hurdada ay galeen Heeryo doqon saartay.

7.Shicibyahow harraad weli u qaba Hanaqa kii gooyey.
 

********

8.Shicibyahow halbowlaha isjaree Habayo dhiigiisu.

9.Shicibyahow hilmaansani Wixii hawdka shalay geeyey.

10.Shicibyahow halhays looga dhigay Haatufkiyo beenta.

11.Shicibyahow habawsani wuxuun Waa la hubiyaaye.

12.Shicibyahow hubkiisii mar kale Lagu hujuumaayo
 

********

13.Hayinkiina ruuxaan la rabin Hogor inuu keeno.

14.Nimaan kuu hanbaynayn waxbaba Hadimo mooyaane.

15.Haamaha nin kaa buuxsadoo Horumar kuu diidan.

16.Hiirtaanyo cudur nimay waqiis Hurudey beerkiisa.

17.Hambadiina ruuxaan jeclayn Haw hiloobina e.
 

********

18.Hargeysiyo burcaba maalintii Hugunku yeedhaayey.

19.hilba dirirka maantii nin ragi Huray naftiisiiba.

20.kuman heermay kuman heetiyiyo Kuman halaakoobey.

21.Iyo kuman hugii tuurayoo Hayna laga dhaarshey.

22.Iyo kumanhalkii ay mareen Weli la hoomaayo.

23.Iyo kuman hayaaydaa hayoon Cidi ka hoos qaadin.

24.Iyo kuman sidiiharimcadkii Hawsar lagu laayey.

25.Iyo kuman halkii weli la dhigay Haadku fadhanaayo.

26.Iyo kuman halyeey oo hadeer Inaga hooseeya.

27.Iyo kuman hamuuntii qaboo Ciil la hoganaaya.

28.Intaasoo hardoofooyinaa Hibasho luudaaye.

29.Halgankii lasoo maray Haddii hadiyad loo dhiibey.

30.Halkeebay jireen wiilasheer Haatan talinaaya.
 

********

31.Waxbase yaanan hawraarta iyo Hadalka dheerayne.

32.Waataa hirdooglihi baxee Loo hayaan yahaye.

33.Horseedkeeda waxa inoogu maqan Hanadadeeniiye.

34.Inshaallaahu rag lagu soo hirtoo Hawl karaa qabane.

35.Harraadkiyo waxay inaga biin Hiifta nagu taalle.

36.Hammigeenu suu yahay Wanaag waa u helaynaaye.

37.Haaneedka maandeeq bulshadu Haakah waa odhane.

38.Humbanida ku naaxdiyo Dhurwaa waa la hirayaaye.

39.Hanti boobka nimankii Bartaa heel lasoo tubiye.

40.Iyadoo hangool lagu waday Iman hortiinaase.

41.Hareeraha ka jira Yaan mar kale hawli soo noqone.




 

 

 

 

Calikhadar Xasan Cismaan
SWEDEN