Gabiley oo Lagaga Dhawaaqay Urur Midayn Doona Ardayda Gobolka Gabiley

 


Gabiley ( Timacade News):- Badhasaabka Gobalka Gabilay Maxamed Axmad Aw Cabdi (Xabiib),  ayaa xalay ka qayb galay xaflad lagu furaayay urur midayn doona dhamaan ardayda wax ka barata Gobolka Gabiley, kaasi oo  mag aciisa la yidhaahdo Gabiley Student Union (STU).


Xaflada furitaanka ururkaasi oo lagu qabtay Hueelka Askar ee magaalada Gab iley .Xafladaasi lagu furayay ururka midawga ardayda Gobolka , waxaa kale oo ka soo qayb galay Maayarka Gabiley,  Aadan Muxumed Bade, Badhasaab ku  xi geenka Gobalkka Gabiley ,C/risaaq Sheikh Aadan, Gudoomiyaha Gudida  Horum arinta Gobalka Gabiley, Maxamuud Yuusuf Xaaji Cabdi, xubnaha  aasaasayaas ha Ururka Midowga Ardayda Gabiley iyo marti sharaf kale oo fara badan.


Masuuliyiinta halkaasi kahadashay waxa ka mid ahaa Badhasaabka Gobalka G abiley, waxaanu aasaasayaasha iyo marti sharafta kale ee ka soo qayb gash ay u sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu kala soo qaybgalo xafladaha  nooc ani oo kale ah dhalinyarada.

Gudoomiyaha Gobolka Gabiley isagoo halkaasi ka hadlayana waxaa uu yidhi  waxaa caawa faxad ii ah inaan ka soo qayb galo ururka ardayda midowday ee nasiibku igu simay inaan xafladani kala soo qayb galo, aduunnkani aad  arkays aana waxa lagu shaqeeyaa waa urur ,waayo Goba lkastaa ama Dagmo kastaa waa urur saobabtoo ah,  biyaha meelbay kawada cabaan,  dhakhtarka meel ayay wada tagaan,  markaa waxaynu odhan karnaa waa dad urura, ururadu na waxay kadaawo yihiin mushtamaca ayay wax ku soo kordhiyaan, sida urur loo sameeyaana way fududahay, lakiin urur kasi inaad ka midho dhalisaan aya an idin kula dardaar mayaa”.


Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Gabiley, Aadan Muxumed Bade,  waxaanu dhalinyarta aasaastay ururkaasi kula  dar daarmay in ururkoodu noqdo mid u midooba danta Gobolka Gabiley iyo sidii loo horumarin lahaa Gobolka Gabiley. Sidoo kalana Gudoomiyuhu wuxuu u sheegay ka soo qaybgalayaasha, in sanadkan ay ugu magac dareen sanadkii  Horumarka Gobolka Gabiley.



“Waxana inoo qabsoomay waxyaabo fara badan oo ay ka mid yihiin Biriishka, wadada, dhakhtarka iyo Jaamicada oo ay dadwaynaha Reer Gabiley in badan sugayeen”. Waxay ka mid ahaayeen kalmadihii maayarka Gabiley.

Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay, Gudoomiyaha Gudiga Horumarinta Gobolka Gabiley ,Maxamuud Yuusuf Xaaji Cabdi Camir, oo ardayda soo agaasintay  xafl adaasi uga mahad celiyay kuna tilmaamay in midawga iyo isku imaatinka uu dhi iri galiyay islaamku.

Maxamuud Yuusuf ,  waxaa kale oo uu halkaasi kaga waramay faa,idooyinka ay soo hoyn karaan dhalinyartu dhinaca horumarka waxaanu yidhi isagoo arin taasi ka waramaya

“hadii la waayo shabaabka ardayda ah,  horumar la gaadhi mayo, waayo waa xoogii dalka iyo dadkaba , hadii ardaydu samaysato Urur, ururkaasina noqdo mid jira, waxa uu noqdaa laf dhabarta kowaad ee bulshada.

Arday kasta oo dhigta iskuulka hoose/dhexe iyo ka saraba xubin ayuu ka  yah ay ururka waxaana la doonayaa in la iskula yimaado maskax wanaagsan oo ah sidaynu u hormarinaa Gobalkeena, oo aynu uga hormarinaa xagii wax barasha da iyo xagii horumarka kalaba.Iin badan baa Gabiley looga guurayay jaamacad la'aan,  oo ardaygu markuu dugsi sare dhamaysto xaafadu isaga dartii u guur aysay oo ay Gobal kale u guuraysay si ardaygu Jaamacad u helo.

Ardayda  jaamacadaha u taga magaalooyinka kale ,waxay la kulmi jireen  dhib aatooyin faro badan, sida in ardayda qaar ay waayi jireen meelo ay galaan oo maqaaxiyaha inta laga rawaxayo ay sugi jireen si ay u seexdaan, taas ayaa dhacday, maantana waxaan ilaahay uga mahad celinaynaa jaamacadaa   Gobal ka Gabiley ,ee inta badan sugayeen ,oo si wanaagsan inoogu furantay . Ardayda sanadkana waa ardayda ugu nasiibka badan maadaama ay jaamaca du Gobolkoodii uga furantay”.


Waxaa kale oo isaguna halkaa ka hadlay Agaasimaha Guud ee shabakada dh alinyarada Gobolka Gabiley, Mustafe Xuseen Liibaan iyo Khaalid Muxumad Aw Ciise,  oo iyagu ahaa asaasayaashii ururka ardayda midowday ee Gobalka  Gab iley, waxaany xuseen waxa ku kalifay ururkani in ay sameeyaan in ay tahay  b aahi loo qabay in la sameeyo urur mideeya ardayda waxka barata guud ahaan Gobolka Gabiley oo bulshada iyo Gobalkaba hormariya,  isla markaasna waxay balan qaadeen in ururkani la fdhabar ka noqon doono Jaamacada iyo Gobalka Gabiley.


Xubnaha aasaasayaasha ayaa xaflada ka balan qaaday inay xubnaha ururkani ku jiraan dhamaan ardayda waxka barata Gobolka, dhaqaajintiisa iyo hirgalinti isana in looga fadhiyo arday iyo ardayad kasta.



Ugu danbaytii , waxaa shahaado shaaraf lagu gudoonsiiyay Sh Aadan Xaaji Maxamud xiiray [Aadan Siiro ] , oo uu ku mutaystay kaalintii uu ka ciyaaray qaadhaan ururinta Jaamacada Timacade. Shahaadada ayaa la gudoonsiiyay Gudoomiyaha Gudida Horumarinta Gobolka Gabiley , oo uu u soo wakiishay sheekhu.


Xafladan ayaa ahayd tii ugu horaysay ee lagu furayay ururka midnimada  arda yda wax ka barata Gobolka Gabiley.
 


 

 

Nimcaan Dheeg Ibrahim
Agaasimaha Timacade News ee Gobolka Gabiley