Garabkii UDUB Ee Ku Biiray Kulmiye Oo Sheegay In Xisbigaasi Ay Sad-Qeeyeen Rayaale Iyo Warancade, Soona Bandhigay Ujeedooyinkii Loo Burburiyey

 

 

 

Hargeysa (TNN) Garabkii UDUB ee dhawaan isku shubay Xisbiga Kulmiye talada dalka haya ayaa shaaciyey in Xisbigoodii hore ay Sad-qeeyeen Madaxwaynihii hore Somaliland iyo Wasiirkiisii Duuli sta iyo Hawada ee uu dhawaan u Cumaamaday Musharaxnimadda Xisbigooda Daahir Rayaale Kaa hin iyo Cali Maxamed Warancade, kuwaas oo ay ku eedeeyeen inay wakhti dheer ka soo shaqayn ayeen burburka Xisbiga Mucaaridka ah ee UDUB oo ahaa ka ugu Guunsan Axsaabta Siyaasada Somaliland.

Siyaasiyiintaas ayaa waxay sheegeen in Daahir Rayaale Labadii Maalmood ee ugu darnaa Xisbiga UDUB ee uu Khilaafka la daalaa-dhacayey inuu ka dhoofay, isla markaana markasta oo uu soo dhe xgalo ismarin waagaas inuu dhinac la safanayey, balse markii ay arkaan sida loo Xabaalayo Xisbi gooda ay go’aansadeen inay la midoobaan Xisbul Xaakimka Kulmiye oo ay tilmaameen inay iyagu dalbadeen ku biiritaankiisa.

Kooxdan Siyaasada isku Xulufada ku ahaa mudooyinkii ugu danbeysay ayaa waxay ka sanqadhi yeen in burburka UDUB looga gol lahaa si loo soo saaro Ururo Qabaa’il u badala, kuwaas oo loogu adeegsanayo hab beeleed, looguna talo galay si aanay cid danbe ugu aayin Xisbigaasi.

Sidoo kale Xubnaha Siyaasiyiinta ah oo dhamaantood Xilal kala duwan ka soo wada qabtay Xuku umadii Rayaale oo kala ahaa Wasiirkii hore ee Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Maxamuud Siciid Maxa med, kii Dhaqanka iyo Dalxiiska C/risaaq Waabari Rooble, Ganacsiga Abiil Xasan Filfil, Badhasaa bkii Hore ee Maroodi Jeex Maxamed Cabdi Daa’uud, Maxamed Daahir oo ka mid ahaa Masuuliyiinta sarsare ee Xisbigaas Burburay ee UDUB iyo Xubno kale oo Xilal ka hayey Xisbigaas. Waxaanay sidaas ku sheegeen Shirjaraa’id oo ay shalay ku qabteen Hutelka Safaari ee Magaaladda Hargeysa. Ugu horayna Waxa Madashaas ka hadlay Maxamed Daahir oo ka mid ah Masuuliyiintii Sare-sare ee Qurbo jooga UDUB ee dhawaan ku biirtay Xisbul Xaakimka Kulmiye, kaas oo ka hadlay Burburka Xisbigaas, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Shirkan Jaraa’id ee aanu qabanay maaha mid aanu cid ku taageerayno ama aanu cid ku Haaraamayno, hase yeeshee ujeedadiisu waxa weeyi inaanu ku cadayno Sooyaalkii Taariikheed ee burburkii UDUB oo maalmahan danbe si khaldan Warbaahinta loogu baahinayey. Runtii bururkii Xisbiga UDUB waxa uu bilaambay bishii August 2010-kii maalintii Daahir Rayaale ka dhoofay Hargeysa isaga oo Xilka ka sii maqan Bil kaliya”. Maxamed Daahir isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaas raaciyey “Cali Warancade mar aanu kulanay oo uu isku kaaya keenay Cali Guray waxa aanu ku nidhi Xisbigii UDUB waanu kugu wareejinaynaa ee Xilkiisii la wareeg, waxa uu nagu yidhi iguma wareejinaysaan oo markaad igaga tagtaan xageen gaynayaa, waxa aanu nidhi hadaba Xaflad aynu samayno ee anaga nagu wareeji Xisbiga, markaas waxa uu yidhi idinku wareejin maayo oo dadkaygii waxa aan u sheegayey mudo 2 sanadood ah-ba inaan hayo UDUB markaa waan ka fara-madhanahay ma odhan karo, waxaananu goobtaas iskula qaadanay in Xisbigii sidaas ku dhinto oo sidaas lagu aaso. Mida kale waxaan la yaabanahay qolada leh Madaxwaynaha ayaa Xisbigii naga baabiiyey runtiina arintaasi waa mid aan Xaqiiqada ku salaysnayn oo aanay waxba ka jirin waana hadal Xaqiiqda ka fog”.

