GARMAQAATE DAAHIR RIYAALE INDHO ADAGAA MA BACAADAA

 


Waxaan dadweynaha Soomaaliland xasuusinayaa balanqaadyada dhalanteedka ah Ee Daahir Riyaale ku maaweeliyo ummada Somaaliland.


Anigoon hadal toocsanayn madhaafaanka aan ka abbaaro,khudbadii uu garmaqaate Daahir Riyaale ka horjeediyey labada gole Guurtida iyo Wakiilada bishan April Sannadkii ina dhaafay (2009-04-29).
Garmaqaate waxa uu khudbadaas kaga hadlay dhinacyo badan oo ay kamid yihiin :
Siyaasada arrimaha dibada ee dalka ,arrimaha dhaqaalaha,Caafimaadka,Waxbarashada,Dhalinyarada iyo Ciyaaraha,Dibudhiska iyo qaar kaloo badan.

Khudbadaas oo aad u dheerayd waxaan ka soo qaadanayaa dhowr qodob,kuwwaas oo ahaa:


• Doorashooyinka wixii uu ka yidhi
• Sharciga iyo Dastuurka wixii uu ka yidhi
• Dibudhsika wixii uu ka yidhi
• Dhalinyarada iyo ciyaaraha wixii uu ka yidhi


Inta aanan u guda gelin naqdiga ama falaqaynta wixii ka qabsoomay arrimahaa
dusha ku qoran,aan idin xasuusiyo maahmaah Soomaaliyeed .


Saddex lama aamino ama lama raaco


1.Nimaan Run aqoon
2.Nimaan Rabbi aqoon
3.Nimaan Rag aqoon


Maahmaahdan kor ku xusan waxaan laba ka mid ah oo ah labada hore idinku
Cadaynayaa in ay yihiin calaamaadka uu leeyahay Garmaqaate Riyaale.
Ta saddexaadna maqaalkayga danbe haddii Eebo idmo ayaan idiin soo gudbin doonaa,Kaas oo aan kaga hadli doono sida uu ula dhaqmay dadkii ka dhigay madaxweynaha!!!!

Doorashooyimka wixii uu ka yidhi:

Hadaladii uu garmaqaate Riyaale doorashooyinka ka yidhi waxaa ka mid ahaa.
“Waxaan hubaa in ummadeenu sidii ay inoogu taageertay doorashooyinkii hore
ay tanna inoogu taageri doonto,iyadoo doorashadan ay kaga duwanaan doonto,
sidii aan horeba halkan uga ballan qaaday inaan dadkeena diiwaangelino sida
dastuurkeenu dhigayo,si aynu u helno doorasho xalaal ah oo nadiif ah,oo tirada dadka wax lagu qaybsado.Doorashooyinkii hore ee aan qabanay,waa kuwa Qarankeenu garawshiiyo kaga helay caalamka.Tijaabaddii ugu danbeysey manta ayaa la inagga eegayaa,in aynu walaalaheena Afrikaanka ah la mid noqono oo kursigu ka qiima Roonaado Qaranimada iyo in ay Dimuqraadiayadu ina hogaamiso”

Waa cajiib ,tallow Riyaale khudbadaas dib ma u dhagaystey,waxaan qofna caad ka saarnayn in diiwan-gelintii Soomaliland ka hirgashay ay ku danabeysey sidii mashruucii Faanoole ama warshadii Sibidhka .

Waxa ay dadweynaha S/land la yaaban yihiin meel kasta oo ay joogaan waxa ilaa Iyo waqtigan ku dhacay ama haleelay (Serverkii) xogta diiwaangelinta lagu shubay.Aan idiin cadeeyo waxa ku dhacay ama haleelay,Garmaqaate Riyaale waxa uu ka naxay ama lama filaan ku noqotay Tirooyinka ka soo baxay Gobollada Bari ee S/land.Riyaale waxa uu haystey ama ay u sheegeen Gabraaratada u shaqaysaa in Goballada Bariga ee S/land ay cidla yihiin oo dad yari ku nool yihiin.

