Gabiley iyo Gu'yaal Tegey

 



Qaybtii Lixaad:

Gabiley iyo gu'yaal tegey
waxan uga gol leenahay
In odayaashii geylamey
ee gu'yaal soo halgami jirey
wixii galeeniyo loo gudo abaalkii

Qaybtan lixaad ee qormadeena, waxaynnu ku soo qaadan doonnaa- haddii Eebbe idmo- wax yaabo xiiso leh.
Intase aynaan dulucda qaybtan gudagelin, aynu soo dulmarna qaybtii shanaad- si ay xasuusin innoogu noqoto.
Qaybtii shanaad waxaynu ku soo xusnay dhawr arrimood oo ay ka mid ahaayeen:


Dhismihii iskuulka Timacadde oo dhammaaday
Ardaydii lagu furay oo laga soo celiyey, labada dugsi ee cammuud iyo 1dii Juulaay
Waxa kale oo aynu qaybtaa ku soo qaadanay, magacyadii fasalkii bud-dhigga u noqday iskuulka Timacadde oo ahaa; horseed la mahadiyey!


Haddaba, qaybtan lixaad oo dabajoogta qaybahaa hore ee aynu soo qaadanay; waxaynu ku soo qaadan doonnaa:

Ardaydii iskuulka lagu furay iyo wixii ay la kulmeen
Macallimiintii iskuul la keenay iyo sida ay ahaayeen
Degaanka uu iskuulku ku yaalay iyo juqraafi ahaan sida uu ahaa.

Haddii aynu ku horraynno ardaydii iyo waxay degaankii cusbaa kala kulmeen, waxaynu odhan karnaa waxay la kulmeen: hooy cosob ah oo aan caga uga horraynin, qalo iyo qaylo la'aan, dal-tabyo-la'aan ( no home sickness) iyo macallimiin heellan oo iyaga ka badan!
Waxase la odhan karaa, degaan kasta oo cusubi cilladihiisa ayuu leeyahay oo u badan dhinaca adeegyada nolosha! Lamana dafiri karo, in ay dhibaatooyin la kulmeen!

Haddii aynu milicsanno dhinaca macallimiinta iskuulka lagu furay, waxaynu si kooban u odhan karnaa waxay ahaayeen xul- nin waliba maadadiisa ka adag yahay!

Haddaba, haddii aynu tusaalayn iyo is xasuusin u soo qaadano magacyada macallimiinta qaarkood; waxa ka mid ahaa:

1-Cali Jiib oo ahaa maamulihii ugu horreeyey iskuulku yeesho
2-C/llaahi Axmed Shirdoon oo dhigi jirey saynisyada
3-Cali Xasan oo ku caan ahaa Kimistariga
4-Sheekh Xuseen oo Carabiga iyo diinta dhigi jirey
5-Maxamed Muumin Rijaal oo Fisigiska dhigi jirey
6-Maxamuud (buulle) oo Xisaabta ahaa
7-Cabdi Askar Abokor oo dhigi jirey taariikhda iyo juqraafiga
8-Cali Jaamac Qalinle oo noqday maamulihii labaad ee Timacadde
9-Maxamed Muxumed Liibaan oo bayooliga dhigi jirey, noqdayna maamulihii afraad
10-Aadan Afxakame oo noqday maamulihii saddexaad ee Timacadde
11-Maxamuud Maxamed ( Ina Afey) oo aan xisaabta lagaga daba dhufan jirin!
12-Aw Nuur oo Carabi iyo diinta dhigi jirey
13-Sheekh C/llaahi Suufi oo Carabiga iyo diinta dhigi jirey
14-Maxamed macallin Xasan oo Ingiriisiga dhigi jirey

iyo intii kale ee aanan halkan xusin.
Macallimiintaa intooda badani, waxay ahaayeen kuwii dhibcaha ugu sarreeya kaga soo qallinjabiyey Lafoole- qaarkoodna macallimiin ka noqday Lafoole-markii dambe.

Waxan aad uga xumahay, in in badan oo macallimiintaasi ka mid ahi dhinteen. Ilaahayna waxaynu uga baryeynaa, in uu jannadiisa Firdowsa ku abaalmariyo. Inta noolna, Ilaahay ku nooleeyo cisi iyo caafimaad san.

Mahadsanidin,

La soco qaybaha hadhay oo xiiso leh.

C/llaahi Maxamed Cumar

Email: timacadde56@hotmail.com