Wasiirkii hore ee Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Maxamuud Siciid Maxamed oo isaguna halkaas ka hadlay ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Waxaanu maanta halkan ka cadaynaynaa inay iska hadleen Dadka Maanta yidhaahda dawladda Siilaanyo ayaa burburka UDUB ka danbaysay oo soo dhexgashay xataa Gacan Haadina ku dhehoo, run ahaantiina anagu markaanu Kulmiye ku biiraynay noomay gacan haadin oo anaga ayaa ku khasabnay inaanu ku biirno Xisbigaas si aanu hawlaha qaranka wixii nagaga soo hagaaga uga shaqayno. Waxaanu nidhi waar Xisbigayagii hadii uu burburay dad inay Qaran u shaqeeyaan u bartay ayaanu ahayn oo Ururo iyo Qabaa’ilo uma shaqaynkarnee maxaa inoo talo ah?, waxaananu Jeclaanay inaanu ku biirno Xisbigaas Talada Qaranka haya oo aanu waliba dagaal kula jirnay oo Cay iyo Aflagaado badan aanu u gaysanay”.

Maxamuud Siciid isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Maalintii uu Jamaal Cali Xuseen oo Musharax Xisbiga ahi yidhi wakhtibaa igu socda ee aanu ugu ducaynay UCID ayaanu nidhi waar ma Inanka ayeynu raacnaa mise Odayga ayeynu raacnaa markaas ayaa inta aanu is wada raacnay Intayadan iyo qaar kale oo badan ayaanu ku nidhi Daahir Rayaale, Guddoomiye waxa aanu doonaynaa inaanu Xisbiga Badbaadino, waxa uu nagu yidhi waxaanu u qaadan waynay oo wuxuu yidhi Isa soo wada Casila dhamaantiin oo Guddoomiye ku xigeenkuna ha isa soo Casilo. Maalintaas ayaananu garanay inaanu Kulmiye galno oo aanaan la sii Jaafaa-jirqin ilayn UDUB halkaas ayey ku dhimatay oo Rayaale ayaa dilaye. Mida kale marka la leeyahay Xisbiga Kulmiye qabyaalad ayey ragaasi ugu Biireen Xisbigaas waa Dacaayad runtiina way jiraan laba Nin oo ay guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye isku beel yihiin laakiin intayada kale ayaaba ka badnayd oo waxaanu ka koobanahay min Saylac ilaa iyo Ceelaayo, Kidaab ayaananu ka Maraynaa Kulmiye inaanu Shilin Lacag ah na siinin maanta ilaa maalintii aanu ku biirnay oo xataa Sooryo nalama siinin ee Mabda’a ayaanu ugu biirnay. Waxaanu Ognahay in Xisbiga UDUB loo tashay oo waxaan maqli jiray Hashii Geella Cuntay ee hadana Cabaaday, Raga Maanta Qaylinaya ee Leh Xukuumadda ayaa burburisay ee Reerahoodii dhawrka Urur u sameeyey ayaa u Tashaday oo markay Ururo kale reerkoodii ku hubsadeen idhi Kana yaan reer kale qaadanine ha la dilo. Waxa kale oo ay Alle ha u Naxariistee UDUB dhabtiisa ku Dhimatay Madaxwaynaheenii hore Daahir Rayaale oo aanu la soo shaqaynay isla markaana aan Aflagaado iyo Cay naga Istaahilin balse ku ceebaysan arintaas”.

Waxa kale oo isaguna halkaas ka hadlay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadii hore C/risaaq Waabari Rooble oo isaguna ka mid ah Masuuliyiinta dhawaan ku biiray Xisbul Xaakimka Kulmiye, isla markaana ka hadlay Madashaas kana waramaya Burburka Xisbigaas, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Xisbiga UDUB maanta muu burburin ee waxa uu burburay Shirwaynihii Hutelka Maansoor lagu qabtay 2009-kii ee Jeebadda Daahir Rayaale lagu riday dhamaan Xisbigii oo dhan, isla markaana anaga oo aan Golle dhexe lahayn aanu doorashadii ugu danbaysay galnay ee aanu halkaas ku guuldaraysanay oo waxaanu Doorashadaas galnay Xisbiga UDUB oo aan Gole dhexe lahayn. Mida kale marka la leeyahay Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadiisa ayaa UDUB burburiyey waa hadal la iska yidhi oo been aan sal iyo raad toona lahayn weeyi, dhinaca kale markii aanu aragnay in Xisbigii baaba’ayo anagaa isku garanay Kulmiye oo nidhi UDUB wataa Marxuum Cigaal ka daba tagtaye ina dhaafiya.”

Dhinaca kale waxa isaguna halkaas ka hadlay Wasiirkii hore ee Wasaarada Ganacsiga Abiib Xasan Filfil, kaas oo deedefeeyey wararka sheegaya in xukuumadda Siilaanyo ay ka danbaysay burburk a Xisbiga Mucaaridka ah ee UDUB oo uu sheegay inay Sababta burburkiisa lahaayeen Daahir Rayaale iyo Garabkii Cali Warancade.
 

Source:Haatuf