"Gabiley Oo Kamid ah Meelihii Ugu Dakhliga Badnaa Dalka in Loo Dawaro Maxkamadeedii Waa Nasiib Daro"Sheekh Aadan Siiro

 

 

Waa nasiib daro Xukuumada maanta jirta ee Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo) uu masuulka ka yahey oo codkii ugu badnaa laga siiyay meesha aynu maanta fadhino, oo la yidhaahdo maanta Maxkamadii Gobolka ee Gabiley ayaa loo dawarayaa ............

Gabiley (TNN):-Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey(Aadan-Siiro), ayaa markii ugu horeysay Xuk uumada Siilaanyo ku dhaliilay Sidaay u hagratey Boqolaalka Milyan ee Dakhliga ah ee uga Soo Xer ooda Gobolka Gabiley maalin Walba taas, oo ay nasiib daro tahey in uu ka qatanaado Adeegyada Aasaasiga ah ee Gabiley isagoo sigaar ah farta ugu fiiqey Dhismaha Maxkamada Gobol Degmo ee Gabiley oo loo ururinayay Qaadhaan Loogaga dawarayo Bulshada Dhexdeeda iyadoo aan waxba ku aheyn hadii Dhaqaalaha Kasoo baxaya looga gooyo kharashaadka Dhismaha.

Sheekh Aadan Maxamuud Xiirey(Aadan-Siiro) oo hadal ka Jeediyay Munaasibad lagu Qabtey Maga alada Gabiley oo Lacag Qaadhaan ah Loogu dawarayay Dhismaha Maxkamada Degmada Gabiley ayaa dhaliilo culus halkaa ugu jeediyay Xukuumada uu hogaamiyaha u yahey Madexweyne Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo), isagoo Xusey in hadii dalka wax loogu qabto dakhliga soo Xerooda iyo lacagta Cashuuraha aan meel kale waxba looga dooneen Sheekh Aadan-Siiro waxa kale oo ka dardaarey Golaha Deegaanka Gabiley in ay aaminaan Xukuumada Dhexe oo ka tagaan dantoodii iyo Masuuliyadoodii.

"Dalkani inuu Wax noqdo Istaago oo hirgalo dadka ogolbaan kamid ahey horena u ogolaa maantan a ogol erayadaa Waxa igu kalifey Somaliland Waxaan Leeyahey is qaban Meyso Gobolkani waa Gobolka Labaad ee uGu dakhliga badan Jamhuuriyada Somaliland wax is qabanaya ma aha, waa nasiib daro Xukuumada maanta jirta ee Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo) uu masuulka ka yahey oo codkii ugu badnaa laga siiyay meesha aynu maanta fadhino, oo layidhaahdo maanta Maxkamadii Gobolka ee Gabiley ayaa loo dawarayaa afkii halgankaanu ku hadleynaa, afkii umadii wax kalasaareysay baanu ku hadleynaa luuqadii lagu wada hadlayay o dhan ayaanu kuhadleynaa, waxaan leeyahey hadalkeygaa waxba haka jarina inamadaa Tiifiiyada cidii ay khuseysana sideedaa ha ugaadhaan leeyahey in badanbaa nalagu colaadiyay hadalka laakiin maanta waan ukasayaa"ayuu Yidhi Sheekh Aadan Maxamuud Xiirey(Aadan-Siiro).

Waxa kale oo Sheekhu dardaaran Culus ujeediyay Mudanayaasha Golaha Deegaanka Degmada Ga biley ee Golaha Deegaan, isagoo ka dardaarey inaan loo baahneyn in Goluhu ku dhex milmo Xukuu mada Dhexe isagoo kahadlaya Waxa uu yidhi.

"Waxaan ku waaninayaa Maayraka Gabiley iy oGolaha uu hogaaminayo waar Meeshan imika Qoloo yin Golayaasha ah ayaa ku Mashquulay Xukuumada dhexe waar dadkan wax haloo qabto oo Xuk uumada dhexe iyada laftigeeda wax halooga soo jaro Deegaanka"Ayuu yidhi Sheekh Aadan Siiro.

Waxaanu si adag ugu dardaarey Golaha Deegaanka inaanu Xilkoodu aheyn in ay daba cararaan Wasiirada Xukuumada Dhexe balse loo doortey in ay Shacbigooda Wax u qabtaan oo ay Wax uga soo Gooyaan Dakhliga Xukuumada Dhexe.