Waa yaabka-yaabkii tallow miyaanu cod ka filayn Goballada Bariga S/land,waxaase ka Sii daran isagoo adeegsanaya xubin ka mid ah Guddiga dorashooyinka ayuu isku Dayey inuu wax ka bedello ,waase suura geli weydey ilaa iyo iminka , xubintiina Waxay iskaga tagtay guddigii doorashooyinka ,oo halkay ku danbeysey halkii ay ka Timi(Lama huraan waa caws Jilaal).
Arrinta Guurtada iyo kordhinta joogtada ah ,sanadkii 2007 ayaan socdaal ku tegey S/land ,markii aan ka soo noqday ayey saaxiibaday i waraysteen oo yidhaahdeen bal waxa kale iska daayoo doorasho ma dhacaysaa?

Waxaan ugu jawaabay Maya!!,saaxibaday qaarna way yaabeen qaarna way garawsadeen,waxaanse ku idhi ha yaabina waayo ninka og in aanu doorashada hellayn ee haysta Guurtida maxuu doorasho ku falayaa (fartaydaa yaa subagga daray).


Waxaase dadwenaha S/land la yaaban yihiin waxa ay doorashada uga dhigeen Bishii Cibaadad(Ramadaan) oo isaguna ku duugey qalinka!!!
Taasi maxay kuu cadaynaysaa ,dib ugu noqo maahmaahdii inuu yahay
Nimaan Rabi aqoon.

Sharciga iyo Dastuurka wixii uu ka yidhi:
Waa siduu hadalka u dhigaye “Waxaan shacbiga Somaliland leeyahay iyo dhamaan Hay’adaha dawliga ah oo ay golayaasha Qaranku hormood ka yihiin,wax waajib muqaddas ah innagu ah ku dhaqanka,Dastuurka iyo xeerarka ka farcamay,taas uun baa Ah ta aan ku gaadhayno himilladeena”

Isagoo iska hadlayana wuxuu yidhi “Ummadan inta aan xilka u hayo,waxa aan u ballan qaaday in aan ku hago Dastuurka iyo shuruucdaka farcantay,taas oo qudha ayaa u noqonaysa dhaxal kuwanool iyo kuwa dhuxeena ku jira ee dhalan doona ay u aayaan”
Ninkii jirey wuxuu yidhi manaa waalan mise cadan baa laga heesayaa,wax is weydiini ma xumee wax iswedaarsi baa daran!!!

Ummada S/land waa ka dhergsan tahay inta jeer ee uu jebiyey Dastuurka S/land Sannadkaa,waxaan xasuustaa arday ka mid ah ardaydii ka qalin jebisey Jaamacada Hargeysa sannadkan ayaa waxuu maqlay Guurtidii baa u kordhisey Daahir Riyaale.
Isagoo yaaban ayuu yidhi waan garanayey in xal aanu ka soo socon dalkan markaa Ilaahay wuxuu i baday in aan tahriibo oo aan naftayda ku biimeeyo halaagaas,Waayo sanad danbe sugi kari mayo.

Isna muxuu yidhi waa garmaqaate Riyaale’e “kuwa dhuuxeena ku jira ee dhalan doona ay u aayaan”.Maxay u aaayayaan!!!!!!!!

Immisuu dhalinyaro ku dilay Hargeysaa intii ka danbeysey Khudbadaas?
Immisuu dhalianyaro xidhay intii ka danbeysey khudbadaas?
Immisaa tahriibtay oo ku dhimatay baddaha iyo saxaaraha lama degaanka ah?
Immisaa ku silcaysa dalka miyi iyo magaalaba ?

Waa tiro aan la koobi karayn ,ee bal ila eega tixdan Ilaahay ha u naxariistee Abwaan Cabdilaahi Suldaan Timacade :


shacbigii dagaalka u gala,daadsan suuqyada’e,
dambarkeedii maandeeq nimaan doonin baa dhamaye,
distoor iyo qawaaniin ayaan cidiba doonddonine,
Ninowna dawlad baa Hargeysa fadhida,how dabaal-degine.



Dibudhsika wixii uu ka yidhi:


Waxa uu yidhi bal ila eega “Xukkmadda waxay dhamaystirtay barnaamijka dib-u-dhiska iyo houmarinta Somaaliland sannadkii 2007,barnaamijkaas oo meelo badan waxweyn ka tari doona horumarinta dalka shanta sanno ee soo socota(2008-2013),barnaamijkaas waxa ku bixi doona lacag dhan $550000000(shan boqol iyo koton milyan oo dollarka Maraykanka ah),waxa aanu bilaambi doonaa sannadkan badhtamihiisa”


Dadweynoo waxaad weydiisaan maxaa ku dhacay barnaamijkii sannadkii labaad ayaa La marayaa,cajiib tallow ma lacagtii baabuurta waaradka lagu sidey ee loo qaybiyiye Gabraaratada (42-Guurti ee u kordhisey)baa!!!!

