Gabiley iyo Gu'yaal Tegey

 


Qaybtii Toddobaad:

Akhristayaasha sharafta leh ee taxanahan ku xidhanow, marka aad salaanta Islaamka ee qiimaha leh aad guddoontaan kadib; qaybtii lixaad ee qormadan waxaynu ku soo qaadanay, dhawr su'aalood oo aynu qaarkood ka soo jawaabney- qaarna qabyo innaga ahaayeen.
Haddaba, inta aynaan gudagelin dulucda qaybtan toddobaad; aynu ka jawaabno su'aashii innoo hadhsanayd oo ahayd; degaanka iskuulka laga dhisay iyo sida uu ahaa.


Dixidoo agtiisoo
durduradu agmarayaan
dacalkaa galbeedkana
buuro dayr la moodiyo
Damalladu hadheeyeen
Indhahaa ku dararoo
dareenkaa godlanayee
Timacadde nin daawaday
Dalxiis woogu filan yahay!

Iskuulka Timacadde wuxu ku yaallaa, halkii uu ahaan jirey iskuulkii caanka ahaa ee loo yaqaaney Qalax.Waxa uu dugsigan oo hooy (boarding ) ahaa magaalada Gabiley u jirey illaa dhawr kiloomitir oo dhinaca woqooyi ah. Goobta iskuulkan laga dhisay, waa meel dooxa Laagbarako saarnayd. Dhismuhu wuxu ahaa hal dhisme oo is-haysta ( one compound) oo ka koobnaa: siddeed fasal (classes), laba shaybaadh, dhawr xafiis, suuliyo, istoodho iyo wixii la mid ah. Dhismahani wuxu markii hore lahayn jirey, hal irrid ( albaab) oo weyn oo laga soo galo - lagana baxo. Waxa uu dhismuhu lahaa barandayaal dhaadheer oo la maro, beero dhexda ku yaalley oo dusha ka furnaa laguna beeri jirey ubax iyo hadhuudh, iyo qaybo kale oo badan oo beryihii dambe lagu kodhiyey!

Haddii aynu si kooban u soo ururinno, degaanka iskuulku ku yaalley iyo qaabka uu u dhisnaaba; waxay ahaayeen cajiib!!

Hal xilli (semester) kadibna waxa Timacadde soo galay, fasalkii labaad oo isna taariikhdiisa lahaa. Fasalkan labaad oo iskuulka soo galay dhammaadkii 1976kii - tiro ahaanna aad u yaraa- wuxu soo kordhiyey laba taariikhood oo iskuulku yeeshay! Labad taariikhood oo kala ahaa:

Gabadhii ugu horraysay taariikhda Timacadde gabadh soo gasha oo kooxdan ka mid ahayd- gabadhaasi oo ahayd: Ifraax C/raxmaan Cumar Xaashi
Iyo dhacdada kale oo ahayd, ardaygii ugu horreeyey ee iskuulka Timacadde dheey ( day) ku dhigta oo fasalkaa labaad ka mid ahaa. Ardaygaasi oo ahaa: C/llaahi Maxamed Cumar!

Waxa iyana xusid mudan, in labadaa fasal (the two first groups) ee ugu horreeyey oo tiro ahaan aad u koobnaa; deganaan jireen muddo sanad iyo wax ah, afar fasal oo ka mid ahaa siddeed qol ee uu iskuulku markii hore ka koobnaa!
Waxana la yaab lahayd oo xusiddeeda mudan, in aannu afar fasalna seexan jirney; afarta kalana aannu wax ku dhigan jirnay- oo marka keliya ee aannu dhismaha ka baxnaa ahaan jirtey, marka aannu wax soo cunayno- markaasi oo aannu tegi jirney madbakhii Qalax oo wax la noogu Karin jirey!

Inta aynu qaybo kale oo qormadan ah ku kulmi doonno, ammaano Allah iyo kulanti dambe idam Allah.

Wa bilaahi At-towfiiq

C/llaahi Maxamed Cumar

Email: timacadde56@hotmail.com