Ganacsato Maraykan ah oo Madaxweynaha Somaliland xalay casho-sharaf u sameeyay
 



Washington-DC (TNN)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Weftigii uu hogaaminaayey oo weli ku guda jira socdaalka ay ku joogeen dalka Maraykanka ayaa xalay waxa casho Sharaf ku qaabiley Ganacsato waa weyn oo danaynaaya in ay Somaliland maalgashi ku sameeyaan.

kulankaasi oo ay hogaaminayeen gudiga ganacsiga heshiiyada caalamiga ah ee ( Business Council For International Understanding ) loona soo gaabiyo (BCIU), oo casho sharaftaasi madaxweynaha iyo weftigiisa ugu sameyey Hotelka weyn ee Willard Hotel oo madaxweynaha u soo bandhigay sida ay u danaynayaan in ay Somaliland ku yeeshaan gacan weyn oo wax ku ool ah lana xidhiidha maalgashi ay ku sameeyaan khayraadka dihin ee Somaliland hodanka ku tahay, ayaa madaxweynaha ku soo dhaweeyey Willard Hotel .

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu soo dhaweeyeen fikirka ay soo bandhigeen ee ah in ay Somaliland la sameeyaan xidhiidh ganacsi iyo mid maalgashiba.

Madaxwynuhuna waxa uu uga mahadnaqay sida ay kulankan balaadhan ugu sameeyeen ee ay u danaynayaan in ay iskaashi ganacsi iyo mid maalgashiba ay la yeeshaan Somaliland, taasi oo madaxweynuhuna uu u sheegay in ay Somaliland tahay dal nabad iyo dimu-quraadiyad taami ka jirto una baahan in la maalgashado oo dadka Somaliland iyo caalamkuba ay ka faa’iidaystaan khayraadka Alle ku manaystay Somaliland.



Cumar Maxamed Faarax