Garabka Waran Cadde ee xisbiga UDUB oo eedaymo hor leh u soo jeediyay Axmed Yuusuf Yaasiin





Hargeysa (TNN)-Xubno ka mid ah Gudida fulinta ee xisbiga UDUB ayaa shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen Huteelka Safaari ee magaaladda Hargeysa waxay ku eedeeyeen Ku simaha Guddoo miyaha UDUB inuu marin habaabiyay Hoggaankii xisbiga ee sida ku meel gaadhka ah uu u hayay.

Wasiirkii hore ee Warfaafinta Axmed Xaaji Daahir Cilmi, oo ka hadlay shirkaasi jaraa’id ayaa eedo u soo jeediyay ku simaha Guddoomiyaha UDUB waxaanu yidhi “Axmed Yuusuf Yaasiin waa kii dha waan ka hadlay TV-yada iyo jaraa’id waxyaabo badan ayuu ka hadlay waxaan idiin sheegayaa h adalkiisaasi waxyaabaha been abuurka ah ee ku jiray. Madaxweynihii hore ahna Guddoomiyahay agu wuxuu soo diray email, fariintii email-kaasi ku qornayd waa kii ku simuhu lahaa waxa la ii igma day inaan hawlihii xisbiga dhamaystiro bilow illaa dhamaad. Waraaqdaasi wuxuu Daahir Ray aale u soo igmaday ku xigeenkiisii iyo 35 xubnood oo xisbiga ka tirsan inay dhamaystiraan shirkii Gola ha dhexe oo qudha.”

“Ku simuhu wuxuu na marin habaabiyay oo iyadoo waraaqda aanu ka helay Guddoomiyaha nalo oma sheegin inay ku eg tahay dhismaha golaha dhexe oo qudha, waxa uu yidhi waxaanu dham aystiraynaa hawlihii xisbiga oo dhan haddii ay tahay xeer hoosaadka wax laga bedelay oo aanu kala shaqaynay,”ayuu yidhi Axmed Xaaji Daahir.

Wasiirkii hore ee warfaafintu wuxuu sheegay inuu ka mid yahay murashixiinta u taagan madaxwe yne Ku Xigeenka isla markaana uu gudbiyay CV-giisii iyo lacagtii curaadhta ahayd ee lagu xidhay, waxaanu ku dooday inaanu ku simaha Guddoomiyuhu aanu soo hadal qaadinba.

Ku simaha Xoghayaha guud ee xisbiga UDUB C/Xaliim Maxamed Muuse oo ka hadlay halkaasi wux uu yidhi “Waxaan jecelahay inaan qodobo yar ka taabto khilaafka xisbiga UDUB anigoo aad uga xun oo aad ii dhibayso. Waxaan xisbiga UDUB ku dhacay runtii khilaaf muu ahayne’e boob ayuu ahaa. Xisbiga waxa sii waday maamulkiisa laba ku sime oo kala ah Ku simaha Xoghayaha iyo ku simaha Guddoomiyaha sanadkaas iyo badhkaasi anaga ayaa xisbiga soo wadnay maalmihii u dambeeyay waxaad moodaa inuu shaydaan naga dhex toosay oo khilaafka xisbiga loo soo maray dhinicii ku simaha Guddoomiyaha Axmed Yuusuf Yaasiin isagaa horseed ka ah khilaafkan oo si jujuub ah oo bilaa karaamo ah oo aanu xisbigii qadarin u dhaqmay. Guddoomiye ku xigeenku wux uu doonayay Guddoomiye oo wuxuu na lahaa Daahir Rayaale ila riixa. Markii dambena isagaaba sheegay inuu u yeedhay inankan (Jamaal Cali Xuseen).”

Ku simaha Xoghayuhu wuxuu sheegay inuu xafiiskiisa lagu soo ururinayay araajida murashaxiin ta, waxaanu waxba kama jiraan ku tilmaamay hadal ka soo yeedhay Axmed Yuusuf Yaasiin oo sheegayay in Jamaal Cali Xuseen uu shubay lacagtii kaydka xisbiga oo dhamayd 285 kun oo Doll ar.

Sidoo kale, waxa iyaguna eedo noocaasi oo kale ah u jeediyay Guddoomiye ku xigeenka xisbiga UDUB Wasiirkii hore ee hawlaha guud Siciid Sulub Maxamed Iyo Agaasimihii hore ee warfaafinta Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro).
 


source:somaliland.org