Garadag – 2

 


Magac naanays ah, oo raas Beesha Habar Toljecle ka mid ah loo bixiyay, ayay Beeshu ilaa ha ddeer, ay ku kala aragti duwantahay; oo ay ku kala qayb-santahay.


Naanaystu, si dadban, iyo si toos ah ba, saammayn wayn ayay tolka dhaxdiisa, ay ku yeellat ay. Waxa ay ilaa xad ay dhaawacday: is-tolaysigoodii iyo wada-jirkoodii ay naanays bixintan ka hor, ay kaga soo dabbaasheen, ee ay kaga soo gudbeen, dhammaan wixii dhibaatooyin iy o duruufo qallafsan ahaa, ee Beeshooda Habar Toljecle soo waajahday.


Naanaystu, waa magacan Habar Jecle. Sida naanaystu ay ku timiddayina waxa ay ahayd: raas Beesha Habar Toljecle ah, oo Suldaan aanay Beeshu ku raacsanayn, iyagu iska soo dhax-doortay. Markii Beeshu ay ku diidday, ee iyaguna ay caleema-saarka Suldaankooda ay ka tanaasulli waayeen, ayuu magacan naanaysta ahi uu iyagana sidii ku raacay.


Odayaashii magacan bixiyayi, waxa ay raaskan u arkayeen, in uu raasku uu tolkood gooni iskaga taaggay, oo uu tolkood ka maarmay. Sidaa daraadeedna, aanay sheegashada maga ca tolka aanay xaq u lahayn. Odayaashu iyaga oo aragtidan ka duullayay, ayay naanaystan Habar Jecle ah, ee magacii Habar Toljecle oo ereyga Tol laga dhax-saaray ah, ay iyagana – waa raaskii e – ay ganasax uga dhiggeen.


Haddaba naanaystu Beesha Habar Toljecle waxba ma aanay yeesheen e, waxa uu khilaafku ka yimid, markii ay iyaguna – waa raaskii e – ay rogaal cellin sameeyeen, ee ay naanaystoo dii Beesha inteedii kale, ay iyaguna ku socodsiiyeen. Waxa ay bilaabbeen in ay raas kasta oo Beesha ah ba ay ku yidhaahdaan: annaga ayaad tihiin, oo Habar Jecle ayaad tihin.
Intii ka ogolaatay mooyaan e intii kale, ayaa jawaab qaldan ka bixisay oo tidhi: maya, annag u Habar Jecle ma nihin! Waxa ka qummanaan lahayd, in ay yidhaahdaan: maya e, idinka iyo annaguba Habar Toljecle ayaan isku nahay.


Wada dhalashadii Beesha Habar Toljecle waxa dhaawacday: Habar Jecle ayaad tihiin, iyo ma ya, annagu Habar Jecle ma nihin; oo aanay faahfaahin kale la soconin,.
Waxa aan la is-wayddiinin, oo aan la isla falanqaynin, waxa ay annaga-dan iyo idinka-dani ay kala yihiin. Waxa aan la isla fahmin, in ay annaga-dan iyo idinka-dani ay labadooduba ay innaga isku yihiin; oo ay Habar Toljecle isku yihiin.


Ugu ma danbayn: taariikheennu waa bayaan, tolnimadeennu waa caddaan, abtirsiinteennu waa isku mid e, waxa aan u baahannahay oo kali ah: Habar Toljecle iyo Gar’adag – 2.
 

 

 

Maxamed Sheekh Daahir
sheekhdaahir@yahoo.com