Waxa la dhiso daayoo markii wax kasta la soo dhameeyey ayaa hantidii qaranka La xaraashayaa,maxay taasi ku cadaynaysaa hadaad dalkii Soomaliya la Isku odhan jirey joogtay waqtigii uu dhacayey ,rajiimkii ka talin jirey tan oo Kale ayuu ku dhaqaaqay ama sameeyey.


Aan idin yara xuusuusiyo hadana abwaankii Cabdi Iidaan Ilaahay ha u naxariistee Maalin isagoo ka qadaynaya meel wax laga cunno ayuu arkay hashii Maandeeq Oo candho weyn oo lagu hoos sawiray calankii ,markaasuu la yaabay cidda dhereg Iyo dheef ka heshay wuxxuna yidhi:
“Cadho legeddaydaa lagu sawiray calankaaa hoostiisa car yaa maalay oo loo lisaan caawa leeyahay”

Dhalinyarada iyo ciyaaraha wixii uu ka yidhi:

“Wasaaradda ciyaaruhu,waxay ku guulaysatay in ay qabato sanadkiiba hal mar ciyaaraha gobollada dalkeena oo ah taranka ugu xiisaha badan,taasi oo Xukuumadduna ku bixiso kharash badan.Waxa kale oo la hir-galiyey tartanka ciyaaraha ee gobol kasta iyo degmooyinkiisa(Inter Regional Tournment).Waxa u qorshaysan Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha sanadkan 2008 in caasimada Hargeysa lagu qabto tartan la magic baxay(Diaspora Cup of Somaliland),oo ay ka qayb galayaan dhalinyaro reer Somaliland ah oo ka socda wadamada Norway,Denmark,Swden,Engaland,Finland,Canada iyo North America.Waxa kale oo ay Wasaaradu qabnaysaa tartankii Ciyaaraha Gobollada ee sanadka 2008,iyadoo ay Xukuumaddu qorshaheedii waddo,sidii Caasimadda koonayaasheeda looga samayn lahaa Garoomo Dhalinyaradu ku ciyaarto,si loo dardar geliyo Ciyaaraha (sports-ka)oo uu ku jirto jidhka iyo maskaxda Caafimaadka qabtaa”.

Waxaa is weydiin mudan goormaad qabateen Ciyaaraha Gobollada sanadkiiba mar,Siddeed sanno ayaad wadanka haysatey 3 jeer oo qudha ayaad cagojiid ku qabatay.Sababta aad sannadkii ina dhaafay u qaban weydey waa la garanayaa waayo waxaad ka Baqatay in ay dhacdo tii 2007kii kaa raacday ee ku tustay in dadweynaha Caasimadda Hargeysa aanay raali ka ahayn Xukunkaaga.

Waxaase ugu daran oo ah in laga xishoodo waxa aad ku tilmaantay (Diaspora Cup of Somaliland) oo tidhi wuxuu ka dhacayaa Somaliland 2008.
Aan adiga iyo Gabraaratad kuu shaqaysa ee wasaarada Ciyaaraha ka tirsan wediiyee maxaa ku dhacay mise marka aad wadanka ka soo carrarto ayaad Dibadda ku qaban!!!


Waxaad tidhi goroomaa loo dhisayaa Dahallinyarada,waxaadse ka iibisey kuwii Xaafadaha ugu dhex yaaley, iskadaa waxaad u dhiste’e.

Dadweynow bal ila eega tixdan uu tiriyey Abwaan Qaasim Ilaahay ha u naxariistee:


“Isma doorin gaalkaan diriyo ,daarta kii galaye,dusha midabka Soomaalibaad,dugulka moodaaye,misna laguma diirsado qalbiga,waa dirkii karaale”


Ugu danbeyntii haddaad hadalladiisii dib u eegto sow tan ku tusimayso qaybtii labaad ee maahmaahda oo ah “Nimaan run aqoon”.

Maahmaahda qaybta hadhay oo ah Nimaan rag aqoon waa inoo iyo todbaadka danbe haddii Eebo idmo,waxaan kaga hadlayaa sida uu ugu abaal guday raggii raacay ama taageeray xilligii uu doorashada ku jirey.
 

 

 


Mustafa Cabdi Cartan

Toronto-Canada