Gabiley iyo gu'yaal Tegey

 



Qaybtii labaad:

Gabiley iyo gu'yaal tegey
waxan uga gol leenahay
Taariikhda guunkiyo
gu'yaashii la soo maray
gurboodkeenna kacayiyo
Kuwii aan garaad qabin
in ay soo garoocdaan
geeddigii la soo maray!

Intiinii la socotey ee soo akhriday qaybtii koowaad ee qormadan la magacbaxday " Gabiley iyo gu'yaal tegey", waxaynu marayney; odayaashii oo warqaddii codsiga ee dugsiga sare diyaariyey. Sidii aan horaba uga cudurdaartay, garan maayo cidda loo geeyey ee ansixisay!Waxase muddo kadib bilaabmay, dhismihii iskuulka.

Habka lagu bilaabay dhismaha dugsigu wuxu ahaa, mashruucii loo yaqaaney: Iskaa wax-u-qabso oo 1970 naadkii dalka ka socdey. Markii dhismaha la bilaabayey, waxa dadka magaalada lagu guri jirey; is-ka-rogooyin ay dawladda hoose degmadu leedahay- xilliga qadada kadib. Waxana dadweynaha oo dhallinyarada u badnaan jirey la geyn jirey, dooxa Laagbarako hareerihiisa-dhinaca iskuulka xigta- iyo buurta Shariif Cali sinteeda oo laga soo ururin jirey; jay ( dhagax) yaryar oo loogu talogalay, in lagu soo kiciyo seeska hoose iyo meelaha shubka ah ee u baahan sibidhka iyo garaa'idka- oo u badnaa cidhifyada (corners). Marka intaa aynu soo sheegnay laga reebo, dhismaha iskuulku wuxu ka samaysnaa jaajuur ( laban). Waxana shaqadii la wareegey, wasdaado iyo kuuli- tii dadweynaha ee iskaa wax-u-qabsada ahaydna meesha ayay ka baxday.
Haddaba, arrintaa iskaa wax-u-qabsada ee dhismaha iskuulka lagaga qayb gelayey, waxa garab socdey olole kale oo ku saabsanaa; magac u bixinta dugsiga oo ay wadeen dhallinyaro reer Gabiley ah oo ka baqayey; in magac kale oo aan Timacadde ahayn loo bixiyo dugsiga sare ee la dhisayo!

Haddaba, si aad uga bogotid; sidii uu magacu ku baxay, ciddii bixisay iyo sidii loogu hawlgalay magaca Timacadde; la soco qaybaha soo socda ee qormadan oo aynu ku faahfaahin doono- haddii Eebbe idmo - maalmaha soo socda!

Wa billaahi at-towfiiq
 

 


Cabdullaahi Maxamed Cumar

England, Uk

Email: timacadde56@hotmail.com