GARO XORIYAADAADANI RAG U WADA XABAALMEEN

 


1. Garo xoriyadaadani in xabaalo loo galay

2 garo xoriyadaadani rag u wada xabaalmeen

3 Garo xoriyadaadani heerbeegtideeniyo xaajadaan lahaan jiray

4.Garo xoriyadaadani in xinjiro ku daateen

5.Garo xoriyadaadani heerkii Islaamkiyo xurmadii awoowgaa

6.Garo xoriyadaadani xaasid yaannu kula talin ha xigtaysan cadawgeed

7.Garo xoriyadaadani xisaab adiga kuu taal iyo xogo tusaalayn

8.Garo xoriyadaadani xurmaday kuu leedahay

9.Garo xoriyadaadani waa xisaab Ilaahay iyo xukun ku sugayee

10.Garo xoriyadaadani xushmadii walaalnimo xaynkaan wadaagniyo xabsiyadii madoobaa

11.Garo xoriyadaadani waxa xulad hareeraha xeradaada raba gubo

12.Garo xoriyadaadani xididada waraabshaa xabad geesi weeyee

13.Garo xoriyadaadani waa xil adi ku sugayee

14.garo xoriyadaadani xeerkeedu waa nabad xididkeedu waa samo laga xiiso goynayn

15.Garo xoriyadaadani xumuhu waa ka xaaraan iyo kala xigtaysigu
 

 

 


Abdirahman Ibrahim
Bouh
bouhwajale@hotmail.co.uk