Munaasibadan uu hadlka ka jeediyay Sheekh Aadan Maxamuud Xiirey(Sheekh Aadan-Siiro) oo ahe yd Munaasibad qaadhaan loogu dawarayay Ganacsatada iyo Bulshada Gobolka Gabiley Dhismaha Maxkamada Gabiley oo Lagu Qabtey isla Magaalada Gabiley, Waxaana halkaa ka hadley Maayrka Gabiley Shuceyb Maxamed Muuse oo isaguna Sheegay Xukuumad ahaan in ay Wax badan Qabte en.

Degmada Gabiley oo uu kuyaalo Kastamka Cashuuraha Qaadka ee Kalabeydh oo maalin Walba Was aarada Maaliyada Somaliland ay uga Soo xeroodaan lacag dhan Afar Boqol oo Milyan iyo Dheeraad ayaa ah Goobta labaad ee dakhliga ugu badani uga soo Xeroodo Xukuumada dhexe halkaas oo xili gii Xukuumadii Madexweyne Rayaale, iyo tii Marxuum Cigaal ay Gobolkan ka soo gali jireen dakhli badan oo dheeraad ah ka ay Qeyb ahaan ugu leedahay Degmadu Kastamka aan aheyn kaas oo lagu naasnuujin jirey agoon iyo dad dhibaateysan oo dhamaantood ku waxyeeloobay Halgankii SNM, hase yeeshee, laga jarey kadib markii Axmed Siilaanyo ku guuleystey Xukunka dalka iyadoo, Magaalada Kalabeydh ee dakhligaasi ka soo Xeroodaana ay tahey tan kaliya ee ugu dayaca Badan Gobolka marka loo eego adeegyada aasaasiga ah iyadoo aan laheyn Xarun Caafimaad Mch laga dhisey Sanadkii 1994kiina ay Wali albaabadu u xidhan yihiin oo Waraabuhu ku dhaley marar badan MCHkaas oo labaatan talaabo dhinaca Galbeed ka xiga Xarunta Kastamka Cashuuraha ee Kalabey dh.

Inkastoo aanay Reer Gabiley ka cabanin Goldoloolooyinka iyo Dhibaatooyinka kajira Deegaankooda hadana Hadalka Sheekh Aadan Maxamuud Xiirey(Aadan-Siiro) Wuxu kusoo beegmayaa xili marxala do adag iyo faan madhani ka taagan yihiin Deegaanka Gobolka Gabiley Guud ahaan Islamarkaana, ay Xukuumada Madexweyne Siilaanyo markii labaad ku beenowdey Dhismaha Jidka u dhexeeya Tog-Wajaale iyo Kalabeydh oo dhan Sideed iyo Km oo shan kamid ah lagu Dhisey si dirqi ah taas, oo lagu Shaaciyay in Madexweynuhu kafaala qaadey Guud ahaanba Dhismaheeda laakiin Boqolaal kamid ah Ganacsatada Tog-wajaale iyo kuwa kasoo jeeda Gobolkana lagaga qaadey Qaadhaan lacageed oo boqolaal kun gaadhaya inkastoo Ganacsade Jaamac Oomaar bixiyay Daamurka lagu Dhisay Shanta Km ee dariiqa Tog-Wajaale iyo kalabeydh u dhexeeya inta ugu badan.

Sikastaba ha ahaatee Shacbiga Reer Gabiley ayaa wakhtigan noqdey marka loo eego Gobolada ka le ee dalka kuwa ugu fajaca iyo amakaaga badan Xukuumada Siilaanyo iyagoo intooda badani ka aamusey beenta iyo faanka Habeen iyo Maalin walba laga akhriyo Warbaahinta kala Duwan ee dal ka ha ugu badnaato ta Dowlada ee bashbash iyo badhaadhaha lagu Sheego, Hadalka Sheekh Aad an-siirona waxa uu noqonayaa mid baraarujin hor leh unoqonaya dadkii kafooraray Mushkiladaha ka jira Gabiley.
 




Wariye Cabdiraxmaan Nuux Axmed(hiiraan)
Timacade News Desk
Gabiley,Somaliland