GARABKA HAWEENKA EE XISBIGA UDUB EE WADANKA INGIR IISKA OO CASHO SHARAF KU QABTAY LONDON HILTON

 

 

London (TNN)-Casho sharaftan oo lagu sagootiyayay xubnaha qurba jooga Xisbiga Udub ee ka qayb gelaaya doorashada madaxtooyada Somaliland; ayaa waxa ka soo qayb galay  ma suuliyiin badan iyo marti sharaf kale oo ka tirsan taageerayaasha xisbiga Udub. Munaasibadaas oo ay hadalo dhiiri gelin leh ka soo jeediyeen xoghayaha arimaha debeda ee Xisbiga Udub md Maxamed Cabdilaahi iyo Ambassador

Cabdifataax Siciid; ayaa waxa ugu horayn mahadnaq balaadhan u soo jeediyay xubnihii soo qaban qaabiyay munaasibadaas sidoo kalena ku dheeraaday muhiimada uu qurba jooga  xi sbigu ka gaysan karo arimaha doorashada Ambassador Cabdifataax Siciid.

Wakiilka Cabdifataax oo ka hadlayay kalsoonida xisbiga Udub uu ku qabo doorashada ayaa hoosta ka xariiqay laba qodob oo kala ahaa: waxqabadka dawlada mudadii ay Udub talada dalka haysay iyo kalsoonida shacabka Somaliland ay ku qabaan hogaanka dalka. Waxa kale oo hadalka uu ku soo dhaweeyay xoghayaha abaabulka ee Udub UK md Mahdi jaamac oo  h abeenkii xalay xaflada daadihinayay,xoghayaha arimaha debeda ee xisbiga Udub md  Maxa med cabdilaahi;. Xoghayaha oo la wadaagayay Anbassador ka hadalada soo dhawaynta iyo u mahad celinta garabka haweenka ee soo qaban qaabiyay munaasibadaas ee Xisbiga Udub UK; ayaa aad uga waramay safaro uu Xoghayuhu beryahan ku marayay wadamada Europ; waxaanu ku dheeraaday diyaar garawga ay qurba jooga xisbigu ugu jiraan sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen ololaha doorashada madaxtooyada Somaliland.

Intaas wuxuu ku daray sida ay xisbiga Udub uga go,an tahay soo bandhigida waxqabadkii dawlada oo ay indhaha iyo dhegaha muwaadiniintu ku farxi doonaan;islamrkaana ay u  tay ayn doonaan dhamaan waxyaabihii inoo qabsoomay intii uu talada dalka hayay Xisbiga  Ud ub.Waxa kale oo ay xoghayaha iyo ambassador kuba sheegeen in xidhiidhka ay Somaliland la leedahay beesha caalamku uu manta marayo meeshii ugu fiicnayd; guushana la gaadhi doono dhawaan [insha ala] Sidaas darted waxay uga digeen bulshada Somaliland inaanay codkooda ku taageerin gacmo aan la garanayn meesha ay wax u dhaqaajin doonaan; bede lkeedana ay codka siiyaan xisbigii nabada iyo horumarka dalka ee [udub]

Waxa kale oo hadalka la wareegtay Marwo Amran Maxamed oo hormuud ka ahayd  xubna ha soo qaban qaabiyay munaasibadaas; waxaanay marwo Amran ku dheeraatay kaalinta muhiimka ah ee ay haweenku kaga jiraan bulshada Somaliland xag siyaasadeed iyo xag  bul shaba . sidaas darted Amran waxay ku dhiiri gelisay inay haweenku taageeraan xisbiga Udub meel ay joogaanba gaar ahaan wadankan Britain. Marwo Amran maxamed waxay si gaar ah baaq ugu dirtay haweenka Somaliland ee codkooda dhiibanayaa inay doortaan xisbiga Udub oo looga bartay wax qabad, deganaan iyo qunyar socodnimo badan.

Waxa kale oo halkaas ka hadlay Cabdi Cali, Axmed Bare iyo Haruun oo dhamaan ka tirsan gudida fulinta ee Udub UK; iyaga oo dhamaantood soo jeediyay hadalo diiri gelin leh oo ay kula dardaarmayeen xubnaha ka qayb qaadanaya ololaha doorashada ee dalkii u baxaya sidoo kalena waxay shacabka uga digeen inay ka feejignaadaan hadalada kala fogaynaya shacabka walaalaha ah ee ay qaar ka mid ah asxaabta mucaaradku ku beer  laxawsan aya an si loo siiyo codka. Ugu danbayn waxaa soo gunaanaday oo munaasibadaas soo xidhay oo Md Mahdi ku soo dhaweeyay hadalka Md Maxamed Xasan Jamac[Quule] oo ah xubin  mu hiim ah oo xisbigu aad ugu xisaabtamo ; waxaanu ku dardaarmay u diyaar garoowga xaqiijinta guusha aynu mudada dheer higsanaynay.

 

Hamse Ahmed Salaan