GANACSIGA IYO DADKEENNA

 




Dadkeennu marka ay tilmaamayaan qof ganacsade ah ama hawl ganacsi ku jira waxay yidhaah daan, hebel waa “
baayac-mushtar”. Ereyga “baayac-mushtar



Maqaalkani waxa uu ka mid yahay qoraallo taxane ah oo magacoodu yahay "Ganacsiga iyo  Bul shadeenna", kuwaas oo ku saabsan arrimaha ganacsi ee dadkeenna. Waxa hore u soo baxay qoraal mawduucaas la xidhiidha oo magaciisu ahaa "Samaynta iyo saamaynta xayeysiiska" oo uu qoray mudane Ceelaabe, kan hoos ku qoranina waa mid kale oo isna mawduucaas ku  saab san.

Sidee ayaa loo samayn karaa ganacsi wanaagsan?
(Qaybta koowaad)



Dadkeennu marka ay tilmaamayaan qof ganacsade ah ama hawl ganacsi ku jira waxay  yidhaah daan, hebel waa “baayac-mushtar”. Ereyga “baayac-mushtar” waa mid la isla yaqaan, hase  ah aato ee “ganacsi” macne ballaadhan kama bixinayo, waxana uu noqonayaa uun “gadasho” iyo “iib”. Laakiin “ganacsi” haddii la macneeyo waxa la odhan karaa waa shaqo wax-ku-ool ah oo la xidhiidha in alaab ama adeeg ama labadaas oo wada socda iyo lacag la isweydaarsado iyada oo ay ujeeddada u weyni tahay in faa’iido iyo wax tayo fiican leh la kala helo. Waxa markaa  gana csi ah hawl kasta oo faa’iido looga dan leeyahay, meel kasta oo hawshaa lagu qabtaana intay doonto ha le’egaato ee waa meherad ganacsi.


Ganacsigu ma aha wax inagu cusub, oo dadkeennu ilaa waa fog ayey xidhiidh ganacsi la  lahaay een bulshooyin kala duwan oo ay Carabta iyo Hindidu ka mid ahaayeen. Arrintaasi waxay  kee ntay xilli hore iyo xilli dambeba calanka tajaarada ee Afrikada Bari in ay kor u hayaan  ganacsa dayaal u dhashay dalka Soomaaliland, kuwaas oo heerkaa sare ku gaadhay waaya’aragnimadii iyo aqoontii ay ka heleen hawlihii ganacsi ee qiimaha lahaa.


Sidaas ayey dadkeennu ganacsiga garasho iyo waaya’aragnimoba ugu lahaayeen. Jeerkan  qu dhiisaba aqoonta iyo xirfadda ganacsigu marba marka ka dambeeya waa ay sii badanayaan, w axana marag ah meheradaha iyo shirkadaha sida casriga ah u shaqeeya, aaladaha kala duwan ee tiknoolajigana adeegsada. Waa noloshii dhaqan-dhaqaale oo xawli ku socota.


Iyada oo ay sidaa tahay ayaa haddana, in kastoo aanay malaha badnayn, ay suurta-gal tahay in la arki karo dadkeenna qaar ka mid ah oo ganacsiga u haysta in alaab la soo iibsado oo  hadd ana la sii iibiyo. Marka la sii iibiyo alaabtiina inta qofka ama cidda wax iibsatay lacagta laga  qaa do in qasnad weyn lagu rido, dabadeedna gaadh adag laga qabto si aan loo khasaarin. Qaar  ka le ayaa laga yaabaa in ay la tahay in uu ganacsigu yahay in lacag la qaato oo kolba alaab  goo nni ah la geliyo. Waxa laga yaabaa qof aad shalay ku ogayd isaga oo dhar iibinaya in aad  maali nta dambe aragto isaga oo saabuun ama wax kale la wareegaya.


Waxa kale oo marmar dhacda dadkeenna ganacsiga ku hawlan qaar ka mid ahi markay  lacaga ha meheradda soo gelaya ama ka baxaya xisaabin waayaan, in ay marka dambe kala garan  wa ayaan in ay faa’idayaan iyo in kale. Waxay markaa u egaanayaan sidii nin doon badweyn dhex socota raacay oo aan kala garanayn jihadii uu ka yimid iyo tii uu u socday.


Qoraalkan haddaba waxaynu ku soo qaadan doonnaa aragtiyo aynu is leenahay sida ganacsi  wanaagsan loo samayn karo isla markaana loo sii wadi karo ayey wax ka tari karaan, waxay n una soo dhowayn doonnaa wixii talo ama soo-jeedin wanaagsan ah haddii Alle oggolaado.

(
La soco qayb kale……....)
 

 

 

 

 

Axmed Iid Aadan
ahmediid@hotmail.com